Shil gaari oo ka dhacay Turkiga ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac

Bas rakaab ah ayaa ku rogmaday galbeedka Turkiga subaxnimadii hore ee Axadda, waxaana ku dhintay ugu yaraan 14 halka 18 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka degdegga ah.

Baska ayaa ka baxay xadka la koontarooli karo wuxuuna ku rogmaday wadada weyn ee “Balikesir” isagoo kusii jeeday Edremit oo ku taal galbeedka gobolka Balikesir, rakaabkii ku dhwaacmay ayaa loo qaaday cisbitaalada ku dhow goobta shilku ka dhacay.

Shilalka gaadiidka ayaa galaaftay boqolaal qof sanad walba guud ahaan dalka Turkiga iyadoo Guud ahaan dalka, 4,866 qof ayaa ku dhintay shilalka gaadiidka sannadkii hore halka 226,266 qof oo kale ay soo gaareen dhaawacyo, sida laga soo xigtay tirooyinka Machadka Tirakoobka Turkiga (TurkStat). Saddex meelood oo meel shilalka ayaa ka yimaada darawalada oo ka sarreeya xadka xawaaraha. Dawladdu waxay raadineysaa inay yareyso tirada shilalka iyadoo leh dhowr tallaabo.