Biden oo ku baaqay in dadka Afganistaan ay u dagaallamaan qarankooda.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku boorriyay madaxda dalka Afganistaan iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee dalkaasi inay midoobaan oo u dagaallamaan jiritaanka qarankooda.

Hadaladaasi ayaa yimid xilli madaxweynaha uu Aqalka Cad kula hadlay warbaahinta, wuxuu sheegay in inuusan ka qoomameyneynin go’aankii uu ciidamadiisa ugala baxay Afgaanistaan, wuxuuna intaa ku daray in dadka reer Afganistaan ay u dagaalamaan nafdooda oo meel uga soo wada jeestaan cadowgooda.

Mr.Biden ayaa yiri “Mareykanku uu sugayo ballanqaadyadii uu u sameeyay madaxda Afgaanistaan, sida bixinta kaalmo xagga cirka ah oo dhow, bixinta mushaaraadka milatariga iyo siinta ciidamada dalkaasi raashin iyo qalab kale”.

Daalibaan waxay qabsadeen ugu yaraan siddeed ka mid ah 34 -ka magaalo -madax ee gobollada dalka,waxaana suurtagal ah in caasimadda Kabul ay gacanta u geli karto Taliban muddo 90 maalmood gudahood ah sida lagu shaaciyay wargeyska Washington Post oo soo xigtay saraakiil aan la magacaabin oo Mareykan ah.

In ka badan 1,000 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay dagaallo qaraar oo u dhexeeyay Taalibaan iyo ciidamada dowladda bishii la soo dhaafay.