Wasiirka amniga Galmudug oo ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka deegaanka Camaara ee Koofurta Gobolka Mudug

Gaalkacyo- Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Jenaraal Biixi oo ay wehliyaan wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka deegaanka Camaara ee Koofurta Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa looga hadlay in loo midoobo la dagaalanka Argagixisada iyo sidii shacabka deegaanka ciidanka u garab siin lahaayeen howlgalka lagu sifeynayo Khawaarijta.

Taliska ciidanka Xoogga ayaa shalay ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii argagixisada ee ka socday aagga Qeycad isla markaana uusan jirin aag dagaal oo ka sokeeya Xaradheere.