Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku baaqay in dadkoodu ay ka baxaan Afganistaan

Maamulka Safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee fadhigoodu yahay dalka Afganistan ayaa maanta oo sabti ah ku baaqay in muwaadiniintooda ka jooga halkaasi ay si dhaqso ah uga baxaan dalkaasi.

Safaaradda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “ waxaan muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan dalka Afghanistaan ugu baaqeyna inay si deg deg ah uga baxaan dalka iyagoo raacaya duulimaayada ugu soo horeeya”.

Safaaradda ayaa intaas ku dartay inay xaddidantahay caawinaadda ay bixini karto safaaradda sabab amni oo jira aawadeed .

Sidoo kale, Safaaradda Ingiriiska ee Kabul ayaa muwaadiniinteeda kula talisay inay si dhaqso ah uga  baxaan Afghanistan.

Safaaradda ayaa ka codsatay muwadiniinteeda jooga Afghansitaan inay lasoo  xiriiraan safaaradda si loo qorsheeyo amba bixidooda.

Dalka Afghanistaan waxaa bilihii ugu danbeeyay ka socday dagaal xoog leh oo u dhaxeeya dowladda iyo kooxda Daalibaan kadib markii Mareykanka iyo xulafadiisu sheegeen inay kala baxayan ciidamadii ka joogay dalkaas.

Ra’iisul wasaare Rooble oo hambalyeey xubnaha loo doortay Guddoonka Gudidda hirgelinta doorashada Somaliland

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey xubnaha Guddoonka Gudiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee  maanta oo Sabti ah is doortay.  Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka  iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mahdi Guuleed.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dadaal iyo waqti badan galiyay sidii isfaham uu kala dhex dhigi lahaa garabyada Siyaasadda Somaliland walow ayan miro dhal noqon . Hadaba si loo hirgaliyo doorashada oo ay ugu horreysa hirgalinta doorashada aqalka sare ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kulan la qaatay xubnaha Guddigii 11-ka ee SIET Somaliland isaga oo amray in dib la isu doorto .

Ra’iisul wasaare Rooble oo Xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka masar u fadhiya Soomaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa  kulan kula qaatay Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Mohamed Ibrahim.

Ra’iisul wasaaraha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya shacabka iyo labada dowladood ee Soomaaliya,masar iyo sidii loo sii xoojinta iskaashigooda.

Gudidda hirgelinta doorashooyinka gobolada Waqooyi oo doortay Guddoomiye iyo ku-xigeen

Doorashada Guddoonka Gudidda hirgelinta doorashada gobolada Waqooyi/Soomaliland oo ka qabsoontay Teendhada Afisyoone ayaa goor dhowed la soo gabo gabeeyey iyadoo Guddoomiyaha Gudidda cod gacan tag ah loogu doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye ku-xgeenka gudiddana loo doortay Nagiib Xuseen Samaale.

Madasha doorashada ayaa waxa kasoo qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane, Cumar Maxamuud Maxamed “ Cumar Filish” Taliyaha Ciidanka Booliska soomaaliyeed Jeneraal Xijaar, xubnaha gudidda doorashada Heer federal iyo warbaahinta qaybaheeeda kala duwan.

DAL WALIBA WAA DADKIISA

Ma ka fikirtay dalalka caalamka sida ay kala yihiin, kuwo waa qani, kuwo waa faqiir, kuwo waa barwaaqo, kuwana dadka dhibaato ayey ku jiraan, kuwo waa nabad, kuwana dagaallo iyo qalalaase ayaa dilooday.

Waxaa la dhihi karaa kala duwanaanshaha waxaa sabab u ah dabeecadaha dadka dalalkaa inkastoo waxyaabo Rabbaani ah ay jiraan laakiin inta waxaas oo dhan waxaa loo nisbeyn karaa dadyowga dalalka qaarkood oo aan u bisleyn hiigsiga dalalkooda ama aan u soo jeedin ama arkaya oo keliya horumarka dalalka kale oo aan tooda u indho furneyn.

