Guddoomiyaha G/B Ahna duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka Degmada Dharkeenley.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka MCH Degmada Dharkeenley.
Munaasabadaan Xarig jarka ayaa waxaa kasoo qeyb galay safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Degmada Dharkeenley.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in xaruntaan ay ka faaideysan doonaan Bulshada ku dhaqan Degmada Dharkeenley, iyadoona ay qeyb ka tahay Mashruucaan fulinta Adeegyada Aasaaska u ah Shacabka Gobolka Banaadir.

Taariikh nololeeedkii Saxaabigii weynaa ee Al-Baraa Binu Maalik

Baraa Bin Maalik wuxuu ahaa saxaabi geesi soomajeestaan ah, Ammiirul-mu’miniim Cumar Binu Khadaab (RC) wuxuu yiri: ”Baraa Madax ha ugu dhigina mid ka mid ah Ciidamada Muslimiinta Cabsi uu ka Cabsanaayo Inuu geesinimadiisa Ku Jebiyo Ciidankiisa.

Al- Baraa wuxuu ahaa nin booreysan oo basaasan, una dhashay baryari ay adagtahay inay isha si fiican u qabato jirkiisa. Hase ahaatee iyadoo sidaasi ay tahay, wuxuu noqday geesi laayay boqol ka mid ah gaallada isu-soo-baheysatay dhibaateynta Muslimiinta, iyadoo usii dheertahay kuwa kale ee uu ku laayay bartamaha dagaalladii Gaalada lalagalay.

Geesinimadiisa awgeed waa tii Amiirul-mu’miniin Cumar Binu Al-khadaab, uu u qoray dhambaalkiisi shaqaalihiisa iyo guddoomiye-goboleedyadiisa markuu lahaa “yaan Baraa madax looga dhigin ciidan ka mid ah ciidamada muslimiinta, cabsi laga qabo in geesinimadiisa awgeed ciidankaas la jebiyo”.

Ruuxaas aynu ka hadlayno waa Al-Baraa Binu Al-Maalik Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee, waa Anas Binu Maalik walaalkiis ee ahaa adeegihii Rasuulka (scw).

 

Haddii aan xoogaa milicsano si aan halkan uga soo gudbino sheekooyinkii la xiriiray geesinimadii Al-Baraa Binu Maalik Al-Ansaari waxaa hubaal ah inay sheekadu nagu dheeraanayso, hayeeshee waxaan soo gudbinaynaa mid ka mid ah sheekooyinkiisii ku saabsanaa geesinimadii Al-Baraa Binu Maalik Allaha ka raalli noqdee, sheekadaas oo kaa deeqsiinaysa kuwa kale.

 

Fidnadii ugu Horeysay ee soo wajahday Islaamka

Sheekadan waxay billaabanaysaa saacadihii ugu horeeyay kadib markii uu geeriyooday Rasuulka (scw), markii ay qaar ka mid ah qabiilooyinka carbeed ay ka laabteen diintii islaamka iyagoo koox-koox ah, siday markii horeba ay u soo galeen diinta islaamka iyagoo koox-koox ah, ilaa ay diintii islaamka isugu soo hareen oo keliya muslimiintii degganayd Makka, Madiina, Daa’if iyo kuwo kale oo uu Eebbe (sw) ku sugay laabtooda iimaanka iyo diinta islaamka.

 

Maalintii Abuubakar

Intaas kadib waxaa sugnaaday geesigii runta badnaa ee Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo is hortaagay fidnadan wax baabi’inaysay ee indhaha la’ayd, wuxuu sugnaaday sugnaanshaha buurihii sugsugnaa ee qotomay oo kale, wuxuuna muhaajiriinta iyo ansaarta ka diyaariyay 11 ciidan, isagoo ciidan kasta oo ka mid ah ciidamadaas u guntay oo u dhiibay calankoodii, wuxuuna u kala diray dacallada dhulka Jasiiradda Carabta, si ay kuwii diinta islaamka ka laabtay ay ugu soo dabaalaan diintii hanuunka iyo xaqa ahayd, iyo inay ku soo qasbaan kuwii ka weecday wadiiqadii toosneyd seefta afkeeda.

 

Waxaa Abuubakar Ilaahay ha ka raallo noqdee uu yiri maalintaas hadal taariikhda meel fiican ka galay, hadalkaasoo ahaa “ma waxaa nuqsaamaya diinta annigoo nool”, dabadeedna wuxuu ogeysiiyay muslimiinta in dagaal lagu qaado kuwii diinta ka laabtay, iyadoo saxaabadiina ay aqbaleen ijtihaadkiisii toosnaa.

