Madaxweyne Laftagareen oo Xil ka Qaadis ku Sameyey Xubno ka tirsan Gollaha wasiirada kuwo kalena Magacaabay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xil ka qaadis ku sameyey Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada halka kuwo kalena isku shaandheyn lagu Sameyey.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne laftagareen ayaa waxaa xilalkiii looga qaaday Wasiirada kala ah Garsoorka & Cadaaladda Maxamed Xuseen Xasan (Joon) Warfaafinta Ilyaas Cali Qalinle.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xilka Wasiirka Garsoorka & Cadaaladda waxaa uu u Magacaabay Xasan ibraahim Xasan (Lugbuur)  Warfaafinta waxaa  loo Magacaabay Ilyaas Cali Nuurhalka wasiirka howlaha Guud loo Magacaabay Maxamed Cali Xasan.