Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu daray liiska Argagixisada caalamiga ah

Waaxda Arrimaha Dibedda Dowlada maraykanka ayaa Jimcihii shaacisay in liiska  Argagixisadda Caalamiga ah ku dartay laba ka mid ah hoggaanka kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab,dowlada maraykanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in laga hor istaago wax kasta oo lahaansho ah ee ay haystaan kooxdani si loo xakameeyo ficiladooda Argagixisanimo.

Labadda xubnood ayaa kala ah Cali Maxamed Raage” Cali dheere” Afayeenka kooxda Argagixsadda ah ee Al-shabaab iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir “Ikrima” oo isaguna ah  fududeeyaha iyo qorsheeyaha howlgallada.

Xoghayaha arrimaha dibedda maraykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in cunno qabatayn caalami ah la saari doono cidkasta oo la macaamisha kooxdan