 

Kuwii ugu xoogga badnaa ee ka mid ahaa qabiilooyinkii ka laabtay diinta islaamka, uguna tirada badnaa ayaa waxay ahaayeen qoyska reer Banuu Xaniifa, qabiilkaasoo uu ka dhashay ninka la yiraahdo Musaylamatu Al-kadaab.

 

Waxaa Musaylama u soo saftay oo u hiiliyay tolkiisa iyo xulafadiisuba oo gaarayay afartan kun oo dagaalyahaniin ah, waxayna intooda badan u raaceen ficillo qabyaaladeed, ee ma aynan u raacin rumeyn ay rumeynayaan. Maxaa yeelay qaar ka mid ah kuwaas ayaa waxay oran jireen “waxaan qiraynaa in Musaylamatul-kadaab uu beenaale yahay, Muxammad-na uu runloow yahay.., hase ahaatee beenlowga Musaylamata ayaan ka jecelnahay runlowga Muxammad”.

 

Cabsida Laga Qabo Haddii la jebiyo mujaahidiinta Muslimiinta

Musaylamata wuxuu jebiyay ciidankii ugu horeeyay ee u soo baxay ee ka mid ahaa ciidamada muslimiinta, waxaana ciidankaas hoggaaminayay Cikramata Binu Abii Jahal. Hayeeshee, Abuubakar Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa wuxuu markale diray ciidan, wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay Khalid Binu Al-Walid. Waxaa ciidamada la isugu soo aruuriyay madaxdii asxaabta oo isugu jiray muhaajiriinta iyo ansaarta, waxaana asxaabtaas safka hore kaga jiray Al-Baraa Binu Maalik Al-Ansaari iyo qaar ka mid ah halyeeyada muslimiinta.

 

Waxaa dhulkii Yamaama foodda isku-daray labadii ciidan, ciidankii muslmiinta ee uu hoggaaminayay Khalid Binu Al-Walid, iyo ciidankii gaallada ee uu hoggaaminayay Musaylamatu Al-Kadaab.

 

Waqti kooban oo uu dagaalku socday ka dib waxaa laga itaal roonaaday Ciidankii Muslimiinta kaib Ciidamadii muslimiinta ayaa billaabay dib-u-gurasho, dhinaca kale waxay ciidankii Musaylamata cagta mariyeen teendhadii weyneyd ee uu lahaa Khalid Binu Al-Walid, wayna siibeen, waxayna sigeen inay dilaan xaaskii Khalid Binu Al-Walid laakiin waxaa badbaadiyey nin iyaga ka mid ahaa.

 

Run ahaantii waxay ahayd waqti aad u adag, waxayna muslimiintii dareemeen xaalad aan wanaagsaneyn, oo waxay muslimiinta yaqiinsadeen in haddii ciidamada Musylamata ay jebiyaan oo uu ka adkaado ciidanka muslimiinta inaynan jiraynin qof u istaaga gargaarka diinta Islaamka wixii maanta ka danbeeya, iyo sidoo kale inaan la arki doonin qof ku caabudaya Eebbe (sw) kelligiis dhulka Jasiiradda Carabta.

 

Xeelad milateri oo sareysa

Intaa kabib, waxaa booday Khalid Binu Al-Walid, isagoo isu keenay dhammaan ciidamadiisa, wuxuuna muhaajiriintii ka soocay ansaartii, sidoo kalena kuwii reer miyiga ahaa ayuu iyagana ka soocay kuwii kale. Wuxuu qabiil kasta u dhiibay hal calan, bal si loo garto wacdaraha koox kasta ay muujiyaan, sidoo kale si loo ogaado halka iyo goobta lagaga imaanayo muslimiinta, dabadeedna waxaa billawday dagaalkii.

 

Labadii ciidan waxaa dhex maray dagaal ba’an oo aysan muslimiinta weligood arkin mid la mid ah. Kooxdii Musaylamata waxay goobtii dagaalka ku muujiyeen adkeysi weyn, iyagoo aanan u aaba-yeelin tirada faraha badan ee kaga dhimanaya dagaalka, dhinaca kale waxay sidoo kale muslimiintana dhinacooda ka muujiyeen geesinimo aad u weyn, waxaana tusaale uga soo qaadanaynaa qaar ka mid ah halyeeyadii muslimiinta ee dagaalkaas.

