DOORKA HALGAMAYAASHA GOBONIMO DOONKA SOOMAALIYEED

Soomaalida ayaa ah umad taariikh leh oo waayo dheer soo jirtay, Soomaalida intii ay jirtay waxay soo martay marxalado kaladuwan oo ay kamid ahayd mar ay halgan kula jirtay dowlado ku soo duulay iyo mar ay dowlado xoog leh ahayd intaba.
Haddaba, halkaan ayaa idiin kuugu soo gudbin doonaa qaar kamida halgamayaashii Soomaalida iyo taariikhda halgankii ay galeen haddii Allaha awoodda leh raali ka noqdo.
Inta aanan galin taariikhda halgamayaashaasi waxaan rabaa inaan xasuusiyo umadda Soomaaliyeed in Soomaalidu jirtay muddo dheer lahaydna dhul iyo dowlado waa wayn oo xiliyadii ay jireen markaa dunida kamid ahaa, waxaase moodaa in taariikhdaasi aan wax badan laga hayn haddana intii yarayd la sii hilmaamaayo, haddii aad qof Soomaali ah waydiiso su’aal ah ‘Soomaaliya goorma ay dhalatay?’ waxaa laga yaabaa badankood inay ku dhahaan 1960-kii.
Soomaaliya lidankii waxay u ahayd maalin wayn oo ay gumaysi iska dulqaadeen, waxay ahayd mar shantii Soomaaliyeed labo kamida ay gumaysi iska rideen hadana ay midoobeen, 1-dii Luuliyo waxay ahayd maalin ay rajo Soomaaliyeed rumowday taasi oo dhibadan ay ka soo mareen halgamayaal Soomaaliyeed, hase ahaatee waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay jirtay gumaysiga ka hor, Soomaaliya waxaa ka jiri jiray dowlado waa-wayn gumaysiga ka hor, Soomaaliya gumasigu waxaa uu xukumayay duddo ku dhawaad nus qarni ah.
Sidaasi darteed, waxaan rabnaa halkaan inaan qaar ka xuso hal-gamayaashaas Soomaaliyeed ee mudada dheer ku howlanaa gumaysi la dirirka iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed.
Imaamad Axmed Gurey waxaa uu noolaa qarnigii 15-aad “15 century” Imaam Axmedd Ibraahim Gurey, wuxuu ku dhashay tuulo ka mid ah gobollada Harar, oo la yiraahdo (Hoobato) sannadku markuu ahaa 1488.
Imam Axmed Guray, wuxuu yaraantiisa ku soo barbaaray magaalada Harar, intuu joogay magaalada magaalada harar, wuxuu galay dugsi qur’aan, halkaasoo uu ka bartay qur’aanka kariimka ah.
Axmed Guray, muddadii uu joogay magaalada Harar, wuxuu ahaa wiil yar, hase yeeshee waxaa la sheegay in uu ahaa wiil firfircoon oo aad ay uga muuqatay ragannimo iyo geesinimo dheeraad ah.
Imaam Axmed Gurey waxay u soo guureen magaalada Saylac asaga iyo qoyska uu ka dhashay, markii uu xoogaa soo waynaaday waxaa uu isku aruursaday ciidan waxaa uuna bilaabaay ladagaalankii Xabashida, Imaam Axmed guulo waa-wayn ayuu Islaamka u soo hooyay iyo Soomaalidaba waxaa uuna jab isdaba joog ah gaarsiiyay xabashidii.
Dowladdii Imaam Axmed waxay caasimad ka dhigatay magaalada Harar, waxayna xoogga saartay la dagaalnakii Xabashida, dhan kalena waxay xoogga ka saartay barashada iyo faafinta diinta Islaamaka.
Imaam-ka xilligii uu hogaaminaayay hal-gankaas waxaa uu dhigay taariikh cajiiba, waxaa la xaqiijiyay Xabashidu inay bilaabeen cunidda hilibka ciiriinka ah” aan la karin” markii ay shidan waayeen dab cabsi ay ka qabeen in ciidanka Imaam Axmed ku soo raacaan iftiinka dabka xilliyada habeenkii ah taasi oo illaa hadda ay cunaan dhaqanna ay u noqotay cunidda hilibka ciiriinka ah.
Imaamka ayaa geeriyooday sanadkiii 1543-dii iyada oo Xabashida la jabiyay, waqooyiga iyo galbeedka dhullka Soomaaliyeedna waxaa gacanta ku haysay dowladii Imaamka, Geeridiisii kadib dowladaas waa ay sii jirtay illaa iyo qarnigii 17-aad “17 century” markaasi oo qabiilaka Canfarta la yiraahdo ay ku soo qaadeen dagaal iyaga oo ku hubaysan warammo iyo fallaaro.
