Qaramada midoobay oo ka digtay xaaladda Afgaanistan

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa soo saaray digniin culus oo ku wajahan xaaladda dalka Afgaanistaan isagoo xusay inay gacanta kasii baxayso Afgaanistaan.

Guterres ayaa ugu baaqay Taliban inay si deg deg ah u joojiso weerarka isla markaana ay “gorgortan daacad ah” uga gorgortamto si loo baajiyo dagaal sokeeye oo daba dheeraada, Guterres wuxuu kaloo sheegay in kooxdu ay xannibaadyo culus ku soo rogayso xuquuqda aadanaha, xoghayaha ayaa sheegay in Taliban si gaar ah u beegsanayso Haweenka iyo saxafiyiinta.

Qaramada Midoobay ayaa hore uga digtay masiibo bini’aadanimo oo ka dhalan karta haddii dagaalada ku habsaday inta badan Afghanistan ay soo gaaraan waddooyinka caasimadda.

Kooxda Taaliban ayaa badi gacanta ku dhigay Afgaanistaan ka dib markii xukuumadda Washington kala baxday Ciidankeedii,wararka ayaa sheegaya in caasimadda dalkaas ee  Kabul khatar ugu jirto inay gacanta u gasho kooxda Taliban.