Maamulka Gobolka Mudug oo ka hadlay labo qarax oo dad rayid ah ay ku dhinteen oo ka dhacay Bacaadweyne

Gaalkacyo-Guddoomiyaha Gobolka Mudug mudane Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) ayaa sheegay in labo qarax oo ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne ay mid ka mid ah ku dhinteen 8 ruux oo ay ku jirto carruur, halka midka kalana ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo baabuur isla saaraanaa.

Guddoomiyaha oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dhallinyarada ku dhaawacantay loo qaaday isbitaalka magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu dabiibayo dhaawacyadooda.

Mudane Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa tilmaamay in qaraxa uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso oo ay ka dambeeyeen argagixisada Al-Shabaab, kuwaasi oo caado ka dhigtay xasuuqa shacabka