RW Rooble oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar

Ra’iisal wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey safiirka iyo howl wadeennada safaaradda. Ra’iisul wasaaraha ayaa safiirka iyo hawl wadeennada safaaradda ku dhiirigeliyay sii xoojinta howsha ay Qaranka u hayaan.
Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Kormeeray qeybaha ay ka koobantahay safaaradda, kalaasi oo uu kula kulmay howl wadeennadda iyo masuuliyiinta ka howl gala xarunta, waxaana uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka.
Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha ayaa xarigga ka jaray qeybo ka mid ah dhismaha safaaradda oo dib u dhis lagu sameeyay.

Wasiirka Gargaarka oo kormeertay xeryaha barakacayaasha Buula-burte

Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Federaalka Soomaliya marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo wafdig ay hogamineysay qeybna ay ka ahayen Madaxda Hay’adaha UN-OCHA, WFP, WHO iyo UNICEF, ayaa soo garay dagmada Buulo-burte

Ujeedka socdalka wafdiga ay hogamineyso Wasiirka ayaa ahaa ukuur.geladida xaaladda beni’aadannimo ee kajirto degmada Buulo-burte, maadama degmada ay go’doontahay sideed sano.

Wasir khadija iyo wafdiga ayaa waxa ay soo kormeren goobaha ay daganyihin barakacaysha ee ku yaala duleedka degmada, sidoo kale waxa ay kormeren xarumaha ay ku shaqeyso hay’adda Mercy USA

Kormerka kadib wafdiga ayaa la kulmay maamulka Degmada Buulo-burte odayaasha dhaqanka hay’adaha ka howlgala degmada, ayadoo ka wareysatay xaaladda Degmada iyo qaabka ay u shaqeeyaan.

Warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Wasaaradda caafimaadka ee XFS ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 136 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 5 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 41 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (60) Puntland (48), Somaliland (12) Galmudug (8) Jubbaland (6) iyo Koonfur Galbeed (2) qof, 80 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 56-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 16,535, waxaa bogsootay 8,010 ruux. guud ahaan 897 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadashada talaalka cudurka.

Tahriibayaal Afrikaan ah oo ku dhintay Badweynta Atlantic

Ugu yaraan 47 Muhaajiriin Afrikaan ah ayaa geeriyootay kadib markii Dooni ay la socdeen ku cilladowday Badweynta Atlantic, gaar ahaan meel ku dhow Xeebaha dalka Mauritania.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM ayaa sheegay inay Muhaajiriinta saarnaayeen Dooni Badda sabaynaysay muddo 2 isbuuc ah.

Wargeyska El Paso ayaa qoray in 7 Muhaajiriin oo ka badbaaday Doonida laga helay Xeebaha dalka Mauritania, kuwaasi oo kala ah 6 Haween iyo hal Nin iyadoo 4 ka mid ahna ay xaalladooda aad u liidato.

Dadkan Muhaajiriinta ah ee la socotay Doontan ayaa sida la xaqiijiyay ka soo kala jeeda dalalka Mali, Senegal, Mauritania, Ivory Coast iyo Gini.

Waxaa la rumeysan yahay inay Muhaajiriintaasi oo tiradoodu ahayd 54 qof ay la socdeen Dooni bishan August 2-dii ka shiraacatay Xeebaha dalka Morocco, iyagoo ku sii jeeday Jesiiradaha Canary ee dalka Spain.

Wasiirka Gargaarka X.F.S iyo Wafdi ay hoggamineyso oo u anbabaxay magaalada Buulo-Burde

Waxaa goordhaw Magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi ay hoggamineyso Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye, kuwaas oo ku wajahan magaalada Buulo-Burde ee Gobalka Hiiraan.

Wafdiga ayaa waxaa Wasiirka ku wehelliyo Madaxda Hay’adaha UN-OCHA, WFP iyo UNICEF, waxaana garoonka diyaaradaha Magalada Muqdisho ka sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federalka Soomaaliya.

Ujeedka safarka Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ee degmada Buulo-Burde ayaa ah u kuurgalidda xaaladdaha Bini’aadanimo ee halkaasi ka jira.

Sidoo kale Wasiir Khadiijo ayaa sidokale  kulamo kala duwan la qaadan doonto  Maamulka degmada Buul-Burde iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si wax looga qabto xaaladdaha bani’aadanimo ee kajirta degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo koormeer ku tagay xarumo dhowr ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xarunta dhalashada iyo sugnaanta iyo xarunta taliska ciidanka ilaalada deegaanka ee dowlada hoose Xamar.

