GUUSHA DHINACA CILAAQAADKA XIRIIRRADA (QEYBTII 2-AAD)

 

Waa taxanihii Afareyda Guusha oo qeybtiisa labaad uga hadleeno cilaaqaadka, ama xiriirka, (Qeybtii Labaad)

Waa Afar Arrimood

1-Aqoonso kaalintaada:-

Micnahu waa in aad fahamsan tahay kaalimaha aad ku leedahay bulshada dhexdeeda.

Tusaale :  anigu Waxaan ahay walad (cunug ), waalid , macalin, maamule, wasiir, madax weyne, waxaan ahay adoon ilaahay.                                                                                      Waxaad yeelan kartaa wax kabadan hal kaalin ah ama hal dawr ,  Marka waa in aad si sax ah fahamsantahay, dowrkaaga {kaalintaa}.

2-Gudo dowr [kaalin] walba waajib kiisa:-

Ka bilow waalidkaa, caruurtada, xaaskaaga, walaalahaa,  qaraabadaada, saaxiibadaada.

sax ma ahan in aad waqtigaaga ugu bad aad siiso saaxiibadaa iyadoo xaaskaagu ama caruurtaadu ama waalid kaaba kuu baahan yahay.

Waa in aad garataa xaqa uu leeyahay  lamaanahaaga , caruurtaada, waalidkaaga,  Oo waa in aad siisaa mid walba xaqiisa sharciga ah.

Rasuulkeenu ( scw ) wuxuu yiri (sii mid walba oo xaq kugu leh xaqiisa).

3-Xukun (koontarool) tasarufaadkaaga( ficiladaada):

Koontarool ficiladaada aad ku sameeneyso iyo hadaladaada, aad kula haddlayso dadka kale.

Af  xumada iyo dhaqan xumadu waxay xumaynaysaa xiriirada aad dadka kale la leedahay.

La imoow dabeecad wanaagsan iyo niyad saafiya.                (waxaa la ila soo diray in aan dhamaystiro akhlaaqda wanaagsan). Sidaa waxaa yiri nabigeena (scw) .

Dadkoo dhan gaalo iyo islaamba waxay jecelyihiin akhlaaqda wanaagsan,  cagsigeedana ama lidkeeda waa neceb yihiin .

Sida beenta, khiyaanada, balan la,aanta tuugada, iwm, sidoo kale.

4-Qalbi saafiya (Daacadnimo) iyo dabeecad wanaagsan:

Qalbiga saafiga (daacadda) ahi ma yaqaano xin,       xaasidnimo, xiqdi,(cuqdad) iyo dhamaan cuduradda qalbiga ku dhaca.

haddii aad fuliso qodobadaan waad ku guuleysanaysaa dhamaan calaaqaadkaaga.

Dhinaca waxbixinta [waxqabadka]:

Is weydii maxaad qabatay? maxaa gaar ah ood qabatay? Maxaa u qabatay reerkaaga? Maxaad u qabatay xaafaddaada ? Maxaad u qabatay magaladaada? Maxaad u qabatay dalkaaga, iyo dadkaaga? Maxaad u tartay aadanaha?.

Haddii aadan waxba u tarin adigaa dulsaar ku ah dunda. Sida uu yiri gabayaaga reer masar (haddii aadan dunida wax ku soo kor dhin, adigaa dulsaar ku ah dunida).

Hadaba waa maxay waxaa gaarka ah ood qabatay si aad unoqato qof wax qabad muuqda leh?  Si aad ugu guuleeysato in aad noqoto qof leh wax tar muuqda raaca afartan qodob.

1-Dooro majaal gaar ah ood xoogga saarto:-

majaal waa xirfadd ama farsamadda aad ku fiican tahay.

Xirfadda kale ama labaad eed taqaano kadhigo hiwaayad.

Sii majaalkaaga boqolkiiba konton 50% waqtigaaga , akhriskaaga, shaqadaada, iyo xiriiradaada.

Sii hiwaayaddaada boqolkiiba toban 10% keliya .

