Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka

ABIDJAN- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka oo ka furmay caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan.

Shirweynahan oo sanadkii hore u baaqday cudurka coronavirus awgiis, waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo khuseeya Boostada Adduunka, waxaana ugu weyn doorashada Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka iyo guddiyada ugu sarreeya Midowga, kuwaas oo howgali doona afarta sano ee soo socota.

Furitaanka kadib, Wasiirku wuxuu shir-doceed la yeeshay Agaasimaha xilka wareejinaya ee UPU, Bishaar Xuseen oo ururka madax ka ahaa sagaalkii sano ee la soo dhaafay, isagoo uga mahadceliyay kaalintii uu ka geysatay soo-nooleynta Boostada Soomaaliya iyo inay soo ceshato xubinnimadeedii.

Soomaaliya ayaa soo ceshatay xubinnimada buuxda ee UPU sanadkii 2019-ka, waxayna tani noqoneysaa doorashadii ugu horreysay ee madaxda Wasaaraddu ka qeybgalaan tan iyo burburkii dalka ka dhacay.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee kala shaqeeya Amniga ayaa ka hortagay baabuur qaraxyo saaran yihiin

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee kala shaqeeya Amniga ayaa ka hortagay baabuur qaraxyo ah oo loo soo waday in lagu dhibaatayo shacabka Soomaaliyeed. Baabuurtaas waxa lagu beegsaday meelo u dhow degmada Jilib, Kunya Barow iyo Xaramka, dhammaantoodna waa la’ baabi’iyey.

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo Muqdisho ka daah-furtay aqoon is weydaarsi ku saabsan qaab dhismeedka Istaraatijiyadda xalka Waare

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa maanta uga furmay magaalada Muqdisho aqoon is weydaarsi ku saabsan Istiraatiijiyadda Qaranka ee xalka Waara 2020 – 2024 ee Qaab dhismeedka Kormeerka iyo Qiimeynta Istiraatiijiyadda. Tababarkaan ayaa waxaa ka qeyb galay 43  qof  kuwaas oo ka kala socda  Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda Fedederaalka, dowlad gobaleedyada iyo gobolka Banaadir.

Tababarkaan oo loogu talagalay in kor loogu qaado aqoonta iyo awoodda xirfadda kormeerka iyo qiimeynta fulinta  Istiraatiijiyadda Xalka Waara si looga gun gaaro barakaca baahsan ee Dalka.

Tababarkaan oo socon doona muddo 9 beri ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka asagoo kaashanaya taageerada Baanka Adduunka (World Bank) iyo Urur Goboleedka (IGAD).

Wasiirka Diinta “Isticmaalka Daroogada ayaa ku soo badanaya dalka, waana in arrintaas laga hortago”

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in dalka ay ku soo badanayaan dadka isticmaalaya waxyaabadaha maanka dooriya oo ay ugu horeyso cirbado daroogo ah oo ay dhallinta si joogto ah u isticmaalaan.

Wasiirka ayaa bulshada ugu baaqay in loo caqli celiyo dhallinyarada isticmaaleysa daroogada, isla markaana qofkii ku arka inay soo gaarsiiyaan goobaha ugu dhaw ee hay’adaha amniga, si wadajir loogula dagaalamo ka hortagga daroogada.

“Wax la aqbali karo ma ahan waxyaabaha ka socda Hotellada qaarkood, wadanka waa wadan Muslim ah, waa umad Aabayaal illaa iyo xilligan diinta Islaamka ku saoo barbaartay waaye, sidaa darteed ma aqbali karno waxyaabaha qaar ee ay dhallintu isticmaalayaan ee daroogada ah”. ayuu yiri Mudane Cumar Cali Rooble

