Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo iska caabiyay weerar argagixisada ku soo qaaday deegaanka Cadakibir

Ciidamada daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud ayaa iska caabiyay weerar ay galabta ku soo qaadeen kooxda argagixisada Shabaab, ayadoo wararka halkaas naga soo gaaraya ay sheegayaan in jab xooggan ay kala laabteen halkaas.

Kooxda argagixisada Al-Shabaab oo dagaallo ay la galeen ciidamada Galmudug iyo kuwa Qaranka labadii billood ee u danbaysay deegaanno badan looga qabsaday, isla markaana jab xooggan oo dhan walba ah lagu gaarsiiyey ayaa isku dayaya in ay soo qaadaan weeraro nafla-caari ah oo ay maleeshiyaadkooda si qasab ah lagu galinayo.

Magaalooyinka Cadaado, Baxdo iyo Godinlabe ayaa lagu soo waramayaaa in ay ka baxayaan gurmadyo ciidan oo ku wajahan aagga Cadakibir, waxaana la dareemayaa abaabul xooggan oo magaalooyinkaas iyo deegaannada hoostaga ka soconaya.

WASAARADDA CAAFIMAADKA GALMUDUG IYO WHO OO DHAKHAATIIR TABABAR UGU SOO XIRAY DHUUSAMAREEB

Munaasabad lagu soo xirayay tababarka mudo sadax maalmood ah Dhuusamareeb uga socday, 42 xirfadle caafimad oo ka kala yimid xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Galmudug, kuwaas qaatay aqoon kororsi la xiriira  daweynta, xakamaynta iyo ka hortagga cudurada faafa ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Tababarkaas waxaa si wadajir ah qabtay wasaaradda caafimaadka Galmudug iyo hey’adda caafimaadka aduunka ee WHO waxaana maanta munaasabadii lagu soo xiray ka qayb galay madax ka kala socotay wasaaradda caafimaadka Galmudug iyo hey’adda WHO.

Dr. Maxamed Bishaar Shire Faarax oo ah madaxa dhakhaatiirta Galmudug ayaa ka waramey kaalinta kor u qaadida  aqoonta xirfadlayaasha caafimaadka ee ka howlgala Galmudug ay ka cayaari karaan badbaadada bulshada Soomaaliyeed, isagoo codsaday in la soo kordhiyo oo muhiimad gaar ah la siiyo tababarrada dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

Dhankiisa Cabdixakiin Maxamed Diiriye Agaasimaha waaxda qorshaynta iyo siyaasadda ee wasaaradda caafimadka Galmudug oo tababarka si rasmi ah u soo xiray ayaa ka dalbaday shaqaalaha in ay hirgaliyaan culuumta la siiyey oo ku timid baahi muuqatay oo dhanka xarumaha caafimaadka ka timid, taas oo ay muhiim tahay in deg deg looga soo kabto.

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Xildhibaannada Soomaalida ee ku jira Baarlamaanka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga Magaalada Narobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta oo jimco ah waxa uu kulan la qaatay xildhibaanadda Soomaaliyeed ee ku jiro Barlamaanka Dalkaasi Kenya

Ra,isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dalka iyo sidoo kale danaha dadka Soomaaliyeed ee kuwada nool labada dalka.

Xunaha uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Yuusuf Xasan oo madax ka ah xaafada Islii oo ay Soomaali badan degentahay isla markaana ay ganacsiyo waa weyn ku leeyihiin.

Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ee uu ka helay Madaxweyne Uhuuro Kenyaata ku jooga dalka Kenya ayaa hore waxa uu kulamo kala duwa kula qaatay madaxda dalkaasi,ganacsatada Soomaaliya iyo sidoo kale jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Kenya waxaana uu dhamaan kala hadlay xoojinta xiriirka ay leeyihiin labada iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo amaanka.

Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo lagu dilay Jubbada Hoose

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan ururka 5-aad aa ee Guutada 16 aad iyo Ciidanka Daraawiishta iyo Nabadsugida Jubbaland oo Isgarabsanaya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabab ka fuliyey Deeganno ka tirsan Gobolka Jubada hoose.

Saraakiisha hoggamineysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen Shan kamid ah Al-Shabaab, isla markaana ay ku qarxiyeen miinooyin gaaraya lix, kuwaas oo ay wadada ku aaseen Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in Ciidamada ay deegaanno badan ka saareen Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah Beerxaano,qoloshimbi, sariiraha, dharkayn urur, yaaqcaleen, yaaq dabayl, iyo kuwa kale.

Deegaannada ay Ciidamada howlgalka kula wareegeen ayaa waxaa ay Dhamaantood ku yaallaan duleedka Magaalada Kismayo, waxaana dhowr jeer lagu weeraray Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidanka ayaa waxaa ay sheegeen inay Howlgallada sii wadi doonaan ilaa ay Al-Shabaab ka saarayaan degannada iyo Degmooyinka ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Xoogga oo Howl-gallo ka dhan ah argagixisada ka sameeyay Sh/ Hoose

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Amniga degmada Walaweyn ayaa howlgal wadajir ah ka sameeyeen tuulooyin hoostaga Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo ay horkacayeen guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn ayaa waxaa Ciidamadu ka sameeyeen tuulooyinka u dhow degmada Walanweyn, waxaana howlgalka uu ahaa mid wadooyinka iyo guryaha qaar laga sameeynayay.

