Soomaaliya oo qeyb ka noqoneysa Sharciyadda Caalammiga ah ee la Dagaallanka Musuq-maasuqa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galaya munaasabadda daah-furka Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo Ku biiritaanka Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay yeelanaysa Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa tan iyo burburkii dowladdii dhexe Keddib.