Waxaa la isweydiin karaa dalalka hore u maray ee dhaqaalahooda iyo noloshoodu sarreyso sida ay ku gaareen, ma iyaga oo gacmaha isu dulsaaran yihiin ayey heerkaas ku tallaabsadeen ? Maya , gacamaha isuma saarneyn dabcan way soo halgameen waxayna soo qaadeen waddooyin dhib badan oo qodaxyo badan daadsan yihiin, laakin adiga qodxahaas ma rabtid in ay ku duraan waxaadse rabtaa in si raaxo leh aad ku heshid horumar hore loo soo sameystay oo loo soo dhididay.

Waxaad rabtaa gaari qurxoon iyo guri weyn, xaas iyo ilmo qurxoon laakiin in aad dhibaatootid ma dooneysid waxaadna rabtaa wixii dalka lagu dhisi lahaa in adiga keligaa aad ku raaxeysatid oo aad ku hormartid.

Soomaalida waxay ku fekeraan dal qurxoon oo aanay laheyn in ay nolol qurxoon oo dhib la’aan ah ka helaan laakiin ma oga in dalkaas dadkiisu sidaas ka dhigteen oo quruxsadeen iyagana dal la quruxsaday oo dalkiisu ka shaqeeyey ayey rabaan in ay kula daartaan koodiina waa baaba’san yahay mana rabaan in ay dhistaan.

Dalkaaga oo aad dhisato oo hagaajisato waxaad kaga maarmi kartaa gacan hoorsi iyo raadinta ceyrta baryada lagu helo iyo weki in dalka laga gudbiyo xumaan oo dhan si loo yiraahdo soomaaliaya ma aha meel lagu noolaan karo ee dadkeeda ha loo gargaaro.

Meel kale adigoon dayin sow hoos uma eegi kartid xaaladda dhabta ah ee aad ku sugan tahay , adigoo gurigaada nadiifin waayey oo xaaqi waayey guri kale oo aadan laheyn in aad xaaqeyso ma lagaa filan karaa, taas haddii aad is moodsiiso runta ma rabtid oo waxaad dooneysaa in aad been ku noolaatid.

Soomaalida walahow kuma noolaan karto waana in ay xaqiiqda u soo laabataa oo ay iska illaabaan riyada ay ku jiraan kana baraarugaan humaagga beenta ah ee ay ku dhex nool yihiin.

Dhar aadan laheyn dhaxan kaama celiyo ayey soomaalidu tiraahdaa hadana wey beeneynayaan oo waxay rabaan dhar aysan laheyn in ay dhaxan ka huwadaa taasna ma aha wax sax ah oo dhici kara.

Ogow dalkaada adiga ayaa wax ka dhigi kara ama sumcaddiisa dili kara , dal walba inta dadaalka dadkiisu le’eg yahay ayuu la ekaadaa.S

WQ : Mohamed Hassan

 

Diyaaradaha Israa’iil oo maanta duqeeyay deegaanka Gaza

Diyaaradaha Israa’iil ayaa manta duqeeyay goobaha Xamaas ee Marinka Gaza ,iyaga oo ka jawaabaya gantaallo laga laga soo tuuray dhulka Falastiin, sida ay sheegeen milatariga Israa’iil.

Ma jiraan warar degdeg ah oo sheegaya khasaare ama waxyeello ka soo gaartay weerarka lagu bartilmaameedsaday deegaanka,waxaana milatariga Israa’iil ay sheegeen in la duqeeayay goob laga soo ganay gantaalka iyo xarun ay leeyihiin Xamaas oo ah kooxda siyaasadda ee maamusha Gaza.

