Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Awdheegle-   Asad Shariif Abuukar, oo ka tirsanaa Al-shabab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada hoose.

Ninkan ka tirsanaa Al-shabaab ayaanan la sheegin waxa uu u qaabbilanaa argagixisada.

Soo baxsashada Asad ayaa kusoo beegmaysa xilli uu maalin ka hor sidan oo kale isu soo dhiibay horjooge ka tirsanaa nabad-diidka qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ee uu fadhigoodu yahay Baydhabo.

Ra’iisul wasaare Rooble oo Puntland ugu hambalyeeyay doorashada xubnaha Aqalka sare

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqa ku jooga dalka Kenya ayaa bogaadiyay doorashada xubnaha Aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ku matalaya Puntland oo manta lagu qabtay magaalada Garoowe.

“Waxaaan madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeynayaa bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare. Waxaan kaloo hambalyo leeyahay xildhibaannada soo baxay, anigoo rajeynaya in howsha harsani ay si xasilloon ku soo idlaato.

Sidoo kale waxaan bogaadinayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo soo gudbiyay liiskii u horreeyay ee murashaxiinta Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Dhammaan Dowlad-goboleedyada waxaan kula dardaarmayaa in ay dedejiyaan howsha doorashada maadaama waqtigu is gurayo, si loogu dul shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay”.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Dalka Qatar oo qadka Telefoon-ka ku wada hadlay

Madaxweynaha Soomaliya iyo Amiirka dalka Qatar oo qadka telefoonka uga wada hadlay xoojiinta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qadka teefoonka kula hadlay  amiirka dowladda Qatar Shiikh Tamiim bin Xamad Al-thani.

Madaxweyne  Farmaajo iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta  xiriirka labada dal,Arrimaha gobalka iyo caalamka

