Guddiga Hirgalinta doorashaa heer Federaal oo la kulmay Guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka

Guddiga Hirgalinta Doorashadda Heer Federaal oo uu Hogaaminayo Gudoomiye Guddiga Maxamed Xasan Cirro, ayaa caawa la kulmay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee uu dhawaan magacaabay Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankan ayaa ahaa mid ku qotomay is xogwaraysi iyo talo is waydaarsi ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka ee Doorashada Soomaaliya.