Xamaas wax jawaab ah oo degdeg ah kama aysan bixin weerarkaasi ,hasa yeeshee qoraal baraha bulshada lagu daabacay ayaa muujinaya In kooxda Xamaas ay rasaas la beegsadeen diyaaradaha Israa’iil iyagoo ka jawaabaya weerarka.

New Press ayaa sidoo kale sheegtay in saddex goobood ay bartilmaameedsadeen Israel oo ay ku jiraan Beit Hanoun iyo Jabalya.

 MAXAA KA TAQAANAA WADAJIRKA IYO SAAXIIBNIMADA?

Dunida waxaa ku nool in ka badan Toddobo bilyan oo Bini’aadam ah, kuwaa oo ku kala duwan diinta, wadamada, Qoomiyadaha, midabka, dhaqanka iwm.

Haddaba waxaa jiro dad ku kala duwan intaa kor kusoo Xusay, kuwaa oo ah saaxiibo, waxaa laga yaabaa iney mideyso dadkaa dhanka waxbarasharada, shaqada, danaha labada qof oo isku mid ahaato iwm.

haddaba, saaxiibtinimadu waa xariir ka dhaxeeya labo qof iyo in ka badan.

Maalinta Caalamiga ee Saaxiibtinimada adduunka oo dhan waxaa laga xusaa 30-ka luulyo sanad walba.

Maalintan ayaa loo dabaaldegaa si loo muujiyo muhiimada saaxiibtinimada, halka saaxiibada qaar ay is dhaafsadaan haddiyado kala duwan ayagoo isku muujiyo xushmad, Kalgaceyl iyo saaxiibtinimo.

 

Waxaa jira labo nooc oo saaxiib ah.

 

1:  Saaxiib wanaagsan : Markaa heesato saaxiib wanaagsan waxaa heesataa wax aysan heesan badanaa dadka dunida ku nool, waxaana qof ka nasiib badan.

Saaxiibka wanaagsan waa walaal aad dooraneyso oo kula dhalan, waa qof aad isku jaceshihiin sidii in hal waalid idin wada dhalay, waxaa isku hureysaan nafta, markasta waa qof aad ka fakireyso hadduu dhibaateysanyahay iyo hadduu ladanyahay.

Saaxiibkaaga wanaagsan wuxuu kaa reebaa xumaanta, wuxuuna ku tusaa wanaaga, Asagoo kugu soo ridayo wadada toosan marna uusan kugu xad gudbeen oo uu ku dhawrayo sidii hilbo wada dhashay.

Walaalka aad dooratay markasta waa isgarab taagan tihiin xaaladda si kasto ay noqoto iskuma naceysan.

Waxaa jira dad badan oo nolosheena ka baxo, laakiin saaxiibka wanaagsani waa mid ku dhax nool qalbigeena, asagoo ku reebo raadad qurxoon oo wanaagsan.

Wuxuu ogyahay dhan walba nolosheena asagoo og dhanka xun, sidaas aytahay waa mid nagula nool sidaa wuxuuna u badalayaa dhan wanaagsan.

 

Haddaba maxay tahay calaamadaha lagu garto saaxiibka wanaagsan?

1: wuxuu kugu aqbalaa sidaa tahay.

Had iyo jeer kuma dareensiinayo cilladahaaga, sababtoo ah qof walba oo bini’aadam ah wuxuu sameeyaa qalalaad yar yar markasta.

Wuxuu ku dareensiinayaa inuu kugu qanacsanyahay. Asagoo isku dayayo saaxiibka wanaagsani inuu Cilladahaaga xalliyo markasta.

2: wuu kala joogayaa waqtiyada xun asagoona ka maqneen garabkaaga.

Markasta wuxuu ku dadaalayaa inuu kula joogo Inkastoo dhibaatooyin aad soo martay.

Marna ma rabi doonayo inaa kaligaa dareento caqabadaha aad la kulmeyso, mana kaa yeelayo inaa dareento kali ahaansho.

