Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo magacaabay gudidda qabashada doorashada aqalka sare

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamul goboleedka puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay Guddiga Qabshada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Xubnaha Kuraasta aqalka sare ku metelaya deegaamada Puntland  baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa la filaya in doorashadoodu maalmaha fooda inagu soo haya ka qabsoonto Garoowe.