Maraykanka iyo Turkiga oo ka wada xaajoonaya doorashooyinka Liibiya

Safiirka Mareykanka ee Liibiya ayaa Jimcihii booqasho ku tagay caasimada dalka Turkiga si uu wada hadalo ula yeesho saraakiisha ugu saraysa Turkiga si kor loogu qaado taageerada Mareykanka ee doorashooyinka guud Liibiya oo la qorsheeyay inay dhacdo bisha December.

Socdaalka Richard Norland ee caasimadda Turkiga ee Ankara ayaa lagu wadaa inuu diiradda ku saaro saldhigga dastuuriga iyo asalka sharci -dejinta, qodobbada muhiimka u ah doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka ee 24 -ka Diseembar ka dhacaysa Liibiya.

Booqashada ergayga ayaa imaanaysa kadib markii wufuudda Liibiya ay ku heshiin waayeen doorashooyin qabsooma bisha December.

 

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka guddida xalinta khilaafadka oo ku wajahan Baydhabo

Wafdi ka socda Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo uu hogaaminayo gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Maxamed Ibrahim Barre ayaa saakay u safray magaalada Baydhabo ee caasimada ku-meelgaarka ah Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga ayaa waxay korjoogto ka ahaan doonaan doorashada 3-da xubnood aqalka sare BFS.

maamulka Koonfur galbeed ayaa maanta soo gabo gabaynaya doorashada kuraasta aqalka sare xubnihii ugu dambeeyey.

Ciidamada Booliska Gobolka Bari oo howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha magaalada Bosaaso

Howlgalkan oo ka qabsomay magalada bosaso ayaa ujeedkiisu ahaa adkeynta amniga magaalada iyo ka hortagista falalka dhibaatada ku ah Bulshada,inta uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga,Huteelada iyo guryaha.

Taliyaha Qeybta Boolisla Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dad la tuhmay, kuwaas oo hadda lagu haayo saldhiga booliska magaalada baaritaanona ay baari doonaan.Sie inta uu howlgalka caawa socday ayaa Taliyaha iyo Ciidmada waxay bulshada ka wareesanayeen amniga iyo in ay jiraan kuwo dhibaato u geeysta shacabka balse bulshada ayaa Taliyaha ku amaanay xaqiijinta amniga oo habeen iyo maalin ay u taagan yihiin ciidamada Booliska oo gaaf wareega xaafadaha suuqyada iyo jidadka magalada Bosaaso.

kalloo   d  

Madaxweyne Farmaajo oo 14-ka Ogoosto u asteeyay Maalinta la dagaallanka Masuq maasuqa ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayey Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo ka mid noqoshada Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ayaa tilmaamay in Guddigani uu gundhig u yahay hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee Dalka.

“Guddigani waa mid dastuuri ah, waxaan sharciga lagu dhisay saxiixay 21 Sabteembar 2019, maantana waxa aynu u taagannahay munaasabaddan aynu ku daah-furayno. waxa ay tallaabadani dhiirrigelinaysaa fursadaha maalgashiyada caalammiga ah ee dalkeenna, kobaca dhaqaalaha, hufnaanta maaliyadda iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada.”

Madaxweynaha oo dul istaagay dadaallada miro-dhalay ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gelisay la dagaallanka musuq-maasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in ay Soomaaliya ka mid noqoto Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, sida: Sharciga Heshiiska Midowga Afrika ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, Sharciga Heshiiska Jaamacadda Carabta ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo Sharciga Heshiiska Qarammada Midoobey ee  La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa qorsheyaasha Qaran ee ku salaysan dhowridda xuquuqda muwaaddiniinta iyo ilaalinta hantida Qaranku waxa ay ku guuleysatay in aynu si rasmi ah uga mid noqonno maanta Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kula dardaarmay Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa in ay waajibaadkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay waddaniyad iyo hufnaan, ayaa sidoo kale xeeriyey in 14-ka Ogoosto loo aqoonsado Maalinta Qaran ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa kale oo ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee  JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada Booliiska iyo Asluubta Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Guddiga Madax Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