Waa in boqolkiiba konton 50% waxqabadkaaga aad gelisaa majaalkaaga ( xirfaddaada ) boqolkiiba tobanna 10% hiwaayaddaada .                                                                            inta soo hartayna waxaad gelisaa hawlaha kale.

Sedee baan u doorannayaa majaalkayga ?

Waxaa xadidaya doorashadda majaalkaaga :

Rabitaankaaga .

Fursadahaaga.

Awoodaada

2-Xadee ahdaaftaada (goolkaaga) waxqabad: 

kala saar rajooyinkaaga iyo ahdaaftaada,

Hadaf: waa shoqo go’an oo leh waqti go’an iyo qorshe cad si lagu gaaro.

Deji ama sameeyso hadaf (gool) hal sano ah, hadaf  shan sano ah iyo mida labaatan sano ah.

Taa macnaheedu waa: maxaad rabtaa in aad qabato sanadkan?  shanta sano ee soo socota? waa maxay yoolkaaga ( goolkaga ) labaatan sano kadib?

Hadafkaagu hakuu cadaado hana ahaado mid la qiyaasi karo.

Tusaale: hadafkay waa in aan sanadka aan gadtaa beer.

Shansano  gudohood waa in aan ku dhistaa guri labo dabaq ah,  ahdaaftani (goolashani) waa kuwo la qiyaasi karo.

3-Deji (samee) qorshihii ku gaarsiin lahaa goolkaga:-

Samee qorshihii aad  ku gaari lahayd hadafkaaga, u diyaari wax walba oo kuu sahlaya gaaridda hadafkaaga .

qorshe la’aan wax kuu suuragelayaa ma jiraan.

Waa in aad la timaadaa qorshe adag iyo dadaal dheeraad ah si aad u gaarto hadafkaaga.

Tomas adison: ( waa ikhtiraacihii nalka ) ayaa wuxuu yiri : ( hal abuurka boqolkiiba hal (1%) ayaa hibo rabi  ah sagaashan iyo sagaalka 99% kale waa dadaal iyo shaqo) .

4-Samee isku day joogto ah:-

go’aan adag iyo iskuday joogto ah ayaad ku gaari kartaa hadafkaaga iyo adiga oon dhegta u dhigin kuwa ku niyad jebinaya.

Nin madow:

Nin madow oo marykan ah oo ka dhashay dabaqadda hoose kuna soo koray xaafadaha isku raranta ah ee ay digaan dadka saboolnimada iyo daroogadu diloodeen ayaa wuxuu noqdey malyuneer, waxaa waraysi la yeeshey mid ka mida tv yadda maraykanka wareyihii ayaa su’aalay:

Wariye. sideed ku noqotay malyuneer ?

Ninkii . waxaan ku noqdey malyuneer labo shay ayan sameeyey ninkii sameeyana malyuuneer ayuu  noqonayaa .

Wariye. maxay yihiin labada shay eed samaysay?

Ninkii . go’aan waxaan go’aan ku gaaray in aan                                  malyuuneer noqdo, ta labaadna waa iskuday oo waxaan isku dayey in aan malyuuneer noqdo.

Wariye.  taa waa sahal

Ninkii . maya sahal ma ahan waxaan gaaray go’aan aan ka laabasho lahayn, ta labaad waan isku dayey .

Weriye. kadibna ?

Ninki. waan ku fashilmay.

Weriye. kadibna ?

Ninkii. waan ku fashilmay markale.

Weriye. kadibna? 

Ninkii. waxaan ku fashilmay 26 jeer mar walbana  waxaan bedelahayey habkii hore oo jid cusub ayaan u marayey hadafkayga.

Weriye. Kadibna?

Ninkii. waan ku guulaystay.

Tomas adison: (ikhtiraacihii nalka):

ayaa 261 jeer ayuu ku fashilmay inuu sameeyo nal, waxaa lagu dhahay 261 jeer ayaad ku guuldaraysatay in aad nal samayso, wuxuu yiri waxaan aqaan 261 dariiqo oo hadii aad raacdo aadan nal samayn karayn.