DOORKA HALGAMAYAASHA GOBONIMO DOONKA SOOMAALIYEED

Soomaalida ayaa ah umad taariikh leh oo waayo dheer soo jirtay, Soomaalida intii ay jirtay waxay soo martay marxalado kaladuwan oo ay kamid ahayd mar ay halgan kula jirtay dowlado ku soo duulay iyo mar ay dowlado xoog leh ahayd intaba.
Haddaba, halkaan ayaa idiin kuugu soo gudbin doonaa qaar kamida halgamayaashii Soomaalida iyo taariikhda halgankii ay galeen haddii Allaha awoodda leh raali ka noqdo.
Inta aanan galin taariikhda halgamayaashaasi waxaan rabaa inaan xasuusiyo umadda Soomaaliyeed in Soomaalidu jirtay muddo dheer lahaydna dhul iyo dowlado waa wayn oo xiliyadii ay jireen markaa dunida kamid ahaa, waxaase moodaa in taariikhdaasi aan wax badan laga hayn haddana intii yarayd la sii hilmaamaayo, haddii aad qof Soomaali ah waydiiso su’aal ah ‘Soomaaliya goorma ay dhalatay?’ waxaa laga yaabaa badankood inay ku dhahaan 1960-kii.
Soomaaliya lidankii waxay u ahayd maalin wayn oo ay gumaysi iska dulqaadeen, waxay ahayd mar shantii Soomaaliyeed labo kamida ay gumaysi iska rideen hadana ay midoobeen, 1-dii Luuliyo waxay ahayd maalin ay rajo Soomaaliyeed rumowday taasi oo dhibadan ay ka soo mareen halgamayaal Soomaaliyeed, hase ahaatee waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay jirtay gumaysiga ka hor, Soomaaliya waxaa ka jiri jiray dowlado waa-wayn gumaysiga ka hor, Soomaaliya gumasigu waxaa uu xukumayay duddo ku dhawaad nus qarni ah.
Sidaasi darteed, waxaan rabnaa halkaan inaan qaar ka xuso hal-gamayaashaas Soomaaliyeed ee mudada dheer ku howlanaa gumaysi la dirirka iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed.
Imaamad Axmed Gurey waxaa uu noolaa qarnigii 15-aad “15 century” Imaam Axmedd Ibraahim Gurey, wuxuu ku dhashay tuulo ka mid ah gobollada Harar, oo la yiraahdo (Hoobato) sannadku markuu ahaa 1488.
Imam Axmed Guray, wuxuu yaraantiisa ku soo barbaaray magaalada Harar, intuu joogay magaalada magaalada harar, wuxuu galay dugsi qur’aan, halkaasoo uu ka bartay qur’aanka kariimka ah.
Axmed Guray, muddadii uu joogay magaalada Harar, wuxuu ahaa wiil yar, hase yeeshee waxaa la sheegay in uu ahaa wiil firfircoon oo aad ay uga muuqatay ragannimo iyo geesinimo dheeraad ah.
Imaam Axmed Gurey waxay u soo guureen magaalada Saylac asaga iyo qoyska uu ka dhashay, markii uu xoogaa soo waynaaday waxaa uu isku aruursaday ciidan waxaa uuna bilaabaay ladagaalankii Xabashida, Imaam Axmed guulo waa-wayn ayuu Islaamka u soo hooyay iyo Soomaalidaba waxaa uuna jab isdaba joog ah gaarsiiyay xabashidii.
Dowladdii Imaam Axmed waxay caasimad ka dhigatay magaalada Harar, waxayna xoogga saartay la dagaalnakii Xabashida, dhan kalena waxay xoogga ka saartay barashada iyo faafinta diinta Islaamaka.
Imaam-ka xilligii uu hogaaminaayay hal-gankaas waxaa uu dhigay taariikh cajiiba, waxaa la xaqiijiyay Xabashidu inay bilaabeen cunidda hilibka ciiriinka ah” aan la karin” markii ay shidan waayeen dab cabsi ay ka qabeen in ciidanka Imaam Axmed ku soo raacaan iftiinka dabka xilliyada habeenkii ah taasi oo illaa hadda ay cunaan dhaqanna ay u noqotay cunidda hilibka ciiriinka ah.
Imaamka ayaa geeriyooday sanadkiii 1543-dii iyada oo Xabashida la jabiyay, waqooyiga iyo galbeedka dhullka Soomaaliyeedna waxaa gacanta ku haysay dowladii Imaamka, Geeridiisii kadib dowladaas waa ay sii jirtay illaa iyo qarnigii 17-aad “17 century” markaasi oo qabiilaka Canfarta la yiraahdo ay ku soo qaadeen dagaal iyaga oo ku hubaysan warammo iyo fallaaro.
