Ciidamada Booliska Gobolka Bari oo howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha magaalada Bosaaso

Howlgalkan oo ka qabsomay magalada bosaso ayaa ujeedkiisu ahaa adkeynta amniga magaalada iyo ka hortagista falalka dhibaatada ku ah Bulshada,inta uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga,Huteelada iyo guryaha.

Taliyaha Qeybta Boolisla Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dad la tuhmay, kuwaas oo hadda lagu haayo saldhiga booliska magaalada baaritaanona ay baari doonaan.Sie inta uu howlgalka caawa socday ayaa Taliyaha iyo Ciidmada waxay bulshada ka wareesanayeen amniga iyo in ay jiraan kuwo dhibaato u geeysta shacabka balse bulshada ayaa Taliyaha ku amaanay xaqiijinta amniga oo habeen iyo maalin ay u taagan yihiin ciidamada Booliska oo gaaf wareega xaafadaha suuqyada iyo jidadka magalada Bosaaso.

kalloo   d