Senator Samsam Ibraahim Cali oo ku soo baxday doorashada Aqalka sare ee Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka socota doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya maamulkaas.

Samsam ibraahim Cali ayaa noqotey xildhibaankii ugu horeeyey Aqalka sare loo doortey koonfur galbeed 4 sano ee soo socota, iyadoona heshey 81-cod, waxaana la tartantay Shariifo.

Senator Samzam ayaa horay uga mid ahayd golaha Aqalka Sare ee waqtigooda dhammaaday, dib ayaana maanta loo doortay.