Wasiirka Gaashaandhigga Tanzania oo geeriyooday

Darussalam- Wasiirkii Gaashaanidhigga dalka Tanzania Elias Kwandikwa ayaa geeriyooday sida uu sheegay  wargeyska The Citizen ee ka soo baxa dalkaas .

Elias Kwandikwa  oo 55 sano jir ahaa ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Darussalam, inkasta oo aan wali la sheegin sababti  uu u dhintay.

Elias Kwandikwa  ayaa ahaa xubin ka mid ah baarlamaanka dalkaas, wuxuuna  xilka  Wasaaradda Gaashaandhigga qabtay 2020-ki  xilligii Madaxweynihii  geeriyooday ee John Magufuli.