Inta lagu gudi jiray howlgalkaasi amni ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabqabtay dhalinyaro aad u tira badan si loo xaqiijiyo xaalada amni ee guud ahaan Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay in la xaqiijiyo amniga lagana sifeeyo Al-Shabaab lana dardar gelinaayo howlaha hor yaalla  Maamulada Degmooyiinka iyo Deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Dani oo kulan la qaatay guddiyada doorashada iyo xubnaha cusub ee Aqalka Sare

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa madaxtooyada ee Garowe ugu sameeyay hab maamus guddiga doorashadda heer Federaal kan dowlad goboledka ee Puntland iyo 11-ka mudane ee Puntland ku metelaya Aqalka Sare ee DFS.

Kulankan waxaa kaloo ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday maamulka Pontland.

Kulankaasi oo ku dhacay jawi wanagsan ,waxaa la isku dhaafsaday hadallo la xiriiray mahadnaq iyo dadaalkii loo soo galay ka miro dhalinta hannaanka doorasho ee Aqalka Sare.

Zambia Doorashada madaxtinimada dalkaasi ayaa loo dareeray

Malaayiin kamid ah shacabka dalka Zambia ayaa Khamiistan maanta ah u dareereya goobaha codbixinta doorashada madaxtinimada dalkaas xilli ay jirto mushkulad dhaqaale oo aad u daran.

14 murashax oo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya, ayaa ku tartamaya xilka ugu sareeya dalka dhaca Afrikada Koofureed.

Booliiska iyo militiriga ayaa lagu baahiyay guud ahaan dalka, si ay u sugaan amniga goobaha codbixinta.

Madaxweynaha talada haya ee Edgar Lungu ayaa raadinaya in mar kale dib loo doorto, isagoo mucaaradad xoogan kala kulamaya Hakainde Hichilema, oo ah hogaamiyaha xisbiga ugu weyn axsaabta mucaaradka dalka Zambia.

Doorashadan ayaa loo arkaa mid aad muhiim u ah Zambia, iyadoo dadka ka qeybgalaya doorashadan u badan yihiin da’yar doonaya horumar dhaqaale iyo fursado shaqo oo wanaagsan.

Guddiga doorshada, waxaa balan qaaday in ay qaban doonaan doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Malaayiin kamid ah shacabka dalka Zambia ayaa Khamiistan maanta ah u dareereya goobaha codbixinta doorashada madaxtinimada dalkaas xilli ay jirto mushkulad dhaqaale oo aad u daran.

14 murashax oo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya, ayaa ku tartamaya xilka ugu sareeya dalka dhaca Afrikada Koofureed.

Booliiska iyo militiriga ayaa lagu baahiyay guud ahaan dalka, si ay u sugaan amniga goobaha codbixinta.

Madaxweynaha talada haya ee Edgar Lungu ayaa raadinaya in mar kale dib loo doorto, isagoo mucaaradad xoogan kala kulamaya Hakainde Hichilema, oo ah hogaamiyaha xisbiga ugu weyn axsaabta mucaaradka dalka Zambia.

Doorashadan ayaa loo arkaa mid aad muhiim u ah Zambia, iyadoo dadka ka qeybgalaya doorashadan u badan yihiin da’yar doonaya horumar dhaqaale iyo fursado shaqo oo wanaagsan.

Guddiga doorshada, waxaa balan qaaday in ay qaban doonaan doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Erdogan oo khadka Telefone ka kula hadlay Madaxweyneyaasha Afgaanistan,Iran iyo Togo

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taleefanno gooni gooni ah kula hadlay goor dambe oo Arbacadii ah madaxweynayaasha Afgaanistaan, Iiraan iyo Togo, iyagoo mid walba ka wada hadlay arrimaha gobolka iyo xiriirka laba geesoodka ah,Erdogan ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, oo u gudbiyey rabitaankiisa ku aaddan in Turkiga ka soo kabsado dabkii kaymaha ee dhowaan khasaaraha geystay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Turkigu uu sii wadi doono inuu garab istaago dadka Afgaanistan ee saaxiibtinimada iyo walaalnimada leh si Afgaanistaan ​​ay u gaarto nabadda iyo xasilloonida ay mudan tahay sida ugu dhaqsaha badan.

Erdogan ayaa sidoo kale khadka telefoneka ugu hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Iiraan Ebrahim Raeisi caleemo saarkiisa wuxuuna sheegay inuu rumeysan yahay in xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Iraan iyo iskaashiga gobolka uu noqon doono mid sii xoogaysta dhinac walba muddada cusub.

Dhinaca kale madaxweyne Erdogan ayaa taleefan kula hadlay Madaxweynaha Togo Faure Gnassingbe isagoo sheegay in iskaashiga u dhexeeya labada qaran ee dhinaca warshadaha difaaca uu yeelan doono saamayn badan oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dhinac.

Samareeb iyo doorashada aqalka sare

Magaalada samareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug , waxaa ka socota qaban qaabada doorashada lix xubnood oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa baarlamaanka u gudbiyay 12 murashax oo ku tartami doonta lix kursi oo kamid ah sideedda kursi ee Galmudug ku leedahay aqalka sare.

Wixii ku soo kordha halkan kala socda…