Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka oo xariga ka jaray hanaanka lacag bixinta mideysan

Ra’isulwasaare ku-xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guled  ayaa maanta xariga ka jaray hanaanka lacag bixinta mideysan ee bankiyada dalka kaas oo bangiga dhexe ee Soomaliya uu ku mideynayo bangiyada Soomaalida si ay lacagaha isugu gudbiyaan shuruud la’aana taas oo bulshada u awoodsiin doonta isku dirista lacagaha bangi laga dirayo mid kalana loo gudbinayo.

Munaabadan ayaa waxa kasoo qayb galay Guddoomiyaha Bangiga dhexe Soomaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed,Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle,wasiirka Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan,masuuliyiin kale iyo Bulshada rayidka ah.