GUUSHA DHINACA CILAAQAADKA XIRIIRRADA (QEYBTII 2-AAD)

 

Waa taxanihii Afareyda Guusha oo qeybtiisa labaad uga hadleeno cilaaqaadka, ama xiriirka, (Qeybtii Labaad)

Waa Afar Arrimood

1-Aqoonso kaalintaada:-

Micnahu waa in aad fahamsan tahay kaalimaha aad ku leedahay bulshada dhexdeeda.

Tusaale :  anigu Waxaan ahay walad (cunug ), waalid , macalin, maamule, wasiir, madax weyne, waxaan ahay adoon ilaahay.                                                                                      Waxaad yeelan kartaa wax kabadan hal kaalin ah ama hal dawr ,  Marka waa in aad si sax ah fahamsantahay, dowrkaaga {kaalintaa}.

2-Gudo dowr [kaalin] walba waajib kiisa:-

Ka bilow waalidkaa, caruurtada, xaaskaaga, walaalahaa,  qaraabadaada, saaxiibadaada.

sax ma ahan in aad waqtigaaga ugu bad aad siiso saaxiibadaa iyadoo xaaskaagu ama caruurtaadu ama waalid kaaba kuu baahan yahay.

Waa in aad garataa xaqa uu leeyahay  lamaanahaaga , caruurtaada, waalidkaaga,  Oo waa in aad siisaa mid walba xaqiisa sharciga ah.

Rasuulkeenu ( scw ) wuxuu yiri (sii mid walba oo xaq kugu leh xaqiisa).

3-Xukun (koontarool) tasarufaadkaaga( ficiladaada):

Koontarool ficiladaada aad ku sameeneyso iyo hadaladaada, aad kula haddlayso dadka kale.

Af  xumada iyo dhaqan xumadu waxay xumaynaysaa xiriirada aad dadka kale la leedahay.

La imoow dabeecad wanaagsan iyo niyad saafiya.                (waxaa la ila soo diray in aan dhamaystiro akhlaaqda wanaagsan). Sidaa waxaa yiri nabigeena (scw) .

Dadkoo dhan gaalo iyo islaamba waxay jecelyihiin akhlaaqda wanaagsan,  cagsigeedana ama lidkeeda waa neceb yihiin .

Sida beenta, khiyaanada, balan la,aanta tuugada, iwm, sidoo kale.

4-Qalbi saafiya (Daacadnimo) iyo dabeecad wanaagsan:

Qalbiga saafiga (daacadda) ahi ma yaqaano xin,       xaasidnimo, xiqdi,(cuqdad) iyo dhamaan cuduradda qalbiga ku dhaca.

haddii aad fuliso qodobadaan waad ku guuleysanaysaa dhamaan calaaqaadkaaga.

Dhinaca waxbixinta [waxqabadka]:

Is weydii maxaad qabatay? maxaa gaar ah ood qabatay? Maxaa u qabatay reerkaaga? Maxaad u qabatay xaafaddaada ? Maxaad u qabatay magaladaada? Maxaad u qabatay dalkaaga, iyo dadkaaga? Maxaad u tartay aadanaha?.

Haddii aadan waxba u tarin adigaa dulsaar ku ah dunda. Sida uu yiri gabayaaga reer masar (haddii aadan dunida wax ku soo kor dhin, adigaa dulsaar ku ah dunida).

Hadaba waa maxay waxaa gaarka ah ood qabatay si aad unoqato qof wax qabad muuqda leh?  Si aad ugu guuleeysato in aad noqoto qof leh wax tar muuqda raaca afartan qodob.

1-Dooro majaal gaar ah ood xoogga saarto:-

majaal waa xirfadd ama farsamadda aad ku fiican tahay.

Xirfadda kale ama labaad eed taqaano kadhigo hiwaayad.

Sii majaalkaaga boqolkiiba konton 50% waqtigaaga , akhriskaaga, shaqadaada, iyo xiriiradaada.

Sii hiwaayaddaada boqolkiiba toban 10% keliya .

Waa in boqolkiiba konton 50% waxqabadkaaga aad gelisaa majaalkaaga ( xirfaddaada ) boqolkiiba tobanna 10% hiwaayaddaada .                                                                            inta soo hartayna waxaad gelisaa hawlaha kale.

