Israa’iil oo u hanjabtay Iiraan

Ra’iisul wasaaraha Isra’iil Naftali Bennett, ayaa jeediyay hadal kulul oo ku wajahan Iiraan, isaga oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Markab nooca shidaal qaada ah oo ay leedahay shirkad Isra’iili ah meel u dhow xeebaha dalka Cumaan, Todobaadkii hore.

“Waxaa dhammaaday waqtigii si raaxo leh la isaga fadhin jiray Dehraan iyada dab laga hurinayo bariga dhexe,” ayuu yiri Naftali Bennett

Hadalkan ayuu jeediyay xilli Bennett uu booqday Talaadadii saldhig militari oo ku yaalla Waqooyiga Isra’iil, isga oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee IDF, Aviv Kohavi.

Bennett ayaa yiri: “Waxaan abaabuli doonaa guud ahaan Caalamka, laakiin isla waqtigaas waxaan sidoo kale tajaabin doona sida kalinimo wax loogu qabsan karo, si Iiraan ay u dhadhamiso cawaaqibka ka dhalan karo daan daansiga,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Bennett.

Guddoomiyaha Golaha Shacab oo kulan la qaatay guddiga xaqiijinta qoondada haweenka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay xubnaha guddiga oo ay hoggaamineysay Marwo Batuulo Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha guddiga, waxaana kulanka ka qeybgalay wasiirka wasaaradda haweenka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Xaniifa Maxamed Xaabsade

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa bogaadiyey shaqada wanagsan ee ay hayaan guddiga, waxaana uu ku biiriyey tallooyin ku saabsaan sida lagu xaqiijin karo qoondada haweenka.

Wasiirka amniga Galmudug oo ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka deegaanka Camaara ee Koofurta Gobolka Mudug

Gaalkacyo- Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Jenaraal Biixi oo ay wehliyaan wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka deegaanka Camaara ee Koofurta Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa looga hadlay in loo midoobo la dagaalanka Argagixisada iyo sidii shacabka deegaanka ciidanka u garab siin lahaayeen howlgalka lagu sifeynayo Khawaarijta.

Taliska ciidanka Xoogga ayaa shalay ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii argagixisada ee ka socday aagga Qeycad isla markaana uusan jirin aag dagaal oo ka sokeeya Xaradheere.

In ka badan 90 muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Tuunis

Ciidamada xeebaha dalka Tuunis ayaa soo badbaadiyay 93 tahriibayaal ah kuwaas oo doonayaya inay si qarsoodi ah tahariib ku galaan qaaradda Yurub.

Dowladda Tuunis ayaa sheegtay in lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo muhaajiriintaan kadib markii ay cillad ku timid doonti ay saarnaayeen.

Dadka lasoo badbaadiyay  ayaa kasoo kala jeeda dalalka Bangladesh, Suuriya, Masar, Ghana iyo Nigeria sida ay sheegtay dwolwada Tuunis.

Dowladda Tuunis ayaa dadaal badan ugu jirta inay ka hor tagto tahriibayaalka  kusoo badanaaya xeebaha dalkeeda kuwaas oo doonaya inay marin ka dhigtaan si ay u gaaraan qaaradda Yurub.

Wasiirka Gaashaandhigga Tanzania oo geeriyooday

Darussalam- Wasiirkii Gaashaanidhigga dalka Tanzania Elias Kwandikwa ayaa geeriyooday sida uu sheegay  wargeyska The Citizen ee ka soo baxa dalkaas .

Elias Kwandikwa  oo 55 sano jir ahaa ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Darussalam, inkasta oo aan wali la sheegin sababti  uu u dhintay.

Elias Kwandikwa  ayaa ahaa xubin ka mid ah baarlamaanka dalkaas, wuxuuna  xilka  Wasaaradda Gaashaandhigga qabtay 2020-ki  xilligii Madaxweynihii  geeriyooday ee John Magufuli.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo magacaabay guddiga doorashada Aqalka Sare

Dhuusamareeb-(sonna)-Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal Galmudug ayaa magacaabay guddiga Doorashada Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee laga soo dooranayo Galmudug, waxaana ay ka Kooban yihiin 12 Xubnood oo ka tirsan Barlamaanka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo booqday askar ku soo dhaawacantay howlgallada ka dhanka ah argagixisada

Madaxweyne Ku Xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta booqday dhaawacyada ciidamada qalabka sida ee ku soo dhaawacmay dagaaladii Al-Shabab looga xoreynayay deegaannada Ceel bacad iyo Coomaad oo ka kala tirsan Degmooyinka Buulo-burte iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa booqday isbitaalada Digfeer, Somali Sudanes, Madiino iyo Xoogga Dalka oo lagu dabiibayo ciidanka geesiyaasha ah ee u bacbac dhigay argagixisada Al-Shabab.

Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa uga mahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad, Ciidanka Booliska Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan sida ay isaga kaashadeen ka hortagga cadowga Ummadda Soomaaliyeed iyo jabkii ay deegaannadaas ku gaarsiiyeen Nabad diidka.

Madaxweyne Ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa u duceeyay dhaawacyada ku jira isbitaallada magaalada in Ilaahay caafimaad degdeg ah siiyo, isagoo dhanka kale ballan qaaday in ay sii laba laabi doonaan hawlgallada ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee dalka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 97 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 9 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 40 ruux.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntland (49) gobalka Banaadir (44), Koonfur Galbeed (3) iyo Galmudug (1) qof ah, 49 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 48-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 15,594, waxaa bogsootay 7,633 Ruux. guud ahaan 828 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo qaabilay Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal

Baydhabo- Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka.

Kulanka ayaa waxa uu Madaxweynaha warbixin ka siiyay guddiga, dadaalkii lagu bixiyay qabsoomidda doorashada Aqalka Sare, isagoo ka mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay doorashadii shalay.

Guddoomiyaha guddiga Xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee heer Federaal mudane Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa uga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga mahadceliyey sida diirran ee Guddiga loogu soo dhaweeyey l, ayna goob joog ka noqdeen doorashadii shalay lagu qabtay Baydhabo.

Wasiirka haweenka XFS oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda haweenka XFS Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta kulan gaar ah la qaadatay guddiga loo xil-saaray xaqiijinta qoondada haweenka iyo ku xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Wasiirka iyo xubnaha guddiga  xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% oo wada socda ayaa kulanka la qaatay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho waxa ayna kawada hadleeyn sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha haweenka ee dhanka siyaasadda iyo qorshaha guddiga iyo wasaaradda ee ku aadan xaqiijinta qoonddada haweenka ee doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Wasaaradda iyo ururrada kale ee haweenka ayaa xusul-duub ugu jira xaqiijinta qoondada siyaasadeed ee haweenka oo ah 30%, maadaama uu dalku galay xilli doorasho.