Tusaalihii Geesinimo ee Saxaabada

Waxaynu arkaynaa Thabit Binu Qays oo sida calankii Ansaarta oo isu diyaarinaya geeri iyo dhimmasho, isagoo xirtayna kafantii meydka. Wuxuu qotay godkii lagu aasi lahaa, dabadeedna wuxuu labadiisii dhudhun ku aasay godkii, isagoo ku sugnaaday goobtaas. Sidaas ayuu ahaa oo ugu dagaalamayay ilaa markii danbe la dilay isagoo shahiid ah.

 

Sidoo kale waxan kaloo arkaynaa Zeyd Binu Cumar Binu Al-Khadaab oo ahaa Cumar Binu Al-Khadaab walaalkiis oo u dhawaaqaya muslimiinta isagoo leh “dadyahoow goowsihiina qaniina, laayana cadoowgiina, horeyna u sii socda.., dadyahoow, wallaahi ayaan ku dhaartaye hadli maayo wixii oraahdaydan ka dambeeya ilaa laga jebiyo ciidmada Musaylamata ama aan Eebbe kala kulmo, annigoo wata xujadayda iyo markhaatigayga”.

 

Intaa kadib, wuxuu rogaal celin ku sameeyay gaalladii isagoo dagaalamaya, ilaa markii danbe isna laga dilo isagoo shahiid ah. Waxaan kaloo isla goobtii dagaalka ka arkaynaa misna Salim oo ahaa mowlihii (kii la lahaa) Xudeyfa Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo sida calankii muhaajiriinta.

 

Waxaa u cabsaday tolkiisii muhaajiriinta, waxayna ku yiraahdeen “waxaan ka cabsanaynaa in nalooga yimaado dhinacaaga”, wuxuuna ugu jawaabay hadalkan qiimaha leh “haddii la idinkaga yimaado dhinacayga waxaan ahaanayaa qof xambaarsan (xifdisan) qur’aanka kan ugu xun”, dabadeedna si geesinimo ku jirta ayaa wuxuu rogaal celin geesinimo oo ba’an ku celiyay gaalladii, ilaa isna laga dilo isagoo shahiid ah.

 

Hase ahaatee, halyeeyadaas aynu kasoo sheekeynay dhammaantood waxay ahaanayaan wax yar marka loo barbardhigo halyeeynimada iyo geesinimada Al-Baraa Binu Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee.

 

Al-Baraa oo Looga Fursan waayey Hogaaminta Ciidamada

Markii uu Khalid Binu Al-Walid arkay dagaalkii oo sii kululaanaya, oo maraya meel daran ayaa wuxuu jaleecay oo eegay xaggii Al-Baraa Binu Malik Al-Ansaari, wuxuuna ku yiri “xaggooda u kac wiilkii Ansaaroow”, dabadeedna wuxuu Al-Baraa Binu Malik isna eegay dhinacii tolkiisa, isagoo leh “ansaareey yuusan qof idinka ka mid ihi ku fekerin inuu ku laabto magaalladii Madiina, wixii maanta ka danbeeya ma lihidin magaallada Madiina.., waxaad leedihiin Eebbe (sw) kelligii iyo Jannada”.

 

Gaallada oo Magangalay Beertii Geerida

Wuxuu Al-Baraa iyo asxaabtiisa durbadiiba ay ku qaadqaadeen mushrikiinta, wuxuuna Al-Baraa billaabay inuu kala beero safafklii gaallada, seeftiisana wuxuu kaga shaqeeyay oo uu ku laayay cadoowga Ilaahay qoortooda, jeer ay markii danbe ka ligligato gummadihii ciidamada Musaylamata, waxayna iyagoo cararaya ku magangaleen beer, taasoo taariikhda u aqoonsatay wixii maalintaas ka danbeeyay magacan “beertii geerida”, dadka faraha badan ee lagu laayay awgeed.

 

Beertan waxay ahayd mid dacalladeedu ay waasic tahay, lehna derbiyo dhaadheer. Musaylamata iyo ciidankiisa gaarayay kumanaanka kun waxay isku soo xireen albaabadeedii, iyagoo derbiyadaas isku ilaalinaya. Ciidamadii Musaylamata waxay billaabeen inay leebabkoodii kaga soo tuuraan muslimiinta, iyagoo ku jira dhufeysyadooda.

