Qeyb ka mid ah Guddida xalinta khilaafaadka doorshooyinka oo u safray Garoowe

Xubno ka mid ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Puntland.

Ilaa lix xubnood oo ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ku wajahan Garowe si ay goobjoog uga noqdaan doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Dawlad Goboleedka Puntland.

Doorashada xubnaha aqalka sare ku matali doono dowlad goboleedka Puntlad ayaa la filayaa in ay ku qabsoonto maalmaha nagu soo aadan magaalada Garowe ee Caasimadda u ah maamulka Puntland.