3: Wuxuu ku farxaa guushaada asagoona ka murugooda guul daradaada.

Markaa guuleysato waxaa wajigiisa ka dheehan kartaa farxad xad dhaaf ah, asagoo dareemayo inuu guuleystay.

Halka marka aad guul dareysato aad ka arki karto wajigiisa murugo, wuxuuna isku dayaa inuu kuu sheego guuldaradaan iney wado idin furtay asagoona markaa ku dhiirigeliyo doonayanaa farxadaada.

4: wuxuu isku dayaa inuu kula kulmo waqti kasta.

Had iyo jeer saaxiibka wanaagsani wuxuu isku dayaa inuu kula kulmo haddii aad ka dheertahay si uu kuu arko, waxaa dareeemeysaa inaadan kaligaa aheen qofka kaliys daneenayo saaxiibtinimadiina.

5: Fikradaada taban wuxuu u badalaa mid togan.

Markaa ku fikirto waxyaalo taban wuu ka xumaadaa, wuxuuna isku dayaa inuu u badalo fikradaada mid togan.

Taasi waa sababta aad ugu kalsoonaan karto saaxiibkaaga  runta ah inuu had iyo jeer kuu keeno dareen wax ku ool u ah noloshaada.

6: Markasta waa mid daacad ah.

Wuxuu ku dadaalaa markasta inuu kuu sheego runta, sababtoo runta wey ka wanaagsantahay beenta.

Wuxuu kuu sheegaa waxkasta oo aad u baahan tahay oo runta ku saleysan haddey xitaa ku dhaawaceyso, asagoo kuu sheegayo xilliga ugu haboon oo qof wax loo sheegi karo.

7: Waa uu kuu Sabraa markaa qalad ka gasho.

Cafinta ama sabar ka waa wax aad u wanaagsan, waana wax laga helo dad yar oo fiican. Waa uu kuu dulqaadanayaa xilliyadda xun.

8: Gadaashaada wax kama sheego oo kuma xanto.

Saaxiibka wanaagsan waa mid ku difaaco markaa maqantahay oo wax lagaa sheegayo asagoona kuu dooda adigoona ogeen.

Dadka ugama sheekeenayo xumaantaada iyo meelaha ad ka jilicsantahay ee waa mid ku amaano, sheegana wanaagaaga iyo sifahaaga wanaagsan.

9: Kama hinaasayo haddaa yeelato saaxiib kale.

Markasta aad horumariso saaxiibtinimo dhaw oo lala yeesho dadka kale oo siiso waqti, waa mid aan ka hinaasen

 

WQ: Muxsin Maxamed Cabdulle

NINBA TAAGTII HA TALLAABSADO

Waa oraah si aad ah u soo can baxday xilliyadii dagaallada iyo qalalaasuhu ka jiray dalka oo wax walba xoog ku xirnaayeen laakiin hadda waa ka duwan tahay marka loo eego xaaladda tartan doorasho oo dalku maanta ku jiro.

Tani xoog kuma xirna oo xusl duubka maanta ee jagooyinka dalka waxay ku xirnaan kartaa sifooyin kale oo aan xoog ku dhisneyn una badan waxqabad iyo sumcadda qofku ku leeyahay bulshada iyo sida loogu aamnin karo xil qaran .

Waxaa jira xusl duub kala duwan oo soconaya laakin waxay ku soo biyo shuban kartaa maxaad qaban kartaa ee maaha ku imaanysa kala xoog iyo awood badni ama xoog isugu faanid.

Sida look ala hufan yahay oo look ala aqoon badan yahay ayaa mudan in la eego oo lagu saleeyo xulashada dadka doonaya in ay wax noqdaan.

Bulshada waxaa u wanaagsan in ay xushaan qofka ay ku tabayaan waxqabad iyo in uu ka fekerao danahooda mana aha in ay qofka ku xushaan hannaan qaabiil taas oo aan in badan soo kordhin doonin..