Taa macnaheedu waa wuxuu maray 261 jid oo kala duwan markuu jid ku fashilmaba mid cusub ayuu marayey si uu u gaaro hadafkiisa oo ahaa in uu sameeyo nal, ugu danbayna wuu ku guulaystay.

WQ: Abdinaasir yuusuf aadan.

 

 

 

 

 

 

 

TIIRKA -2AAD EE TIIRARKA ISLAAMKA SHAHAADATEYNKA KA GADAAL WAA SALAADDA

Waxaa Ummadda Nebi Muxamed Csw, lagu waajebiyay xilligii Nebigeenna la dheelmiyay, iyadoo habeenkaas, Shanta Salaadood ee Fadliga ah oo Ilaaheey (Swt) soo faray Rasuulkiisa Muxamed Csw. Sharuudaha Salaadda ayaa ugu horeyntii waxaa ka mid ah: Weysaqaadka, Niyo, Takbiir, Faataxo, Sajuud iyo Ataxyaad.

Qofkasta oo muslim ahi kuma cusba habka loo tukado iyo sunnooyinka salaadda ka hor iyo ka dambe la tukado.

Ujeeddada qormadaan waxaan uga golleeyahay keliya xusuusin bal in Dadka ku mashquulsan balwadda iyo xaaladda Adduunka ee aan waqtiba u helin tukasho in aan dib u xasuusino Salaaddu inay tahay mid waajib ah ee waqtigeeda lagaa doonayo in aad ogaato waqtigeeda, ogaatana xilligii la yiri hala tukado, taasoo aan marnaba lagaa dhaafeynin ilowsho iyo hurdo ku qaaddo maahee, taasina waad soo khalleyn kartaa markii aad soo xasuusato, ama aad ka toosto jiifka.

Ruuxa haddii uu xanuunsan yahay oo markaasi sara joogu dhib ku yahay, Alle ma dhibin Addoomihiisa ee waxuu ku tukan karaa fadhi, hadduu kari waayana Jiifka isagoo niyeysanaya fartana ku tukan karo. Salaadda Ruuxa wanaajiya waxs ay ka reebtaa xumaha oo idil, sidoo kale Weysadu waa Caafimaad waxa ay la mid tahay Adigu had iyo jeer Webi ku meyranaya.Sidoo kale Salaaddu waa xiriirka Alle Swt kala dhaxeeya Addoomadiisa iyo Nashaad Caafimad iyo Ajir badan oo alle kugu Galaday. Wa billaahi towfiiq.

WQ: Ibraahim Abuukar Cali (Fannax)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka oo xariga ka jaray hanaanka lacag bixinta mideysan

Ra’isulwasaare ku-xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guled  ayaa maanta xariga ka jaray hanaanka lacag bixinta mideysan ee bankiyada dalka kaas oo bangiga dhexe ee Soomaliya uu ku mideynayo bangiyada Soomaalida si ay lacagaha isugu gudbiyaan shuruud la’aana taas oo bulshada u awoodsiin doonta isku dirista lacagaha bangi laga dirayo mid kalana loo gudbinayo.

Munaabadan ayaa waxa kasoo qayb galay Guddoomiyaha Bangiga dhexe Soomaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed,Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle,wasiirka Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan,masuuliyiin kale iyo Bulshada rayidka ah.

Xoghayaha Arrimaha dibedda maraykanka oo si kulul u cambaareeyey Xukuummadda Siiriya

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa si kulul u cambaareeyay weerar Arbacadii Xukuummadda Siiriya ee uu hoggaamiyo Bishaar Al-Asad ku qaaday magaalada Daraa al-Balcad ee koonfur -galbeed Siiriya.

Blinken ayaa ku baaqay “in si deg -deg ah loo joojiyo rabshadaha, oo ay ku dhinteen dad rayid ah, ayna ku barakaceen kumanaan rafaad iyo cunto yari soo wajahday.”