Kormeerkan oo ahaa mid kadis ah ayaa duqa magaalada Muqdisho waxa uu u kuurgalaye howlaha kala duwan ee xarumahaasi ka socda iyo sida loogu qidmeynaayo bulshada, isagoo warbixino kala duwan ka dhageestay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha xarumahaas.

 

Wasiirka Haweenka XFS oo kulan la qaadatay danjiraha dowladda Sweden ee Soomaaliya

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa maanta xafiiska ku qaabishay danjiraha dowladda Sweden ee Soomaaliya, Staffan Tillander, ayagoo ka wada hadlay habsami u socodka doorashooyinka gaar ahaan xaqiijinta qoonddada dumar ee 30%.

Danjire Staffan Tillander, oo wakhtigiisa dhammaaday ayaa wasiir Xaniifa ugu mahadcelisay wada shaqeyntiisa muddadii uu ahaa danjiraha Sweden ee Soomaaliya, waxayna u rajaysay mustaqbal wanaagsan ka dib marka uu ku laabto dalkiisa.

Dowladda Sweden ayaa kamid ah dalalka taageera dhismaha dowladnimada Soomaaliya, si gaar ah wasaaradda haweenka iyo safaaradda Sweden waxaa ka dhexeysa wada shaqeyn fiican oo la xiriirta arrimaha haweenka iyo xuquuqda aadanaha.

Madaxweyne Dowlad Goboleedka KG oo xaflad u sameeyey xildhibaanada Aqalka sare iyo kuwa maamulkaas

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudae Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xaflad Madaxtooyadda Maamulka ugu sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed iyo Xubnaha loo doortay Aqalka Sare.

Xaflada ayaa isugu jirtay Mahadcelinta Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo soo dhaweynta Xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee ay doorteen xildhibaanada Koofur Galbeed.

Xaflada oo si qurux badan u dhacday ayuu Madaxweyne Laftagareen ugu hambalyeeyey xildhibaanada cusub ee aqalka sare loo doortay asagoo sidoo kale uga mahadceliyey xildhibaanad Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Shaqadii adkeyd ee ay qabteen.

Safiirka dowladda Soomaaliya ee Sacuudiga oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Danjiraha Cusub  ee dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan u magacaawaday Sacuudiga ayaa warqadaha aqonsiga danjirenimo u gudbiyay Wasaaradda Arimaha Dibadda dalkaas

Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal.

Munaasabadda gudbinta ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga ee Magaalada Riyaadh, waxaana goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Intaa kadib Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Danjire Saalim Macow Xaaji iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal aya yeeshay kulan gaar ah waxaa ayna  uga wada hadleen sii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab

Danjire Saalim Macow ayaa uga mahad celiyay dowladda Sacuudiga sida ay u soo dhaweeysay, waxaana uu sheegay in uu wax weyn ku kordhin doono horunarinta iyo cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ay wadaagaan labada dowladood.

Maamul Goboleedyada aan weli soo dhameystirin doorashada Aqalka Sare oo baaq loo diray

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul Goboleedyada kale ee aan wali soo dhameystirin doorashada xubnaha Aqalka Sare in ay xil weyn iska saaraan kasoo dhalaalidda ballamihii iyo heshiisyadii ay saxiixeen si shacabka Soomaaliyeed u helaan dawlad sharci ku dhisan islamarkaana matasha doonitaanka shacabkeeda.

“Guddiga waxa uu cod dheer ugu baaqayaa Maamul Goboleedyada dhammaan in ay xil adag iska saaraan fulinta heshiisyadii horey loo gaaray oo runtii ah is-afgarad sahlaya in aan si nabdoon ku gaarno nidaam sharci ku dhisan”. Ayuu yiri Mudane Maxamed Xasan Cirro.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay natiijada doorashada Aqalka sare ee 15-kii Agoosto ka dhacday caasimadda kumeel gaar ka ah ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, kaasi oo lagu soo doortay saddexda xubnood ee Aqalka Sare uga harsanaa Koonfur Galbeed.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa u mahadceliyya Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed oo si buuxda u soo dhameystirtay doorashada xubnaha siddeeda ah ee Baarlamaanka Aqalka Sare.

Warbixinta Guddiga ayaa lagu xusay in Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay noqotay Maamul Goboleedkii labaad oo soo dhammeystira doorashada xubnaha Aqalka Sare ee 2020/2021; taasoo runtii mudan ammaan ku aadan sidii ay xil isaga saareen habsami u socodka iyo dadejinta doorashada si’ugu yaraan loogu dhawaado waqtigii loo asteeyey doorashada dalka.