Markii ay burburtay dowladaasi waxaa ka dilaacay goboladii ay ka talin jitay saldanado yaryar ah oo ay kamid ahaayeen sadanaddii Adal iyo Warsangani.
Xilliyadaasi waxaa xoogaystay duulaamadii Xabashida ay ku soo qaadaysay dhulka Soomaalida maadaama aysan jirin dowlad ay ku midaysan yihiin Soomaalida ayna noqdeen saldanado yaryar.
Dowladdii Ujuuraan” Anuran Impair” iyana xiligaas ayay ka talin jirtay koofurta Soomaaliya, dowladdii Ujuuraan waxay ahayd dowlad awood badan taasi oo halgan la gashay dagaallo ay soo qaadeen gumaystayaal badan, dowladdaasi xilligii ay jirtay gumaystihii Bortaqiiska ayaa isku dayay in uu dagaal dhanka badda ah ku soo qaado hase ahaatee waa ay iska caabiyeen wayna jabiyeen una diideen inay ka soo dagaan xeebaha Soomaalida, gumaystahaasi 50-sano ayuu saaray cunna qabatayn koofurta Soomaaliya waxaase guul ahayd in Soomaalidu ay ku filnaatay beerahooda iyo xoolihii ay dhaqanayeen, sidoo kale xilligii ay jirta boqortooyadaas Ujuuraan waxay dhulka Soomaalida ka difaacday qabiil Oromada kamid ahaa oo markaas gaalo ahayd kuna soo duulay dhulka Soomaalida inay ka difaaceen.
Halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, Sayidku waxaa uu wax ku soobartay dalka Sacuudiga ka horna waxaa uu ka tagay Soomaaliya asaga oo yar, Sayidka dalka waxaa uu ku soo noqday sanadkii 1895-tii waxaa uuna ka soo dagay dakadda magaalada Berbara markaasna waxaa maamulayay gumaystihii Ingiriiska, markii dakadda uu ka soo dagay Sayidka hadallo ayaa dhex maray asaga iyo gumaystihii, waxaa jirtay xiligaa in gumaystuhu lacag ka qaadi jiray qofkasta oo Soomaali ah oo dakadda ka soo daga, silamida sidii hore ayuu gumaystuhu lacag waydiiyay Sayidka markaa Sayidka oo caraysan ayaa ugu jawaabay dalka ma adiga ayaa iska leh mase aniga, ugu dambayn waa ay iskadaayeen.
Markii uu magaalada gudaha u soo galay Sayidku waxaa uu arkay dhalin yaro Soomaali ah oo la baxay magacyada reer galbeedka qaarna sidii reer galbeedka u dhaqmayaan kadib Sayidku waxaa uu go’aan saday in uu ciidan aruusado lana dagaalamo.
Sayidku waxaa uu soo aaday dhanka Soomaali-galbeed halkaasi ayuunka ciidamo ku abaabulay kuwaasi oo dagaalo badan ku la galay Xabashida, markii dambe ayuu Sayidku saldhig ka dhigtay magaalada Taleex, dagaallo ba’an ayuuna gumaystihii Ingiriirska la galay isaga oo dagaaladaasi ku dilay Janaraalkii ugu waynaa gumaystaha ee Koofi ayaa markii dambe lagu soo weeraray diyaarado dagaal, taasi oo Soomaaliya ka dhigaysa dalkii ugu horeeyay oo afrikaan ah oo diyaarado dagaal lagu weeraro.
Ugu dambayn, Sayid Maxamad Cabdulle Xassan ayaa ku geeriyooday magaalada Iimay sanadku markuu ahaa 1920-kii.
Somali youth league (SYL) waxay ahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo is abaabushay hadafkooduna ahaa inay dalka ka kiciyaan gumaysta ku soo duulay ee reer galbeedka ah kaasi oo ku dhawaad dalka maamulaayay nus qarni.
SYL waxaa la aasaasay sanadku markuu ahaa 1943-dii maalintaasi oo noqotay maalin qaran maalina la dhisay ama ay is uruursadeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo wadaniyadi ku dheehantahy lahaana hammi iyo aragti dheer.
Dhalinyaradaan waxaa u suurtagashay in qayb kamida dhulkii Soomaaliyeed ay gumaystihii ka kiciyaan ayna dhisaan Jamuuriyadda Soomaaliya ee aan illaa hadda aan ku naaloonayno, 61 sano ayaa ka soo wareegatay xoriyaddii ay u soo hooyeen umadda Soomaaliyeed sanadkii 1-kii Luuliyo 1960-kii.
W/D Muuse Cabdinuur Maxamuud.