Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

“Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

 

 

Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya AMISOM ayaa tababar u furay qaybaha kala duwan ee warbaahin danabeedka

Moqdisho: Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya AMISOM ayaa tababar kor loogu qaadayo xirfadda qoraalka iyo fahanka warbaahinta danabeedka u qabtay saxafiyiin ka kala socda wasaaradda warfaafinta,warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka iyo shaqaalaha warfaafinta ee Gobolka Banaadir.

Tababarkan oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye-ku-xigeenka arrimaha bulshada & wacyi-gelinta ee Gobolka Benaadir Marwo Basma Caamir Shakeeti,Maareeyaha machadka tababarrada dowladda hoose ee Xamar Cumar Faaruuq, Agaasimaha guud ee warfaafinta Gobolka Bnaadir Cabdullaahi Wiish iyo Macallin Guuleed oo ah tababare saxaafadeed oo ka tirsan IST

Horjoogihii Argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa Afduubka Ajaanibta oo lagu soo bandhigay Camaara

Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ku soo bandhigay Horjoogihii Argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa afduubka Ajaanibta.

Saraakiil ciidan oo uu Hogaaminayo Jeneraal Saadaq John oo gelinkii dambe ee shalay la wareegay gacan ku haynta magaalada Camaara, halkaasi oo ay ku qabteen horjooge Jabriil Saciid Cali Saciid, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Afduubka Ajaanibta arrimaha Samafalka u yimaada Soomaaliya.

Horjooge Jabriil ayaa sheegay inuu horey u qafaashay Weriyeyaashii ka kala socday Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, kuwaasi oo uu ka qaatay lacago Madax furasho, ayna jiraan Ajaanib kale oo gacantiisa ku maqan, kana afduubtay meelo ka mid ah dhulka Soomaalida.

howlgalladan ayaa lagu qaarajiyay in ka badan 200 ruux oo isugu jirta maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Soomaaliya oo gashay kaalmaha ugu horeya tartanka ciyaarta oradka

Soomaaliya ayaa kamid noqotay 10-Wadan ee kaalmaha ugu horeya ka galay tartanka ciyaarta  oradada (Olympic) oo lagu qabatay Dalka Japan

Cali idow Cali oo Soomaaliya ku matalayay tartanka ayaa galay kaalinta 10-aad isaga oo ka sara maray wadama badan oo ay ka mid yihiin Spain, Poland, Qatar iyo Brazil!.

Cali ayaa sidaa ugu gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

 

taliyaha ciidanka dhulka oo ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii Al-Shabaab ee Aagga Qeycad

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo isagoo uu garab taagan yahay wasiirka amniga Galmudug shir jaraa’id ku qabtay duleedka deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii aaggaas ka socday ee lagula jiray maleeshiyada Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale sheegay inuusan jirin aag dagaal oo ka sokeeya Xara-dheere.

Generaal Biixi ayaa tilmaamay in dagaalka uu soo socday muddo bil ah,islamarkaana argagixisada meelo badan oo ka tirsan gobolka Mudug looga saaray, kuwaas oo hadda firxadkooda uu gaaray degmada Xarardheere.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dagaalkii ugu dambeeyay ee maanta ku qabsaday Qoryo ka badan 20, qalab isgaarsiinta, raashin, dharkii dumarka ee argagixisadu isku qarin jireen, godadkii ay ku gabban jireen, iyagoo soo bandhigay meydadka argagixisada ay ka carareen.

Ciidamada ayaa hadda ku sii daba jira haraadigoodii maleeshiyada Al-Shabaab.

Ayaan Aadan Cabdullaahi oo noqotay gabadhii 2-aad ee ku guuleysta kursiga Aqalka sare.

Ayaan Aadan Cabdulaahi ayaa noqotay gabadhii 2-aad ee ku guuleysta kursiga 2-aad ee aqalka sare ee barlamaanka 11aad ee Dalka, doorashada ka socota magaalada Baydhabo.

Ayaan ayaa heshay Codad gaaraya 79 , Halka Farxiyo Nuur Aadan oo la tartantay ay heshay 8 cod.

Senator Samsam Ibraahim Cali oo ku soo baxday doorashada Aqalka sare ee Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka socota doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya maamulkaas.