 

Taladii Al-Baraa

Muslimiintii waxay galeen khatar kale oo hor leh, waxayna billaabeen inay tashadaan. Muslimiinta geesigooda iyo halyeygooda ayaa haddana soo baxay ee ahaa Al-Baraa Binu Malik, isagoo ku leh muslimiinta “waxaad i saartaan gaashaan korkiisa (wuxuu ahaa nin baryar), dabadeedna waxaad gaashaanka kor ugu qaaddaan warmaha, sidaasna waxaad igu tuurtaan meel u dhow iridka beerta, labo midkood ayaa dhacaya, waa in la i dilo oo aan shahiido, iyo in aan iridka idinka furo”.

 

Ilbiriqsi kamaba soo wareegan jeer ay muslimiintii qaataan taladii Al-Baraa, waxayna saareen gaashaankii, maxaa yeelay markii horeba wuxuu ahaa nin baryar, waxay kor ugu qaadeen tobaneeyo warmood, dabadeedna waxayna ku dhex tuureen dhinacii beerta isagoo dhexda uga galay ciidamadii kumanaanka kun ahaa ee uu hoggaaminayay Musaylamata.

 

Wuxuu Al-Baraa sidii baarashuudka oo kale ku soo kor-degay ciidamada Musaylamata dhexdooda, wuxuuna billaabay inuu la dagaalamo gaallada, isagoo seeftiisa ku laayay toban ka mid ah gaalladii jeer uu markii danbe ka furo iridkii, iyadoo jirkiisa ku yaaliin dhowr iyo toddobaatan dhaawac oo isugu jiray leebab iyo warmo. Muslimiintii ayaa hal meer ku soo butaacay beertii geerida.

 

Iyagoo ka soo galaya beerta derbiyadeeda iyo albaabadeeda, waxayna seefahoodii kaga shaqeeyeen gaalladii ka riddowday/laabatay islaamka, kuwaasoo ku dhuuntay beerta derbiyadeeda jeer laga laayo wax ku dhow labaatan kun, waxayna muslimiintii gaareen ninkii Musaylamata ahaa, isna markii danbe way dileen, wuxuuna ahaa ninkii ugu horeeyay ee iska sheegta nebinnimo kadib Nebinnimada Nebi Muxammad (scw).

 

Al-Baraa oo Jeclaa Mar kasta Shahaado

Waxaa la soo qaaday Al-Baraa Binu Malik si loo daaweeyo, Khalid Binu Walid ayaa daaweenayay muddo bil ah ilaa uu Eebbe (sw) ka siiyo caafimaad, isaga sababtiisa ayeey muslimiinta guul ugu heleen. Al-Baraa Binu Malik Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu markasta u hiloobi jiray in Alle dartii loo dilo (shahiido), taasoo ka tagtay maalintii loogu magac daray “beerta geerida”.

 

Furashada Tustur

Wixii intaa ka danbeeyay wuxuu Al-Baraa Binu Maalik ku taami jiray hilowgiisii weynaa ee ahayd inuu haleelo oo uu ka daba tago Nebigii (scw) qiimaha badnaa, jeer markii danbe laga soo gaaro maalintii loogu magac daray “maalintii furashada Tustur” ee ku taalay gobolka reer Faris. Gaalladii reer Furus waxay ku dhuunteen mid ka mid ah dhufeysyada sibsibka ah. Muslimiintii waxay go’doomiyeen gaalladii, iyagoo isku soo wareejiyay hareeraha dhufeysyadaas.

 

Markii ay waqti dheer kasoo wareegatay kuna dheeraatay gaalladii reer Furus go’doonkii la geliyey waxay billaabeen inay ka soo raariciyaan dhufeyskii ay ku jireen derbiyadeeda silsilado bir ah, laguna sii xiray kalbado birlab ah oo lagu shiday dab, taasoo ka kulul dhuxusha dabka ah. Kalbaddaas birlabta ahayd waxay ku dhageysay muslimiinta jirkooda, kadibna waxay u sii qaadaysay dhanka gaallada reer Furus iyagoo markaas amaba dhintay, amaba qarka u saaran inay dhintaan.

 

Haddaba, kalbadihii mid ka mid ah ayaa ku dhegtay Anas Binu Malik oo ay walaalo ahaayeen Al-Baraa Binu Malik. Islamarkii uu arkay Al-Baraa walaalkiis anas wuxuu durbadiiba ku booday derbigii sibsibka ahaa, wuxuuna qabtay silsiladdii sidatay walaalkiis Anas, wuxuuna billaabay inuu kalbadihii kululaa ka furfuro si uu uga saaro jirka walaalkiis, gacantiisii ayaa gubatay, waxaana ka baxay qiiq. Al-Baraa dan kama gelin xanuunka gubashada ilaa uu markii danbe ka badbaadiyay walaalkiis, wuxuu dhulka u soo daadegay iyadoo gacantiisa noqotay lafo aan saarnayn wax hilib ah.

