Madaxweynaha Koonfur galbeed oo qaabilay Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal

Baydhabo- Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka.

Kulanka ayaa waxa uu Madaxweynaha warbixin ka siiyay guddiga, dadaalkii lagu bixiyay qabsoomidda doorashada Aqalka Sare, isagoo ka mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay doorashadii shalay.

Guddoomiyaha guddiga Xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee heer Federaal mudane Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa uga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga mahadceliyey sida diirran ee Guddiga loogu soo dhaweeyey l, ayna goob joog ka noqdeen doorashadii shalay lagu qabtay Baydhabo.