Samsam ibraahim Cali ayaa noqotey xildhibaankii ugu horeeyey Aqalka sare loo doortey koonfur galbeed 4 sano ee soo socota, iyadoona heshey 81-cod, waxaana la tartantay Shariifo.

Senator Samzam ayaa horay uga mid ahayd golaha Aqalka Sare ee waqtigooda dhammaaday, dib ayaana maanta loo doortay.

Afganistaan: dagaalka u dhexeeya ciidamada iyo Taalibaan oo sii xoogeystay

Dagaallo u dhexeeya ciidamada Afghanistan iyo Taalibaan  ayaa ku sii fidaya gudaha dalkaasi,iyadoo saddex gobol oo ku yaal koonfurta iyo galbeedka dalkaasi ay wajahayaan xaalado qatar ah oo keeni karta amni daro iyo burbur ku habsada adeegyada bulshada.

Waddanka ku yaalla Koonfurta aasiya ee Afganistaan ayaa ka sii daraya , iyadoo dagaalada u dhaxeeya Taalibaan iyo ciidamada dalkaasi , ay sii xoogeysanayaan xilli ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO ay doonayaan in ay soo afjaraan bixitaankooda marka la gaaro 31-ka Ogoosto, kaddib 20 sano oo ay joogeen halkaasi.

Dagaallo ka dhan ah Taalibaan ayaa ka socda dalka Afganistaan oo dhan ,waxaana la filaya dhowaan in Madaxweynaha Afgaanistaan Ashraf Ghani uu la hadlo  xubnaha baarlamaanka dalkaasi.

Kooxda Taalibaan ayaa hadda isku dayaya inay qabsadaan caasimadaha gobollada, ka dib markii ay bilihii la soo dhaafay horay u qabsadeen maamulka degmooyin badan.

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo lagu soo dhoweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Mudane Abdullaahi Abyan Nuur ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo oo ay ka dhaceyso Doorashada Aqalka sare.

Waxaa garoonka diyaaradaha shaanti Gaduud ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Konfur Galbeed mudane Yusuf Cabdulqadir Maxamed iyo xubno ka tirsan Guddiga

Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee gaaray Baydhabo oo ka kooban 6 xubnood ayaa goobjoog u noqon doona Doorashada Aqalka sare ee maanta lagu wado in ay ka dhacdo magaaladaas.

Maxkamadda ciidamada qalab sida Galmudug oo u fariisatay gar-maqalka dacwad ciqaabeed

Maxkamada ciiidamada qalabka sida ee qaybta Galmudug ayaa maanta u fadhiisatay gar-maqalka dacwad ciqaabeed dil ah oo uu ku eedeeysnaa dable Booliis Maxamed Baryare Daahir oo ka tirsan ciidanka Booliiska degmada Matabaan kuna eedeeysan dil Matabaan loogu geystay  30/4/2021 marxuum lagu magacaabi jiray Ex-dable Booliis sharma’arke Cilmi Maxamuud.

Daah furka fadhiga maxkamada ayuu gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xasan waydiiyey eedeysanaha jawaabtiisa la xiriirta eeda Xafiiska xeer ilaalinta maxkamada Ciidamada.

Eedeysane dable Booliis Maxamed Baryare Daahir oo ka jawaabayay waydiinta gudoonka maxkamada ayaa sharaxey sida gacantiisa ugu baxey marxuumka geeriyoodey.

Xeer ilaaliaha maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee qaybta Galmudug  G/sare Cabdulaahi Maxamed Muuse Keyse ayaa isna maxkamada ka hor aqriyay eedeeymaha loo heysto dable Booliis Maxamed Baryare Daahir, isagoo dalbadey in in la mariyo ciqaab u dhiganta dambiga lagu soo eedeeyay.

Abuukaate Xalane oo dhankiisa duray habka dacwad oogista xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamada ka dalbadey in iyadoo la tixgalinayo qiraalka eedeeysanaha iyo qaabka uu u dhacay dilka uu geystay loo fududeeyo ciqaabta.

Gunaanadka garmaqalka ayaa gudoomiyaha maxamada ciidamada qalabka sida ee qeybta Galmudug G/dhaxe Cabdulaahi Abuukar Xasan oo xiray fadhigan maxkamada, isagoo ku dhawaaqey go’aanka gungaarka dacwadda.