Webiga Shabeelle oo fatahaad sameeyey iyo khasaare ka dhashay

Webiga shabeelle ayaa fatahaad ku sameeyey tuulda Boodaale oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada magaalada Jowhar ee caasimada dowlad gobaleedka Hirshabeelle, waxaana jirta qasaaro nafeed iyo mid hantiyeed  oo ka dhashay biyaha fatahaada webiga.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in laba caruur ay biyuhu qaadeen oo mid ka mid ah meydkiisa baadi goob wali  ugu jiraan dadka deegaanka.

Wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka Hir-shabeelle maxamed Cumar ayaa sheegay in xaalada webiga xiligan ay tahay mid cabsi weyn ay ka qabaan maadama biyihii ugu badnaa uu wado webigu suuro-galna ay tahay in deegaano hor leh looga barakaco oo jowhar ka mid tahay sidoo kale wasiirka ay ku baaqay in laga qeyb qaato u gurmashada dadka ku barakacay fatahaada webiga shabeelle uu ka sameey tuulada Boodaala.