Ra’iisul wasaare Rooble oo Puntland ugu hambalyeeyay doorashada xubnaha Aqalka sare

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqa ku jooga dalka Kenya ayaa bogaadiyay doorashada xubnaha Aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ku matalaya Puntland oo manta lagu qabtay magaalada Garoowe.

“Waxaaan madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeynayaa bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare. Waxaan kaloo hambalyo leeyahay xildhibaannada soo baxay, anigoo rajeynaya in howsha harsani ay si xasilloon ku soo idlaato.

Sidoo kale waxaan bogaadinayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo soo gudbiyay liiskii u horreeyay ee murashaxiinta Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Dhammaan Dowlad-goboleedyada waxaan kula dardaarmayaa in ay dedejiyaan howsha doorashada maadaama waqtigu is gurayo, si loogu dul shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay”.