Maamulka Siiriya ayaa dib u cusbooneysiiyay weeraradii ay ku hayeen Daraa al-Balcad kadib markii uu fashilmay wadahadaladii dhexdhexaadinta ee uu hogaaminayay Ruushka oo u dhaxeeyay Xukuummadda Asad iyo xoogaga mucaaradka,

 

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu daray liiska Argagixisada caalamiga ah

Waaxda Arrimaha Dibedda Dowlada maraykanka ayaa Jimcihii shaacisay in liiska  Argagixisadda Caalamiga ah ku dartay laba ka mid ah hoggaanka kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab,dowlada maraykanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in laga hor istaago wax kasta oo lahaansho ah ee ay haystaan kooxdani si loo xakameeyo ficiladooda Argagixisanimo.

Labadda xubnood ayaa kala ah Cali Maxamed Raage” Cali dheere” Afayeenka kooxda Argagixsadda ah ee Al-shabaab iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir “Ikrima” oo isaguna ah  fududeeyaha iyo qorsheeyaha howlgallada.

Xoghayaha arrimaha dibedda maraykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in cunno qabatayn caalami ah la saari doono cidkasta oo la macaamisha kooxdan

Guddiga doorashada heer federaal oo war ka soo saaray doorashada guddoonka guddiga Somaliland

Qoraal war-gelin ah oo ka soo baxay guddiga doorashooyinka qaranka ee heer federaal ayaa lagu shaaciyey in Sabtiga berrito ee 7-da Agoosto la qaban doono doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada Somaliland.

Doorashada oo 11:00 AM barqonimo ka dhici doonta teendhada Afisyooni ayaa lagu casuumay warbaahinta iyo daneeyayaasha caalamka.

“Doorashada Guddoonka Guddiga Maamulka doorashadda kuraasta labada aqal ee Somaliland waxa lagu qabanayaa Teendhada Afisiyoone , Sabti 10:00 Am, oo ku beegan 7-Aug-2021.
Waxa lagu casuumayaa Saxaafada, Hay-adaha Dawladda, Ururada Bulshada Rayidka, Gudiyada Doorashada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal.

Ciidanka daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaanno hor leh oo dhaca bariga Camaara

Taliska Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in maanta ay la wareegeen saldhigyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanno dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Taliyaha ladagaallanka Argagixisada ee Daraawiishta Galmudug Geeddi Qalabxoor ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgal uu hogaaminayay Taliyaha Daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali Dagaar kula wareegeen Deegaannbada Digdigo, Hobayga iyo Deegaanno kale

Ciidamada ayaa inta howlgalku socday waxay ku guulaysteen inay soo saaraan miinooyin Argagixisadu ku duugeen saldhigyadii ay ka carareen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Deegaannadaan maanta ay la wareegeen Daraawiishta Galmudug ayaa bari ka xiga magaalada Camaara oo dhawaan laga xoreeyay argagixisada Al-Shabaab

Ciidamada ayaa dhamaan isku furay magaalooyinka Wisil, Qeycad, Camaara iyo Shabeeloow iyagoo dhamaan baaritaanno miino baaris ah ku sameeyay Waddooyinka isku xira Deegaannadaas.

Boliiska AMISOM oo la wareegay gaadiid loogu talagalay amniga doorashada dalka

Maamulka qeybta Booliiska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la wareegay kow iyo toban gaari oo loogu talagalay in kor loogu qaado hawlgallka ku aaddan sugidda amniga doorashada dalka.Soomaaliya.

Deeqdaan gaadiidka ah oo isugu jira shan Gaari oo gaashaaman  iyo lix baabuur oo ah nooca Toyota Land cruiserka ah.waxaa  bixiyay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Baabuurtaan waxay inta badan ay taageeri doonaan Unugyada Booliska AMISOM ee la shaqeeya  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed .

Ku -xigeenka Ergeyga Gaarka ah ahna Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (DSRCC) ee Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa maalinimadii shalay gaadiidkaasi ku  wareejiyay Taliyaha Booliska AMISOM,ahna, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (AIGP), Augustine Magnus Kailie.

Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa hormuud ka noqon doonta sugidda amniga doorashada, iyadoo booliiska AMISOM ay kaalin taageero ah ka qaadan doonaan , si loo hubiyo in geeddi -socodku yahay mid ammaan ah oo sugan

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Doorashooyinka iyo Caabuqa COVID-19

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayuu ugu horeyn ka siiyey Golaha warbixin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inkastoo uu jiro dib u dhac yar ,hadana kulan labo habeen ka hor uu la yeeshay Madasha Qaran ay isku afgarteen in ay ku soo afjaraan doorashada Aqalka Sare asbuuca soo socda, ka dibna ay isugu yimaadaan kulan looga arinsanayo sidii horey loogu sii anbaqaadi lahaa doorashada Gollaha Shacabka.

Warbixinta uu Golaha Wasiirrada ka siinayay Ra’iisul Wasaarahu Siyaasadda dalka ee xiliga kala guurka, ayuu ku sheegay in xal-u-raadinta iyo abuuris jawi isfaham oo uu muddo ka dhex waday siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo ay kala hogaaminayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, oo la xiriirtay doorashada Guddoonka Guddiga Siet ee Somaliland uu dadaal xooggan ku bixiyay in isfaham la gaaro ,waqtina uu siiyay ,balse hadda uu go’aan ku gaaray in doorashada la guda galo ,guddiguna ay dhexdooda is doortaan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxuu Golaha uga warbixiyay socdaalkii uu dhawaan ku tagay magaalada London iyo shirkii caalamiga ee Waxbarashada ee uu ka qeyb galay iyo kulankii uu la qaatay Ra’isul Wasaaraha dalka Britian Boris Johnson oo uu sheegay in miro dhal ay ahaayeen.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee Caabuqa COVID-19 ee soo laba kacleeyey, kaa soo ay u dhinteen Muqdisho kaliya ilaa 5 qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen haween, guud ahaan dalkana laga helay cudurka 64 qof, iyadoo Wasaaraddu ku baaqday feejignaan dheeri ah.

Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa kaloo looga hadlay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka loogu geysanayo dalal dibadda ah in Wasaaradda Arimaha Dibadda ay si dhow ula socoto ,lana dabagalo.

Golaha waxa uu gacantaag ku ansixyay sadax arimood.

▪ Siyaasadda Diiwaan_Galinta Madaniga iyo Istaatiitikada.
▪ Hishiis Iskaashi oo dhalinyarada iyo ciyaaraha oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkey
▪ Siyaasadda Fasaxa Dhismaha Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku-xageenka oo shir guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirada Jubbaland

Ugu horrayn Shirka ayaa lagaga hadlay arrimaha amaanka iyo xaaladahii u danbeeyay ee deegaanada Jubbaland, iyadoo Wasaaradda amniga laga dhagaystay faah faahin ku saabsan qaraxii dhawaan lala beegsaday baska kooxda kubada cagta JCCI halkaas oo khasaare uu ka dhashay, waxaana Wasaaradda amniga iyo hay’adaha amaanku ay sheegeen in wali baaritaan uu socda isla markana ay jiraan dad loo qabqabtay falkaas.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo gudbisay xeerka isbadalka sharciga qoondad Wasaaradda Maaliyadda taas oo golahu ay falanqayn kadib dib ugu soo celin doonan fadhiyada danbe.

Dhinaca kale Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa golaha la wadaagtay sidii gurmadka ay ugu samaysay ciyaartooydii waxyeeladu kasoo gaartay mashaqadii ay ku wax yeeloobeen qaar kamid ah ciyaartooyda kooxda JCCI iyadoo wasaaradu ay sheegtay in sidoo la daah furay tartanka horyaalka kooxaha kubada cagta Jubaland oo si habsi leh u socda.

Wasaaradda waxbarashada waxaa ay soo gudbisay sida ay qeyb uga tahay heshiiska hormarinta waxbarashada ee Soomaaliya iyo Maraykanka kaas oo dib loogu habaynayo adeegyada waxbarashada Soomaaliya isla markana diirada la saarayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa kasoo laabanaya xeryaha qoxootiga.