Markii ay burburtay dowladaasi waxaa ka dilaacay goboladii ay ka talin jitay saldanado yaryar ah oo ay kamid ahaayeen sadanaddii Adal iyo Warsangani.
Xilliyadaasi waxaa xoogaystay duulaamadii Xabashida ay ku soo qaadaysay dhulka Soomaalida maadaama aysan jirin dowlad ay ku midaysan yihiin Soomaalida ayna noqdeen saldanado yaryar.
Dowladdii Ujuuraan” Anuran Impair” iyana xiligaas ayay ka talin jirtay koofurta Soomaaliya, dowladdii Ujuuraan waxay ahayd dowlad awood badan taasi oo halgan la gashay dagaallo ay soo qaadeen gumaystayaal badan, dowladdaasi xilligii ay jirtay gumaystihii Bortaqiiska ayaa isku dayay in uu dagaal dhanka badda ah ku soo qaado hase ahaatee waa ay iska caabiyeen wayna jabiyeen una diideen inay ka soo dagaan xeebaha Soomaalida, gumaystahaasi 50-sano ayuu saaray cunna qabatayn koofurta Soomaaliya waxaase guul ahayd in Soomaalidu ay ku filnaatay beerahooda iyo xoolihii ay dhaqanayeen, sidoo kale xilligii ay jirta boqortooyadaas Ujuuraan waxay dhulka Soomaalida ka difaacday qabiil Oromada kamid ahaa oo markaas gaalo ahayd kuna soo duulay dhulka Soomaalida inay ka difaaceen.
Halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, Sayidku waxaa uu wax ku soobartay dalka Sacuudiga ka horna waxaa uu ka tagay Soomaaliya asaga oo yar, Sayidka dalka waxaa uu ku soo noqday sanadkii 1895-tii waxaa uuna ka soo dagay dakadda magaalada Berbara markaasna waxaa maamulayay gumaystihii Ingiriiska, markii dakadda uu ka soo dagay Sayidka hadallo ayaa dhex maray asaga iyo gumaystihii, waxaa jirtay xiligaa in gumaystuhu lacag ka qaadi jiray qofkasta oo Soomaali ah oo dakadda ka soo daga, silamida sidii hore ayuu gumaystuhu lacag waydiiyay Sayidka markaa Sayidka oo caraysan ayaa ugu jawaabay dalka ma adiga ayaa iska leh mase aniga, ugu dambayn waa ay iskadaayeen.
Markii uu magaalada gudaha u soo galay Sayidku waxaa uu arkay dhalin yaro Soomaali ah oo la baxay magacyada reer galbeedka qaarna sidii reer galbeedka u dhaqmayaan kadib Sayidku waxaa uu go’aan saday in uu ciidan aruusado lana dagaalamo.
Sayidku waxaa uu soo aaday dhanka Soomaali-galbeed halkaasi ayuunka ciidamo ku abaabulay kuwaasi oo dagaalo badan ku la galay Xabashida, markii dambe ayuu Sayidku saldhig ka dhigtay magaalada Taleex, dagaallo ba’an ayuuna gumaystihii Ingiriirska la galay isaga oo dagaaladaasi ku dilay Janaraalkii ugu waynaa gumaystaha ee Koofi ayaa markii dambe lagu soo weeraray diyaarado dagaal, taasi oo Soomaaliya ka dhigaysa dalkii ugu horeeyay oo afrikaan ah oo diyaarado dagaal lagu weeraro.
Ugu dambayn, Sayid Maxamad Cabdulle Xassan ayaa ku geeriyooday magaalada Iimay sanadku markuu ahaa 1920-kii.
Somali youth league (SYL) waxay ahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo is abaabushay hadafkooduna ahaa inay dalka ka kiciyaan gumaysta ku soo duulay ee reer galbeedka ah kaasi oo ku dhawaad dalka maamulaayay nus qarni.
SYL waxaa la aasaasay sanadku markuu ahaa 1943-dii maalintaasi oo noqotay maalin qaran maalina la dhisay ama ay is uruursadeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo wadaniyadi ku dheehantahy lahaana hammi iyo aragti dheer.
Dhalinyaradaan waxaa u suurtagashay in qayb kamida dhulkii Soomaaliyeed ay gumaystihii ka kiciyaan ayna dhisaan Jamuuriyadda Soomaaliya ee aan illaa hadda aan ku naaloonayno, 61 sano ayaa ka soo wareegatay xoriyaddii ay u soo hooyeen umadda Soomaaliyeed sanadkii 1-kii Luuliyo 1960-kii.
W/D Muuse Cabdinuur Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mombasa August 11, 2021