Xulashada waxay waxay u baahan tahay ka fiirsasho iyo marka hore hore in qofka laga eego in uu buuxin karo shuruudaha shacabku ka rabo ee ka horreeya waxa uu isaga rabo.

Ma aha tartamada doorashooyinku in ay noqdaan is xag xagasho iyo dood mid kale laga horgeeyey waase isu tanaasul iyo in la aqbalo natiijo kasta oo lagala kulmo shar iyo kheyrba.

Ma noqoneyso un loo arko wax la kala boobayo oo xoog iyo itaal loo adeegsado waase in lagu raadiyo xushmad laga dhex sameysto dadka si cod iyo kalsooni looga kasbado.

Wixii aad xeelad ku weysid ogow in aan lagu kasban Karin xoog iyo itaal lagu faano oo la isu muujiyo laf weyni ama waxa soomaalidu u taqaan laandheerenimo taas oo muujineysa in caqliyad wanaagsan aan lagu shaqeyn.

Waxaan habbooneyn in xulashada loo arko wax lagu kala awood weyn yahay waase in loo arkaa wax ku dhisan kalsooni abuur iyo nidaam sharciyeed oo aan cidla ku tagri fali Karin si kasta oo ay awood u sheegato.

Itaalkaada meel kale ku adeegso ee ha u isticmaalin masiirka ummadeed wax ku dhisan oo dadku u siman yahay waase haddii aad ku fikireyso danta guud oo aadan ka fekereynin taada oo akliya .

Ka warran haddii wax aad xaq u leedahay lagaa qaado side u oggolaan laheyd haddii taas ay dhab kaa tahay adna ha doonin in aad ku xad gudubto xaqa dadka oo dhan waayo masiirku waa xaqa shacabka adigu gaar uma lihid .

WQ: Mohamed Hassan

 

SOOMAALIDU FADHI KU DIRIRKA MAXAY KA HELAAN?

SOOMAALIDU FADHI KU DIRIRKA MAXAY KA HELAAN?

Marka aad soo gasho gaadiidka dadweynaha ..marka aad labo ilaa saddex qof ku noqotaan gaari gaar ah oo aad wadataan..marka aad geed yar ku hoos nasaneysaan..maarka aad maqaayad fadhisaan oo shaaheysaan ama qadeyneysaan…mar kasta waxaa jiraya qof bilaabaya dood fadhi ku dirir ah.

Doodaas mar walba waxay ku saleysan tahay hadal heynta siyaasadda ugu badan ee xilligaas waxayna dad badan galisaa xamaasad qaarkoodna waa isku xiiqaan.

Maxamed Axmed weli oo ah aqoonyahan wax badan u soo joogay ayaa ii sheegay in xilligii sagaashameyadii ay ahaayeen xilligii fadhi ku dirirku u shaqeyn jiray sida baarlamaanka oo qofba kan uu kaga wanaagsan yahay dooddad fadhi ku dirirka lagu tixgalin jiray.

“Kuraasta goobaha fadhi ku dirirka waa la kala lahaan jiray ..waxaana jiray dad la sugu jiray inta ay giibta imaanayaan oo xogaha iyo falanqeynta caan ku ahaa” ayuu yiri.

Inta badan dadka soo bandhiga doodaha fadhi ku dirirka waxay ku dhegan yihiin oo taageero indho la’aan ah u hayaan dad ay qaraabo ahaan ama qabiil ahaan siyaasadda ugu garbeynayaan waxayna dadka kale ka gadaan fekerkooda..mararka qaarna meel qaraar ayey la gaartaaa oo waxay dadka kale ku sandulleeyaan in fikirka ay gadayaan la qaato.

Doodahan waxay aad u badan yihiin xilliyada siyaaasaddu kacsan tahay..khilaafyo ay jiraan ama xubno cusub xil ay helaaan ama ay raadinayaan.