Soomaaliya oo qeyb ka noqoneysa Sharciyadda Caalammiga ah ee la Dagaallanka Musuq-maasuqa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galaya munaasabadda daah-furka Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo Ku biiritaanka Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay yeelanaysa Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa tan iyo burburkii dowladdii dhexe Keddib.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose oo kulan la qaatay Amisom

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa si wadajir kulamo kala duwan ula qaatay saraakiisha qeybaha Amisom iyo sidoo kale taliyaha ugu Sareeya howlgalka nabad ilaalinta Amisom ee Soomaaliya General Ndegeya Diomede.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii baaritaan deg deg ah loogu sameyn lahaa dhacdadii argagaxa laheyd ee ciidamada Amisom ku xasuuqeen Allaha Unaxariistee dad shacab ah oo ku nool deegaanka Goolweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u sheegay Madaxda Amisom inaan la aqbali karin falkaasi gurcan ee lagu dilay 7-qof oo shacab ah, islamarkaana loo baahan yahay in marxuumiintaas iyo eheladooda  si deg deg ah u helaan cadaalad.

Webiga Shabeelle oo fatahaad sameeyey iyo khasaare ka dhashay

Webiga shabeelle ayaa fatahaad ku sameeyey tuulda Boodaale oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada magaalada Jowhar ee caasimada dowlad gobaleedka Hirshabeelle, waxaana jirta qasaaro nafeed iyo mid hantiyeed  oo ka dhashay biyaha fatahaada webiga.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in laba caruur ay biyuhu qaadeen oo mid ka mid ah meydkiisa baadi goob wali  ugu jiraan dadka deegaanka.

Wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka Hir-shabeelle maxamed Cumar ayaa sheegay in xaalada webiga xiligan ay tahay mid cabsi weyn ay ka qabaan maadama biyihii ugu badnaa uu wado webigu suuro-galna ay tahay in deegaano hor leh looga barakaco oo jowhar ka mid tahay sidoo kale wasiirka ay ku baaqay in laga qeyb qaato u gurmashada dadka ku barakacay fatahaada webiga shabeelle uu ka sameey tuulada Boodaala.

Qaramada midoobay oo ka digtay xaaladda Afgaanistan

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa soo saaray digniin culus oo ku wajahan xaaladda dalka Afgaanistaan isagoo xusay inay gacanta kasii baxayso Afgaanistaan.

Guterres ayaa ugu baaqay Taliban inay si deg deg ah u joojiso weerarka isla markaana ay “gorgortan daacad ah” uga gorgortamto si loo baajiyo dagaal sokeeye oo daba dheeraada, Guterres wuxuu kaloo sheegay in kooxdu ay xannibaadyo culus ku soo rogayso xuquuqda aadanaha, xoghayaha ayaa sheegay in Taliban si gaar ah u beegsanayso Haweenka iyo saxafiyiinta.

Qaramada Midoobay ayaa hore uga digtay masiibo bini’aadanimo oo ka dhalan karta haddii dagaalada ku habsaday inta badan Afghanistan ay soo gaaraan waddooyinka caasimadda.

Kooxda Taaliban ayaa badi gacanta ku dhigay Afgaanistaan ka dib markii xukuumadda Washington kala baxday Ciidankeedii,wararka ayaa sheegaya in caasimadda dalkaas ee  Kabul khatar ugu jirto inay gacanta u gasho kooxda Taliban.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo dhameystiray Liiska tartameyaasha Xubnaha aqalka sare

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo Dhamaystiray Liiska Tartameyaasha Xubnaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso Liiska Magacyada Tartameyaasha.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdigiisii ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho 3 maalmood ah oo uu ku tagay Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dalka Kenya kula kulmay Madaxweynaha Kenya, mas’uuliyiin kale, Jaaliyadda Soomaalida ee Kenya iyo wakiillada Beesha Caalamka oo uu uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo hanaanka ay u socoto doorashooyinka.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.