Israa’iil: Dunidu waa inay soo afjarto halista Iiraan iyo Xisbullaah.

Wasiirka Difaaca Isra’iil Benny Gantz, ayaa sheegay in Dowladda Iiraan ay tahay halista ugu weyn ee gobolka iyo caalamka intiisa kale.

“Caalamku waa inuu soo afjaraa halista Iiraan iyo Xisbullaah, si meesha looga saaro dhibka ay ku hayaan Caalamka, Suuragal ma aha in Gacmaha laga laabto inta Iiraan ay hormarineyso Mashruuceeda Nukliyeerka” ayuu yiri Benny Gantz.

Warkan ka soo baxay Israa’iil, ayaa ku soo beegmaya saacado kadib markii Waaxda Difaaca Mareykanka (Pentagon), ay sheegtay Talaadadii, in Iiraan ay khatar ku tahay Amaanka gobolka.

Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sidokale sheegtay in Dahraan ay sii waddo taageeridda iyo maalgelinta maleeshiyaadka kala duwan ee argagixisada ah.

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray Jimcihii ku sheegay in weerarkii lagu qaaday markabkii “Mercer Street” 29 -kii July, ay mas’uuliyadiisa la heed Iiraan.

Markabka Mercer Street oo laga lahaa Israa’iil, ayaa lagu weeraray Diyaarad kuwa aan duuliye laheen ah, waxaana ku dhintay laba ka mid ah shaqaalihii saarnaa.

Iiraan ayaa, iska fogeeysay edeeynta loo jeediyay ee ku saabsan in Ciidamadeeda ay weerareen Markabka Mercer iyo in ay xariir la leedahay Kooxo argagixisa ah.