Sidoo kale marka xiisadaha qabaai’ilka ay jiraan lama waayo fadhi ku diriro heyb heyb isu heysta oo mararka isku daya in ay dadka kale marag gashadaan oo doodooda u soo bandhigaan.

Doodaha fadhi ku dirirku marna ma dhammaadaan waxaana lagu kala tagaa iyagoo weli su’aalo badan aan laga jawaabin waayo intooda badan waxay ku dhisan yihiin lab la kac.

“Fadhi ku dirirka waa waxa maanta meeshaan na dhigay..waayo qarankii oo dhan ayaa lagu burburiyey..mana jirto faa’ido laga helayo oo aan aheyn waqti lumis iyo dood ma dhasho ah” ayuu yiri Mursal Cismaan Maxamed oo sheegay in aanu jecleyn in uu goob joog u niqdo goobaha fadhi ku dirirka uuna inta badan uga maagay oo isaga dhaafay tagista goobaha la isugu yimaado.

Dadka qaar waxay u heystaan in ka hadalka goobaha fadhi ku diriirka uu qofka ka dhigayo mid ku fiican gole ka hadalka ugu danbeyntana uu ku soo bixi karo siyaasi odoros wanaagsan leh laakain inta badan arrintu way ka duwan tahay sidaas oo dadka qaar waxay dhex geysaa badaha qabyaaladda

WQ: Mohamed Shiil

 

KOR U QAADISTA TAYADA WAXBARASHADA WAA LAGAMA MAARMAAN

Muddooyinkan dambe waxaa dalka aad ugu soo batay tirade digsiyada iyo jaamacadaha kala duwan ee laga barto culuun ka duwan oo haddii si fiican loo maareeyo horseedi karta in la helo kaadiro dhallinyaro ah oo xirfad iyo aqoon fiican leh dalkana wax badan ku soo kordhin kara.

Aqoonta waxay u baahan tahay in ay noqoto mid tayo leh oo qofka bartay anfac u yeelata oo uu ka dhigan karo xirfad uu yeesho kagana duwan yahay kuwa kale ee aan wax baran.

Waddo kasta , degmo kasta iyo xaafad kasta waxaad ka heleysaa dugsi ama jaamacad  laakiin waxa ugu weyn hadal heynta oo wax laiska weydiinayo ayaa ah tayada waxbarashada ma tahay tii loo baahnaa ama la filayey ?.

Haddii aad is tiraahdo su’aashaas jawaab u hel waa kugu adkaaneysaa inkastoo ay jiraan arday kooban oo iayaga shaqsi ahaan xil isaga saara in ay kordhiyaan tayada aqoontooda waddo kasta ha u mareene.

Waxaa iska caado noqotay araday dhigta fasalka labaad ee dugsiga sare in aad aragto isagoo ku leh waxaan fadhiyaa oo dhigtaa fasalka afraad bil ka dibna aad aragto isagoo u fadhiya imtixaanka kama dambeysta ee dugsiga sare.

Tani waxay ku imaaneysaa waalidka oo daneynaya in carruurtooda si boobsiis iyo bootis ah oo degdeg ah waxbarashada ku dhammeeyaan taas oo waxyeeleysa tayada aqoontiisa xilliga dambe .

Maamuleyaasha ma diidaan bootiska ardayda waxaana inta badan loo xishaa khidmad yar oo waalidku ku bixiyaan arrintaa.

Waxaa isweydiin leh arday aanay aqoontiisa salka ka dhisneyn oo soo wada qaadan waxbarashadii loo baahnaa ee fasalada kala duwna halka uu berry marka uu jaamacadda galo marjac uga dhigayo aqoontiisa.