Sedee baan u doorannayaa majaalkayga ?

Waxaa xadidaya doorashadda majaalkaaga :

Rabitaankaaga .

Fursadahaaga.

Awoodaada

2-Xadee ahdaaftaada (goolkaaga) waxqabad: 

kala saar rajooyinkaaga iyo ahdaaftaada,

Hadaf: waa shoqo go’an oo leh waqti go’an iyo qorshe cad si lagu gaaro.

Deji ama sameeyso hadaf (gool) hal sano ah, hadaf  shan sano ah iyo mida labaatan sano ah.

Taa macnaheedu waa: maxaad rabtaa in aad qabato sanadkan?  shanta sano ee soo socota? waa maxay yoolkaaga ( goolkaga ) labaatan sano kadib?

Hadafkaagu hakuu cadaado hana ahaado mid la qiyaasi karo.

Tusaale: hadafkay waa in aan sanadka aan gadtaa beer.

Shansano  gudohood waa in aan ku dhistaa guri labo dabaq ah,  ahdaaftani (goolashani) waa kuwo la qiyaasi karo.

3-Deji (samee) qorshihii ku gaarsiin lahaa goolkaga:-

Samee qorshihii aad  ku gaari lahayd hadafkaaga, u diyaari wax walba oo kuu sahlaya gaaridda hadafkaaga .

qorshe la’aan wax kuu suuragelayaa ma jiraan.

Waa in aad la timaadaa qorshe adag iyo dadaal dheeraad ah si aad u gaarto hadafkaaga.

Tomas adison: ( waa ikhtiraacihii nalka ) ayaa wuxuu yiri : ( hal abuurka boqolkiiba hal (1%) ayaa hibo rabi  ah sagaashan iyo sagaalka 99% kale waa dadaal iyo shaqo) .

4-Samee isku day joogto ah:-

go’aan adag iyo iskuday joogto ah ayaad ku gaari kartaa hadafkaaga iyo adiga oon dhegta u dhigin kuwa ku niyad jebinaya.

Nin madow:

Nin madow oo marykan ah oo ka dhashay dabaqadda hoose kuna soo koray xaafadaha isku raranta ah ee ay digaan dadka saboolnimada iyo daroogadu diloodeen ayaa wuxuu noqdey malyuneer, waxaa waraysi la yeeshey mid ka mida tv yadda maraykanka wareyihii ayaa su’aalay:

Wariye. sideed ku noqotay malyuneer ?

Ninkii . waxaan ku noqdey malyuneer labo shay ayan sameeyey ninkii sameeyana malyuuneer ayuu  noqonayaa .

Wariye. maxay yihiin labada shay eed samaysay?

Ninkii . go’aan waxaan go’aan ku gaaray in aan                                  malyuuneer noqdo, ta labaadna waa iskuday oo waxaan isku dayey in aan malyuuneer noqdo.

Wariye.  taa waa sahal

Ninkii . maya sahal ma ahan waxaan gaaray go’aan aan ka laabasho lahayn, ta labaad waan isku dayey .

Weriye. kadibna ?

Ninki. waan ku fashilmay.

Weriye. kadibna ?

Ninkii. waan ku fashilmay markale.

Weriye. kadibna? 

Ninkii. waxaan ku fashilmay 26 jeer mar walbana  waxaan bedelahayey habkii hore oo jid cusub ayaan u marayey hadafkayga.

Weriye. Kadibna?

Ninkii. waan ku guulaystay.

Tomas adison: (ikhtiraacihii nalka):

ayaa 261 jeer ayuu ku fashilmay inuu sameeyo nal, waxaa lagu dhahay 261 jeer ayaad ku guuldaraysatay in aad nal samayso, wuxuu yiri waxaan aqaan 261 dariiqo oo hadii aad raacdo aadan nal samayn karayn.

Taa macnaheedu waa wuxuu maray 261 jid oo kala duwan markuu jid ku fashilmaba mid cusub ayuu marayey si uu u gaaro hadafkiisa oo ahaa in uu sameeyo nal, ugu danbayna wuu ku guulaystay.

WQ: Abdinaasir yuusuf aadan.