 

Al-Baraa Binu Malik wuxuu aad u jeclaa inuu qaato darajada shahiidnimo wuxuuna Alle (sw) ka baryay inuu ku arzuqo Shahaado, isagoo Alle weydiisanaya inuu ku shahiido dagaalka, Ilaahayna wuu ka aqbalay ducadiisii, kadib markii uu goobtii dagaalka dhulka ku dhacay isagoo la dilay, Al-baraa wuxuu ahaa mid aad ugu hilowsan la kulanka Eebbe (sw). Ilaahay ha nuuriyo wejigii Al-Baraa Jannada dhexdeeda, ishiisana Allaha ku qaboojiyo la jirka iyo inuu maciisi ahaado Nebi Muxammad (scw) halkaas ayuuna ku qaatay Shahaadadii uu rabay), Alle ha ka raalli noqdo, Allaahumma Aamiin.

 

W/D: Ibraahim Warsame Xuseen

Bangladesh ku dhowaad 20 qof ayaa biriq ku dishay

Ugu yeraan 17 qof oo ka qeybgalay xaflad aroos ah ayaa dhintay ka dib markii biriq ku dhacday, sida ay saraakiishu sheegeen dalka Bangladesh.

14 qof oo uu ku jiro arooska ayaa sidoo kale ku dhaawacmay biriqda, hase yeeshee aroosadda ama gabadha la guursaday waa ay ka maqaneyd xafladda.

Xafladda arooskan ayaa ka socotay magaalada Shibgani ee dalka Bangladesh, iyadoo xilliga biriqda dhacaysay sii raacayeen doon si ay u tagaan guriga arooska loo diyaariyay.

Sanad kasta, boqolaal qof ayaa biriqdu ku dishaa dalalka qaaradda Asiya. 2016 Bangladesh waxaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah ka dib markii biriq ku dishay in ka badan 200 oo qof.

Wafdi ka socda QM oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb- Waxaa goordhaw gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug wafdi ka socda Qaramada Midoobe oo ay hoggaamineyso ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho.

Ujeeddada socdaalka wafdigan ayaa ah qiimaynta xaaladda guud ee dowlad goboleedka Galmudug, arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo magacaabay Xildhibaannada u qaabilsan doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa magacaabay 15 xubnood oo ka shaqeyn doona qabashada doorashada Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa lagu shaaciyay magacyada 15-ka Xildhibaan ee u qaabilsan qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

Markuu arkay: Qodobka 34aad iyo 41aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka                    Hirshabeelle.

Markuu arkay: Qodobka 13aad iyo 50aad ee xeer Hoosaadka Baarlamaanka Hirshabeelle.

Markuu qiimeeyay: Aqoonta iyo Khibradda ay xubnahan u leeyihiin arrimaha doorashada

Wuxuu xubnaha hoos ku xusan u magacaabay guddiga qabashada doorashad Aqalka Sare.

  1. Xildhibaan Feysal Axmedweli Xasan Guddoomiye
  2. Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal Guddoomiye ku-xigeen
  3. Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim Xoghayn
  4. Xildhibaan Maxamuud Wabar Xasan Xubin
  5. Xildhibaan Cabdifataax Muuse Ibraahim Xubin
  6. Xildhibaan Xaliima Cali Saciid  Xubin
  7. Xildhibaan Aadan Barre  Maxamed         Muuse Xubin
  8. Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle Xubin
  9. Xildhibaan Axmed Cali  Abuukar  Xubin
  10. Xildhibaan Cali  Caddow  Jibriil (Alkutubi) Xubin
  11. Xildhibaan Xasan Cali  Cabdullaahi Xubin
  12. Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar (Cumar gaabow) Xubin
  13. Xildhibaan Cumar Maxamed Soomane Xubin
  14. Xildhibaan Cabdullaahi Daahir Calasow Xubin
  15. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Maxamed (Xiirane)  Xubin

Halkan ka akhriso lifaaqa Wareegtada

Guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi oo shaaciyay Xilliga la dooranayo guddoonka guddiga

War qoraal ah oo ay soo sareen Guddiga doorashaooyinka Gobolada Waqooyi ayaa lagu shaaciyay Xilliga la dooranayo guddoonka guddiga.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada Guddoonka ay dhaci doonta 7 bishan oo ku began maalinta Sabtiga ah ee todobaadka soo socda.

Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya oo qalab xafiiseed kala wareegay AMISOM

Baydhabo- Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka koofur galbed Soomaaliya ayaa maanta qalab xafiiseed kala wareegtay qeybta saddexaad ee holgalka AMISOM ee uu fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo.

Qalab xafiiseedkan ayaa waxa uu isugu jiraa computarro, miisas, kuraas iyo agab kale oo wax ku ool shaqada ka socota Wasaaradda caafimaadka ee koofur galbeed Soomaaliya.

Qaar kamid ah mas’uuliyiita qeybta saddexaad ee AMISOM ayaa Sheegay in markasta ay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan hormurinta xafiisyada dowladda, tayaynta adeegyada waxbarashada , Caafimaadka iyo ka jawaabidda xaaladaha deg-degga ah, ladagaallanka argagaxisada iyo sugidda amniga.

Guddoonka uddiga Qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Galmudug oo la doortay

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Aqalka Sare ee Dowlad goboleedka ee Galmudug ayaa waxa ay doorteen guddoonka golahaasi.

Guddiga ayaa guddoomiye udoortay xildhibaan Cabdiwahaab Maxamed Axmed, halka guddoomiye ku xigeen loo doortay Xildhibaan Cabdi raxiim Axmed Cigaal.

Sidokale Xildhibaan yaasiin Maxamed Cabdiraxman ayaa loo doortay xoghayaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug.

Talaabadaani ayaa ah mid lagu dardar galinayo doorashada xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhawaan faray dowlad goboleedyada dhiman in ay soo gudbiyaan xubnaha aqalka sare islamarkaana ay qabtaan doorashada si waqtiga lagu faa’ideeysto.

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug ayaa sidokale laga sugayaa inuu soo saaro Liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

 

Itoobiy Hay’ado gargaar oo shaqadii laga joojiyay

Dowlada Itoobiya ayaa shaqada ka joojisay qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka caalamiga ah ee ka howgala gobollo qeybo ka mid ah Itoobiya.

Hay’adaha kala ah Dhaqaatiirta Aan Xuduudda Laheyn iyo Golaha Qaxootiga Norway ayay ku amartay dowladda Itoobiya in ay hakiyaan howlahii ay ka hayeen qeybo ka mid ah Itoobiya laga bilaabo bishan August.

Afhayeen u hadlay hay’adda Qaxootiga Norwary ee NRC ayaa sheegay in sababta shaqada looga joojiyay ay tahay, dowladda oo ku eedeysay in shaqaalaha ajnabiga ah ee hay’addan aysan heysan ruqsadda loogu ogolaaday in ay qabtaan shaqadan.

Hay’adda Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn ee MSF ayaa iyaduna sheegtay in saddex bil kahor laga joojiyay howlihi bani’aadannimo ee ay ka wadeen gobollada Tigray, Amhara, Gambella iyo kan Soomaalida, iyadoo aanan loo sheegin wax sabab ah.

Redwan Hussein oo ah afhayeenka dowladda Federaalka Ethiopia ayaa bishi hore ku eedeeyay qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee gargaarka, in ay door burburin ah ka ciyaarayaan colaadda ka taagan gobolka Tigray.

Dhinaca kale, madaxa arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa uga digay dowladda Itoobiya go’aanka ay shaqada kaga joojisay hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolka Tigray, halkaasi oo uu sheegay in ay ka jirto baahiyo badan oo dhanka sama falka ah.

Wasiirka Maaliyadda X.F.S oo ka qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda Afrika

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa Aalada fogaan Aragga waxaa uu uga qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda dalalka Afrika, Bangiga Adduunka iyo IMF.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha soo kabashada dhaqaalaha iyo la jaan qaadidda horumarka Digital ka ah ee Adduunka, maadaama Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ka soo kabanaya burburka dhaqaale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in ka qeyb galka Shirkan uu muhiim u ahaa Horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka.

Wasiir Beyle, ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Dowladda Burundi oo shirkaan maanta marti galisay , si looga hadlo soo kabashada iyo kor u qaadida dhaqaalaha wadamada Afrika oo xilligaan badankood uu hoos u dhac ka muuqdo.

Dowladda Soomaaliya ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay ku dadaleeysay sidii dalka looga cafin lahaa deymahi lagu lahaa, taasi oo keentay in dalal dhowr ah ay Cafiyaan deymahii ay ku lahayeen Soomaaliya.