Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Mombasa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaareen magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa garoonka Magaalada Mombasa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya, waxaana ujeedka safarkiisa uu yahay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in uu galabta kulan la qaato Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo madax kale oo waddankaas Ka tirsan.