Guddoomiyaha G/B Ahna duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka Degmada Dharkeenley.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka MCH Degmada Dharkeenley.
Munaasabadaan Xarig jarka ayaa waxaa kasoo qeyb galay safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Degmada Dharkeenley.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in xaruntaan ay ka faaideysan doonaan Bulshada ku dhaqan Degmada Dharkeenley, iyadoona ay qeyb ka tahay Mashruucaan fulinta Adeegyada Aasaaska u ah Shacabka Gobolka Banaadir.