Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo daah-furtay hanaanka qorshaha dhab u heshiisiinta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshisiinta ee XFS ayaa Daahfurtay Kulanka Wadatashiga Diyaarinta Istaraatiijiyada Xiriirka ee Qorshaha Hanaanka Dhab u Heshisiinta Qaran.

Kulankan oo socon doono mudo labo Maalmood ah uuna daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshisiinta ee XFS Mud. Saciid Cabdullahi Calasow.

Waxaana kasoo qayb galay Xubno ka socda Dowlad Goboleedyada Gobolka Banaadir iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Ujeedkan Kulankaan ayaa ahaa sidii loo helo lahaa istaraatiijiyada Xiriirka ee Qorshaha Hanaanka Dhab u Heshisiinta Qaran.