Hakainde Hichilema oo ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee dalka Zambia

Hakainde Hichilema oo ahaa hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn dalka Zambia ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Khamiistii hore ka qabsoontay dalkaas, waxaa uu heley 2,810,757 cod.

Iyadoo madaxweynaha xilka ka degaya  Edgar Lungu uu helay 1,814.201 cod, taas oo micinaheedu yahay in tiro hal milyan ka badan lagaga adkaaday tartanka.

Hakainde Hichilema oo hoggaamiya xisbiga UPNDZM ayaa noqonaya madaxweynaha 7-aad ee dalka dhaca Afrikada Koofureed ee Zambnia.