Xoghayaha Arrimaha dibedda maraykanka oo si kulul u cambaareeyey Xukuummadda Siiriya

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa si kulul u cambaareeyay weerar Arbacadii Xukuummadda Siiriya ee uu hoggaamiyo Bishaar Al-Asad ku qaaday magaalada Daraa al-Balcad ee koonfur -galbeed Siiriya.

Blinken ayaa ku baaqay “in si deg -deg ah loo joojiyo rabshadaha, oo ay ku dhinteen dad rayid ah, ayna ku barakaceen kumanaan rafaad iyo cunto yari soo wajahday.”

Maamulka Siiriya ayaa dib u cusbooneysiiyay weeraradii ay ku hayeen Daraa al-Balcad kadib markii uu fashilmay wadahadaladii dhexdhexaadinta ee uu hogaaminayay Ruushka oo u dhaxeeyay Xukuummadda Asad iyo xoogaga mucaaradka,