Ra’iisul Wsaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Mombasa dalka Kenya.

Ra’iisul’wasaaraha ayaa uga warbixiyay jaaliyadda kulankii uu la qaatay xaaladda dalka iyo doorashooyinka dalka ka bilowday.

Duqa Muqdisho oo xilalkii ka qaaday Guddoomiyeyaal degmo

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Afar gudoomiye Degmo oo katirsan gobolka Banaadir.

Guddoomiyaasha xilka laga qaaday ayaa waxaa kamid ah.
1- Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir.
2- Guddoomiyaha Kaaraan Abshir Kaaraan.
3- Guddoomiyaha degmada Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac.
4- Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle, Waxaana xilka guddoomiyaha degmadaas loo magacaabay Mire Salaad Dhuxulow.

Xubno ka socda Guddida xalinta khilaafaad doorshooyinka oo u ambo baxay Garoowe

muqdisho (Ilayska dalka):. Xubno ka mid ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Puntland.

lix xubnood oo ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ku wajahan Garowe si ay goobjoog uga noqdaan doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Dawlad Goboleedka Puntland, oo maanta halkaas ku qabsoomi doonta.

 

 

 

 

Xubin ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-shabaab oo isu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Idiris Cabdullahi Macalin ,Magaciisa Afgarashada  ee Kooxda Argagixisada Al-shabab loo yaqaano (Food Cade )  oo Mudo 7-Sano ka Tirsanaa  Al-shabab ayaa Maanta  isku soo dhiibey  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta 60-Aad ee Magaalada Baydhabo.

Food cade Wuxuu Al-shabab u qaabilsanaa ilaalinta Xabsiyada ,isagoona sidoo kale kasoo qeyb qaatey Dagaalo Dhowr ah Wuxuuna haatan Argagixisada Al-shabab kaga soo goostey  Degmada Xarardheer oo ka tirsan gobolka Mudug.

Idiris ayaa sidoo kale Saaxibadiisa Weli ku jira Kooxda  Argagixisada Al-shabab ugu Baaqey in ay Dowladda isku soo dhiibaan isagoona sheegey in Al-shabab ay Yihiin kuwa ma naxayaal ah oo dadkooda gumaadaya.

Israa’iil: Dunidu waa inay soo afjarto halista Iiraan iyo Xisbullaah.

Wasiirka Difaaca Isra’iil Benny Gantz, ayaa sheegay in Dowladda Iiraan ay tahay halista ugu weyn ee gobolka iyo caalamka intiisa kale.

“Caalamku waa inuu soo afjaraa halista Iiraan iyo Xisbullaah, si meesha looga saaro dhibka ay ku hayaan Caalamka, Suuragal ma aha in Gacmaha laga laabto inta Iiraan ay hormarineyso Mashruuceeda Nukliyeerka” ayuu yiri Benny Gantz.

Warkan ka soo baxay Israa’iil, ayaa ku soo beegmaya saacado kadib markii Waaxda Difaaca Mareykanka (Pentagon), ay sheegtay Talaadadii, in Iiraan ay khatar ku tahay Amaanka gobolka.

Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sidokale sheegtay in Dahraan ay sii waddo taageeridda iyo maalgelinta maleeshiyaadka kala duwan ee argagixisada ah.

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray Jimcihii ku sheegay in weerarkii lagu qaaday markabkii “Mercer Street” 29 -kii July, ay mas’uuliyadiisa la heed Iiraan.

Markabka Mercer Street oo laga lahaa Israa’iil, ayaa lagu weeraray Diyaarad kuwa aan duuliye laheen ah, waxaana ku dhintay laba ka mid ah shaqaalihii saarnaa.

Iiraan ayaa, iska fogeeysay edeeynta loo jeediyay ee ku saabsan in Ciidamadeeda ay weerareen Markabka Mercer iyo in ay xariir la leedahay Kooxo argagixisa ah.

Biden oo ku baaqay in dadka Afganistaan ay u dagaallamaan qarankooda.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku boorriyay madaxda dalka Afganistaan iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee dalkaasi inay midoobaan oo u dagaallamaan jiritaanka qarankooda.

Hadaladaasi ayaa yimid xilli madaxweynaha uu Aqalka Cad kula hadlay warbaahinta, wuxuu sheegay in inuusan ka qoomameyneynin go’aankii uu ciidamadiisa ugala baxay Afgaanistaan, wuxuuna intaa ku daray in dadka reer Afganistaan ay u dagaalamaan nafdooda oo meel uga soo wada jeestaan cadowgooda.

Mr.Biden ayaa yiri “Mareykanku uu sugayo ballanqaadyadii uu u sameeyay madaxda Afgaanistaan, sida bixinta kaalmo xagga cirka ah oo dhow, bixinta mushaaraadka milatariga iyo siinta ciidamada dalkaasi raashin iyo qalab kale”.

Daalibaan waxay qabsadeen ugu yaraan siddeed ka mid ah 34 -ka magaalo -madax ee gobollada dalka,waxaana suurtagal ah in caasimadda Kabul ay gacanta u geli karto Taliban muddo 90 maalmood gudahood ah sida lagu shaaciyay wargeyska Washington Post oo soo xigtay saraakiil aan la magacaabin oo Mareykan ah.

In ka badan 1,000 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay dagaallo qaraar oo u dhexeeyay Taalibaan iyo ciidamada dowladda bishii la soo dhaafay.