Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo baaq u diray Maamul Goboleedyada aan weli dhameystirin doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul Goboleedyada kale ee aan wali soo dhameystirin doorashada xubnaha Aqalka Sare in ay xil weyn iska saaraan kasoo dhalaalidda ballamihii iyo heshiisyadii ay saxiixeen si shacabka Soomaaliyeed u helaan dawlad sharci ku dhisan islamarkaana matasha doonitaanka shacabkeeda.

“Guddiga waxa uu cod dheer ugu baaqayaa Maamul Goboleedyada dhammaan in ay xil adag iska saaraan fulinta heshiisyadii horey loo gaaray oo runtii ah is-afgarad sahlaya in aan si nabdoon ku gaarno nidaam sharci ku dhisan”. Ayuu yiri Mudane Maxamed Xasan Cirro.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay natiijada doorashada Aqalka sare ee 15-kii Agoosto ka dhacday caasimadda kumeel gaar ka ah ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, kaasi oo lagu soo doortay saddexda xubnood ee Aqalka Sare uga harsanaa Koonfur Galbeed.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa u mahadceliyya Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed oo si buuxda u soo dhameystirtay doorashada xubnaha siddeeda ah ee Baarlamaanka Aqalka Sare.

Warbixinta Guddiga ayaa lagu xusay in Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay noqotay Maamul Goboleedkii labaad oo soo dhammeystira doorashada xubnaha Aqalka Sare ee 2020/2021; taasoo runtii mudan ammaan ku aadan sidii ay xil isaga saareen habsami u socodka iyo dadejinta doorashada si’ugu yaraan loogu dhawaado waqtigii loo asteeyey doorashada dalka.

OGEYSIIS IYO WARGELIN MUHIIM AH

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Waxay ku wargelinaysaa dhammaan Saxaafadda Madaxa bannaan inay iska diiwaan geliyaan leysamada sannadlaha ahna ka qaataan Wasaaradda, sida Idaacadaha, Telefishannada, Cable-lada,Wargeysyada, Website-yada iyo Studio-yaasha waxsoo-saarka (Media Production Companies

Sidoo kale, Madbacadaha gaarka ah waa inay iska soo diiwaan geliyaan Wasaaradda.        Diiwaan gelinta waxay billaabaneysaa taariikhda markay tahay 15/08/2021, waxayna ku eg tahay taariikhdu markay tahay 25/08/2021

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo maanta booqday goobaha loogu tala galay in lagu qabto doorashooyinka

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf ayaa maanta booqday goobaha loogu tala galay doorashooyinka inay ka dhacaan xilli ay ka socdaan dib u hebeyn dhismo iyo qalabeyn maadaama la qorsheynaayo inay qabsoonto  doorashada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa goobaha uu booqday waxaa ka mid ah hoolalka loogu talo galay in lagu qabto doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka hoose, xarunta guddiga doorashada ay degayaan, guryaha loogu talo galay Ergada iyo hoolalka Shirarka.

Madaxweyna ku xigeenka Hirshabelle oo maalin ka Hor soo gaaray Magaalada Baledweyne ayaa kulamo ka wada magaalada Beledweyne.

Kulamadani uu la yeelanayo Saraakiisha Ammaanka iyo qeybaha kale duwan ee bulshada gobolka, waxaa kulamadaani looga hadlayay xoojinta Iyo xaqiijinta ammaanka doorashooyinka magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Puntland oo maanta xarigga ka jaray Waddada NECSOM

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray Waddada NECSOM oo isku xirta Jidka 30-ka iyo Laamiga weyn ee  Garoowe ku xira Magaalooyinka kale ee Puntland.

Waddadaan cusub ee laamiga ah ayaa kharashka ku baxay waxaa dhammaantiis bixisay dowlad goboleedka Puntland, waxayna ka mid aheyd 4 Waddo oo Madaxweyne Deni dhaggax dhigay 7-June 2021.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo wefdi uu hoggaaminaayo oo goordhow gaaray dalka Masar

Ra’iisul Wasaarha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaas.

Duqa Caasimadda oo kormeeray goob ay mashaariic kala duwan ka waddo dowlada hoose ee Xamar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)  ayaa maanta kormeeray  gooba ay dowlada hoose Xamar ka fulineysay mashaariic kala duwan oo ku aadan horumarinta Caasimadda.

Kormeerkan waxaa Duqa Magaalada Muqdisho ku wehlinaaye guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Faarax Cabdi Diini,  waxaana howlahan booqasho ay qeyb ka yihiin mid uu maamulka gobolka ku xoojinaayo adeegyada lagu horumarinaayo Caasimadda.

Cabdiraxmaan Cali Axmed oo araga naafo ka ah xaafidul quraana ah oo dalbaday in laga caawiyo xaalad caafimaad daro lasoo deristay

Cabdiraxmaan Cali Axmed waa 12 sano jir agoon ah araga waayay yaraantiisa isagoo halsano jira hadana quraanka kariimka kor ka xifdiya Cabdiraxmaan waxa uu hooyadiis kula nool yahay kaamka barakacayaasha ee leheli ee magaalada Xuddur.

Cabdiraxmaan intaa waxa u dheer xaalad caafimaad daro oo muddo 2 bilood ah la xanuunsan yahay, marka saxro u fariista waxa banaanka u soobaxda malawadkiisa oo afka qalaad lagu yiraahdo -rectum- deegaankaan loogu yeero “Darab”.

Cabdiraxamaan Cali Axmed iyo Hooyadiis Nuuriyo Xuseen Macalin ayaa samafalayaasha ka codsaday in laga caawiyo sidii caafimaad iyo nololba u helilahaayeen maadaama ay yihiin qoys danyar ah hadana deegaankooda ka soo barakacay.

Cabdiraxmaan waxa lageeyey isbitaalka gobolka Bakool haseyeshee dhaqaatiirta uu la kulmay waxay u soo jeediyeen in isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho ama meelo ka sareysa si dhaqso ah loogu qaado inta xanuunka bilow yahay.

 

Hakainde Hichilema oo ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee dalka Zambia

Hakainde Hichilema oo ahaa hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn dalka Zambia ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Khamiistii hore ka qabsoontay dalkaas, waxaa uu heley 2,810,757 cod.

Iyadoo madaxweynaha xilka ka degaya  Edgar Lungu uu helay 1,814.201 cod, taas oo micinaheedu yahay in tiro hal milyan ka badan lagaga adkaaday tartanka.

Hakainde Hichilema oo hoggaamiya xisbiga UPNDZM ayaa noqonaya madaxweynaha 7-aad ee dalka dhaca Afrikada Koofureed ee Zambnia.

Ra’iisal wasaare Rooble oo maanta kusii jeeda dalka Masar

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar ugu baxaya Dalka Masar.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Alsiisi.

Ra’iisul Wasaaraha oo safarkiisa ayku weheliyaan xubno katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Masar inta uu joogo Qaahira.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19ka bishan Ogoosto, kaas oo diiradda lagu saari doono u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay Dowlad Goboleeyada in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare si looga baaqsado dib u dhac loona gaaro jadawalka doorashooyinka.