Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdigiisii ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho 3 maalmood ah oo uu ku tagay Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dalka Kenya kula kulmay Madaxweynaha Kenya, mas’uuliyiin kale, Jaaliyadda Soomaalida ee Kenya iyo wakiillada Beesha Caalamka oo uu uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo hanaanka ay u socoto doorashooyinka.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.