Israa’iil oo u hanjabtay Iiraan

Ra’iisul wasaaraha Isra’iil Naftali Bennett, ayaa jeediyay hadal kulul oo ku wajahan Iiraan, isaga oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Markab nooca shidaal qaada ah oo ay leedahay shirkad Isra’iili ah meel u dhow xeebaha dalka Cumaan, Todobaadkii hore.

“Waxaa dhammaaday waqtigii si raaxo leh la isaga fadhin jiray Dehraan iyada dab laga hurinayo bariga dhexe,” ayuu yiri Naftali Bennett

Hadalkan ayuu jeediyay xilli Bennett uu booqday Talaadadii saldhig militari oo ku yaalla Waqooyiga Isra’iil, isga oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee IDF, Aviv Kohavi.

Bennett ayaa yiri: “Waxaan abaabuli doonaa guud ahaan Caalamka, laakiin isla waqtigaas waxaan sidoo kale tajaabin doona sida kalinimo wax loogu qabsan karo, si Iiraan ay u dhadhamiso cawaaqibka ka dhalan karo daan daansiga,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Bennett.