Ciidanka daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaanno hor leh oo dhaca bariga Camaara

Taliska Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in maanta ay la wareegeen saldhigyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanno dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Taliyaha ladagaallanka Argagixisada ee Daraawiishta Galmudug Geeddi Qalabxoor ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgal uu hogaaminayay Taliyaha Daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali Dagaar kula wareegeen Deegaannbada Digdigo, Hobayga iyo Deegaanno kale

Ciidamada ayaa inta howlgalku socday waxay ku guulaysteen inay soo saaraan miinooyin Argagixisadu ku duugeen saldhigyadii ay ka carareen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Deegaannadaan maanta ay la wareegeen Daraawiishta Galmudug ayaa bari ka xiga magaalada Camaara oo dhawaan laga xoreeyay argagixisada Al-Shabaab

Ciidamada ayaa dhamaan isku furay magaalooyinka Wisil, Qeycad, Camaara iyo Shabeeloow iyagoo dhamaan baaritaanno miino baaris ah ku sameeyay Waddooyinka isku xira Deegaannadaas.