Xubin ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-shabaab oo isu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Idiris Cabdullahi Macalin ,Magaciisa Afgarashada  ee Kooxda Argagixisada Al-shabab loo yaqaano (Food Cade )  oo Mudo 7-Sano ka Tirsanaa  Al-shabab ayaa Maanta  isku soo dhiibey  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta 60-Aad ee Magaalada Baydhabo.

Food cade Wuxuu Al-shabab u qaabilsanaa ilaalinta Xabsiyada ,isagoona sidoo kale kasoo qeyb qaatey Dagaalo Dhowr ah Wuxuuna haatan Argagixisada Al-shabab kaga soo goostey  Degmada Xarardheer oo ka tirsan gobolka Mudug.

Idiris ayaa sidoo kale Saaxibadiisa Weli ku jira Kooxda  Argagixisada Al-shabab ugu Baaqey in ay Dowladda isku soo dhiibaan isagoona sheegey in Al-shabab ay Yihiin kuwa ma naxayaal ah oo dadkooda gumaadaya.