Wafdi ka socda Guddiga Xalinta khillaafaadka Doorashooyinka oo ku wajahan Dhuusamreeb

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta Khillaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, Mohamed ibraahim Barre  iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan Dowlad gobolleedka Galmudug.

Xubnahan Guddiga Xalinta khillaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Galmudug oo ka kooban 7-xubnood ayaa goobjoog u noqon doona Doorashada Aqalka sare ee ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Laftagareen oo Xil ka Qaadis ku Sameyey Xubno ka tirsan Gollaha wasiirada kuwo kalena Magacaabay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xil ka qaadis ku sameyey Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada halka kuwo kalena isku shaandheyn lagu Sameyey.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne laftagareen ayaa waxaa xilalkiii looga qaaday Wasiirada kala ah Garsoorka & Cadaaladda Maxamed Xuseen Xasan (Joon) Warfaafinta Ilyaas Cali Qalinle.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xilka Wasiirka Garsoorka & Cadaaladda waxaa uu u Magacaabay Xasan ibraahim Xasan (Lugbuur)  Warfaafinta waxaa  loo Magacaabay Ilyaas Cali Nuurhalka wasiirka howlaha Guud loo Magacaabay Maxamed Cali Xasan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddiga ka dhageystay warbixin ku aaddan howlaha u qabsoomay, isagoo ku boorriyay in ay sii dardar galiyaan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta matalaadda haweenka ee labada aqal ee Baarlamaanka.
Xubnaha Guddiga ayaa sidookale Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay hadii ay jiraan cabasho la xiriirta in haweenka ay helaan qoondada ay ku leeyihiin Baarlamaanka labada Aqal.

Wasaaradda Shaqada oo beri fasaxday guud ahaan shaqaalaha dowladda bilowga sanadka cusub ee Hijriga 1443

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , waxay ku wargelinaysaa dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka ah inay fasax yihiin maalinta Isniinta 9 bisha August 2021, oo ku aaddan bilowga sannadka cusub ee Hijriga 1443.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali oo hambalyo u diraya dhammaan Shaqaale-waynaha Soomaaliyeed , ayaa u rajeeyay inay camal wanaagsan uga faa’iideystaan maalintaa muhiimada u leh muslimiinta.

 

Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo daah-furtay hanaanka qorshaha dhab u heshiisiinta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshisiinta ee XFS ayaa Daahfurtay Kulanka Wadatashiga Diyaarinta Istaraatiijiyada Xiriirka ee Qorshaha Hanaanka Dhab u Heshisiinta Qaran.

Kulankan oo socon doono mudo labo Maalmood ah uuna daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshisiinta ee XFS Mud. Saciid Cabdullahi Calasow.

Waxaana kasoo qayb galay Xubno ka socda Dowlad Goboleedyada Gobolka Banaadir iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Ujeedkan Kulankaan ayaa ahaa sidii loo helo lahaa istaraatiijiyada Xiriirka ee Qorshaha Hanaanka Dhab u Heshisiinta Qaran.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo,taas oo ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya waa laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya oo Garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey dhigiisa Kenya

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda kenya Raychelle Omamo, ayaa soo gaartay caasimadda Soomaliya ee muqdisho wasiirada ayaa waxa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey dhigeeda arrimaha dibedda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiiradda arrimaha dibedda Kenya ayaa inta ay booqashada ku joogto Soomaliya kulan la qaadan doonta wasiirka arrimaha dibedda Soomaliya  iyagoo ka wada hadli doonaa xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal iyo arrimaha la dagaalanka Argagixisadda.

Dowladda Faransiiska oo Soomaliya ugu deeqday Tallaalka Covid19.

Dowladda Faransiiska ayaa Soomaliya ugu deeqday 108,000. Oo ah talaalka Oxford/AstraZenece ee looga hor tago caabuqa Covid19,talaalkan oo maanta soo gaaray Caasimadda Soomaliya ee Muqdisho ayey Dowladda Faransiisku soo marisay xarunta “ COVAX,UNICEF,CEPI iyo Gavi”.

Safiirka Dowladda Faransiiska u fadhiya Soomaaliya mudane Kuster- Menager ayaa yiri “Dowladda Faransiiska, Midawga Yurub iyo xarunta iskaashiga ee COVAX waxay diyaar u yihiin in ay gacan wayn ka gaystaan sidii loo xoojin lahaa dadaallada kor uqaadida helida tallaalka Soomaaliya, si hawl-wadeenada safka hore kaga jira la dagaalanka caabuqa Covid-19 uga badbaadaan iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed“

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaliya Dr fawziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in imaatinka tallaalkani kusoo aaday xili uu sii kordhayo wejiga saddexaad ee xaalada fiditaanka Covid19 iyadoo xustay in sida quree looga hor tegi karaa tahay dadweynuhu inay qaataal tallaaalka,wasiirka ayaa xustay in Illaa iyo hadda, tiro lagu qiyaasay 186,094 qof oo ku nool Soomaaliya ayaa qaatay talaalkoodii kowaad halka 92,792 ay qaateen talaalkoodii labaad.

Wasiirka Caafimaadka Soomaliya ayaa ugu dambayn uga mahadcelisay Dowladda faransiska deeqdan caafiimaad ee ay soo gaarsiisay Soomaliya

 

Shil gaari oo ka dhacay Turkiga ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac

Bas rakaab ah ayaa ku rogmaday galbeedka Turkiga subaxnimadii hore ee Axadda, waxaana ku dhintay ugu yaraan 14 halka 18 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka degdegga ah.

Baska ayaa ka baxay xadka la koontarooli karo wuxuuna ku rogmaday wadada weyn ee “Balikesir” isagoo kusii jeeday Edremit oo ku taal galbeedka gobolka Balikesir, rakaabkii ku dhwaacmay ayaa loo qaaday cisbitaalada ku dhow goobta shilku ka dhacay.

Shilalka gaadiidka ayaa galaaftay boqolaal qof sanad walba guud ahaan dalka Turkiga iyadoo Guud ahaan dalka, 4,866 qof ayaa ku dhintay shilalka gaadiidka sannadkii hore halka 226,266 qof oo kale ay soo gaareen dhaawacyo, sida laga soo xigtay tirooyinka Machadka Tirakoobka Turkiga (TurkStat). Saddex meelood oo meel shilalka ayaa ka yimaada darawalada oo ka sarreeya xadka xawaaraha. Dawladdu waxay raadineysaa inay yareyso tirada shilalka iyadoo leh dhowr tallaabo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaliya oo garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey dhigiisa Kenya

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda kenya Raychelle Omamo, ayaa soo gaartay caasimadda Soomaliya ee muqdisho wasiirada ayaa waxa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey dhigeeda arrimaha dibedda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiiradda arrimaha dibedda Kenya ayaa inta ay booqashada ku joogto Soomaliya kulan la qaadan doonta wasiirka arrimaha dibedda Soomaliya  iyagoo ka wada hadli doonaa xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal iyo arrimaha la dagaalanka Argagixisadda.