Xitaa jaamacadaha haatan wax badan kama duwana dugsiyada sare iyo dhexe tiradooda oo keliya ayaana dalka ku soo badatay waayo marka aad eegto habka wax looga barto iyo sida imtixaanada loo galo in yar oo jaamacadaha ka mid ah mooyee waxay u badan yihiin I mooti ama iga gudbi ee looma eego sida muqarar ahaan aradaygu u qaatay ama ugu gudbay heerarkii kala duwanaa ee waxbarashada.

Weli way igu adag tahay in aan aqbalo in la yiraahdo jaamacad hebel waxaa ka qalin jabinaya kun arday hal mar waayo waxaan ogaa in jaamacadihii ay ka mid ahaayeen Lafoole iyo Gaheyr aanay weligey I soo marin kun arday oo mar keliya ka qalin jabineysa.

Arday maanta ka soo baxa jaamacadda ee qaata shahaadada Baajka waxaa suurtagal ah in aanu isku xiri Karin hal weer (sentenece ) oo carabi ama Ingiriis ah ama uusan wax badan ka faalloon Karin maaddooyinka uu baajka ku wato.

Dadka hadda jaamacadaha lagu dhigto waa heerka ardaydii dugsiga sare ama dhexe waayo waxaad arkeysaa arday 13 , 14, 15 oo heysta baajka isla markaana ku leh waxaan diyaarinayaa Master.

Ma garan karo waxa isbedelay iyo in duruustii jaamacaduhu ka fududaatay middii hore ee semester marka uu dhammaado ardayda qaar maaddooyin deyn ah lagu yeelan jiray.

Waxaan ogeyn in marka qalin jabinta la gaaro ay jiri jireen arday iska bixin waayey maaddppyinkii deynta ahaa oo sanad ama labo dib ugu hari jiray jaamacadda halka ardaydii la fasalka aheyd ay baxeen oo qalin jabiyeen.

Tan kale ee la yaabka leh ayaa ah ardaydii hore ee jaamacadaha waxay ahaayeen araday mashquul ah oo aan buugga marna ka fogaan oo mar walba ku foorara iyagoo welwelsan kana welwelsan intixaanada soo fool leh oo qaarkoodna ay feynuus wax ku akhrinayaan saq dhexe oo ahabeen ah laakiin haatan waxaad arkeysaa arday jaamacad dhigta oo aan marna soo qaadeyn bug waxbarasho.

Arrimahan halka ay ka socdaan waan garan waayey arday aan wax akhrinsanse sidee ugu guuleysan karaan imtixaan jaamacadeed tusaale ahaan waxaan arkay arday dhigata caafimaadka oo aan ognahay in ay yihiin kuwa ugu adag oo aan marna mashquul ku ahayn waxbarashada .

Cajaa’ibta kale ee jirta ee aan arkay ayaa ah in afar ilaa shan arday ay si wadajir ah u qoraan hal bug oo qalin jabin ah ayna sidaas ku qalin jabiyaan , maxaa sababaya arrintaa ?

Buugga qalin jabinta waa halka laga garan karo in ardaygan uu aqoon u leeyahay maadada uu bartay isla markaana laga garan lahaa cilmi baaris qoto dheer oo uu ku sameeyey qodob la xiriira maadada uu bartay ma waxaa lagu aamini karaa buug laga yaabo in uusan wax badan kala socon waxa lagu soo qaatay .

Ardayga marka uu baajka qaato maba moodid jaamici mana laha sansaantii lagu aqoon jiray qofka jaamacadda ka soo baxay wuxuuna iska sii ahaanayaa ciyaal xaafadkii isagaa ahaa oo caadi ah aqoontiina maba moodid in ay waayo aragnimo u kordhisay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa loo baahan yahay in wax laga bedelo tayada waxbarashada taasna waa arrin xilkeedu saaran yahay madaxda waxbarashada, kuwa dugsiyada iyo jaamacadaha haddii kale waxaan maalin walba soo saareynaa kumanaan arday oo aan tayo laheyn xirfaddoodana lagu kalsoonaan Karin.

WQ: Mohamed Hassan