Qeyb ka mid ah Guddida xalinta khilaafaadka doorshooyinka oo u safray Garoowe

Xubno ka mid ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Puntland.

Ilaa lix xubnood oo ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ku wajahan Garowe si ay goobjoog uga noqdaan doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Dawlad Goboleedka Puntland.

Doorashada xubnaha aqalka sare ku matali doono dowlad goboleedka Puntlad ayaa la filayaa in ay ku qabsoonto maalmaha nagu soo aadan magaalada Garowe ee Caasimadda u ah maamulka Puntland.

Galmudug oo soo saartay liiska Iyo Jadwalka Doorashada Aqalka Sare

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi KaariyE (QOOR QOOR) oo soo saaray liiska 6ka mid ah Musharixiinta u tartami doona golaha aqalka sare ee BFS.

Sidoo kale Guddiga Doorashada DG Galmudug, ayaa Shaaciyay Jadwalka Doorashada Ee Aqalka Sare Galmudug.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo war ka soo saaray qoondada Haweenka ee matalaadda Siyaasadda

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa war qoraal ah oo ay ka soo saareen qoondada haweenka ee mataaladda Siyaasadda, ku sheegay inay laga maarmaan tahay in la xaqiijiyo in haweenku matalaad dhab ah ay ku yeeshaan kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya, Maaddaama haweenku ay matalaaan bulshada in ka badan 50%,

Qoraalka ayaa lagu xusay in Guddiyada doorashooyinka dalka ay mas’uuliyad ka saaran tahay fulinta Heshiiska ku saabsan qoondada haweenka ee 30% ee Baarlamaanka.

Heshiiska ayaa ahaa mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyey ee muhiimka ahaa ee loo qaaday sidii haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen matalaad habboon iyo ka-qaybgalka siyaasadda .

 

Maamulka Gobolka Mudug oo ka hadlay labo qarax oo dad rayid ah ay ku dhinteen oo ka dhacay Bacaadweyne

Gaalkacyo-Guddoomiyaha Gobolka Mudug mudane Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) ayaa sheegay in labo qarax oo ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne ay mid ka mid ah ku dhinteen 8 ruux oo ay ku jirto carruur, halka midka kalana ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo baabuur isla saaraanaa.

Guddoomiyaha oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dhallinyarada ku dhaawacantay loo qaaday isbitaalka magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu dabiibayo dhaawacyadooda.

Mudane Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa tilmaamay in qaraxa uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso oo ay ka dambeeyeen argagixisada Al-Shabaab, kuwaasi oo caado ka dhigtay xasuuqa shacabka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Mombasa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaareen magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa garoonka Magaalada Mombasa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya, waxaana ujeedka safarkiisa uu yahay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in uu galabta kulan la qaato Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo madax kale oo waddankaas Ka tirsan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay safiirka dalka Qatar u jooga Soomaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya MR. Xasan Xamza Assad.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga la xariira mashaariicda lagu horumarinaayo dhismaha Caasimadda iyo sidii safaarada Qatar u heli laheyd dhul ay ka hirgaliso dhismaha cusub ee Safaarada Dowlada Qatar ku leedahay Soomaaliya Maadaama haatan si ku meel gaar ah dhul kale ugu shaqeyso.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo magacaabay gudidda qabashada doorashada aqalka sare

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamul goboleedka puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay Guddiga Qabshada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Xubnaha Kuraasta aqalka sare ku metelaya deegaamada Puntland  baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa la filaya in doorashadoodu maalmaha fooda inagu soo haya ka qabsoonto Garoowe.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar ugu baxay Dalka Kenya, kadib markii uu Casuumaad Rasmi ah ka helay Madaxwaynaha Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safarkisa waxaa ku wehliya xubna katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Masuuliyiin kale oo katirsan  Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Kenya inta uu joogo Nairobi.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay laamaha amniga dalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaal Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadalay amniga dalka la qaatay saraakiisha amniga si loo xoojiyo amniga guud wadanka gaar ahaan caasimada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha   ayaa lamaha amniga faray in ay sii dar-dargaliyaan amniga isagona kula dardaarmay sarkiisha in xil gaar ah iska saran amniga  doorashooyinka oo dalka ka bilaawday.

 

Puntland oo soo saaray liiska Musharaxiinta ku tartamaya 11 kursi ee Aqalka Sare BJFS

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdillaahi Dani, ayaa soo saaray liiska Musharaxiinta ku tartamaya 11 kursi ee Aqalka Sare BJFS.