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad weyn oo dalka iyo dadka loogu duceynayay, laguna daahfurayay Barnaamij lagu tababarayo Imaamyo, Khadiibyo, Culimo iyo Macallimiin Dugsi Quraan, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho, isla markaana ay tababarkaan bixin doonto Jaamacadda Al-Azhar Alshariif.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynayaashii hore ee dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is xog wareysi ah oo ku adaan xaaladda dalka iyo doorashooyinka waxaa uu galabta hoygiisa kula yeeshay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Shariif Shiikh Axmed iyo Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo xarigga ka jaray dhismaha Safaaradda Kenya

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo iyo dhiggeeda Soomalaiya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee safaaradda Kenya ka furatay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda furitaanka ee dhismaha safaaradda ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya xubno ka socday, wasaaradda arrimaha dibadda, safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya iyo xubnaha wafdiga ee Raychelle Omamo ku wehlinaya safarkeeda Muqdisho.

Furista safaaradda cusub oo ay haatan Kenya ka furatay Soomaaliya ayaa timid, kadib wada-hadallo ay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi la yeelatay ra’iisul wasaare Rooble.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

Shil diyaaradeed oo ka dhacay Giriigga

diyaarad nooca dab-damiska ah ayaa ku burburtay jasiiradda Giriiga ee Zakynthos ee Giriigga xili ay ku jirtay hawlgal dab damin ah sida ay sheegeen saraakiisha masuuliyiinta deegaanku.

Lama oga sababta keentay shilka diyaaradda waxaana duuliyihii uu baxsaday isagoo aan dhaawac halis ah qabin, sida uu sarkaal booliis ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Giriigga ayaa lix maalmood la tacaalayey dab ka kacay deegaano ka tirsan iyadoo kumanaan qof ay ilaa hadda daad –guraysay Dowladdu.

Ciidamo dheeri ah oo la geeyay deegaanka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud

Taliska qaybta 21-aad gaar ahaan guutada 15-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga dalka ayaa ciidamo dheeri ah geeyay deegaanka Ceeldheere iyo aagaga ku hareereysan kuwaa oo qayb ka qaadan doona sugida amaanka iyo xaqiijinta isku socodka gaadiidka adeegsada waddada isku xirta Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Howlgalada Ciidamadan iyo fadhiyadooda ayay kormeer wadajir ah ku soo mareen Taliyaha Guutada 15-aad Generaal Mascuud Maxamed Warsame, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, Gaashaanle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan iyo saraakiil sare oo uu ka mid yahay Xeer ilaaliaha maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee qaybta Galmudug G/sare Cabdullaahi Maxamed Muuse keyse.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Galmudug G/Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa kula dardaarmay ciidanka in ay mas’uuliyad iska saaraan sugida amniga iyo fulinta amarada saraakiisha sarre.

Ceeldheere oo dhawaanahan ay ka howlgalayeen Ciidamada kala duwan ee qalabka sida ayaa haatan u muuqata mid xasilloonideedii dib usoo laabatey kadib markii ciidamadu tilaabo adag ka qaadeen kooxaha nabad-diidka Al-shabaab oo dhowr jeer isku dayay in ay arbushaad ka geystaan nawaaxiga deegaankan.

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.

“Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.

Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” Ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Booliska Jubbaland oo loo tababaray amniga doorashooyinka iyo xakamaynta dadka

Maamulka Qeybta Booliiska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa Magaalada Kismaayo ku soo gabagabeeyay tababar aqoon kororsi ah oo la xiriiray sugidda amniga ee doorashooyinka.

Tababarkaan oo socday muddo shan maalmood ah,waxaa ka qeybgalay15 sarkaa  oo ka tirsan Booliiska Jubbaland,kuwaasc oo iyaguna sii tababari doona ciidanka .

Tababarkaan mudadii uu socday waxaa lagu qaatay maareynta amniga, tilmaamaha doorashada, xeerarka iyo waajibaadka ciidamada, habaynta,qaab -dhismeedka sharciga doorashada, ka hortagga rabshadaha iyo ilaalinta nidaamka dadweynaha iyo xakamaynta dadka. .