Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya shirka golaha wadatashiga Qaran oo looga hadlayo diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta oo sabti ah si rasmi uga furmaya magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Dawladda Soomaaliya oo Beenisay in dalka laga joojiyey Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanu jirin habayaraatee amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada DFS, kaas oo dalka lagaga joojiyay Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay uga digaysaa dadka iyo Warbaahinta wararkaas been abuurka ah faafinaya inay joojiyaan wararkaas beenta ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku majara habaabinayaan.

Shaqsi Soomaali ah oo ka mid noqday Baarlamaanka gobolka Nova Scotia ee Canada

Cali Ducaale oo qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee  Soomaali ah oo ka mid noqda xildhibaannada Baarlamanka gobolka Nova Scotia ee dalka Canada.

Cali Ducaale oo xirfaddiisu ay tahay dab-damis, sidoo kalena muddo caawinayay dhallinyarada iyo bulshada xaafadda laga doortay ee Halifax Armdale ayaa helay 40.2% codadkii la dhiibtay,isagoo ka tirsan xisbiga Liberal-ka.

Julie Melanson oo ka tirsan xisbiga NDP ayaa heshay 34.2%, halka Richard MacLean oo ka tirsan xisbiga Progressive Conservative ee ku guuleystay talada gobolka uu helay 22.1%.

Cali Ducaale ayaa afareynaya, saddex qof oo kale oo madow ah oo doorashada ku guuleystay, waana tiradii ugu badneyd ee qowmiyadda madowga ka tirsan oo hal mar kawada mid noqda baarlamanka gobolka Nova Scotia.

 

UNICEF:Isbaddalka cimilada oo saameyn ku yeeshay carruurta Soomaaliya

Dhallinyarada ku nool Soomaaliya ayaa ka mid ah kuwa ugu halista badan saamaynta isbeddelka cimilada oo halis ku ah caafimaadka, waxbarashada, iyo deegaanka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hey’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay.

Warbixintu waxay ogaatay in 2.2 bilyan oo carruur ah ,ku dhawaad ​​1 bilyan oo adduunka ah ay ku nool yihiin 33 wadan oo lagu tilmaamay inay yihiin “kuwa aadka u halista badan,Soomaaliya ayaana ka mid ah dalalkaas, iyagoo ku jira darajada 4 -aad.

Warbixinta ayaa sheegeysa in carruurta Soomaaliyeed ay saameeyeen wasaqowga biyaha iyo fatahaadda webiyada, sidaa daraadeed,maalgashiga adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka carruurta iyo nafaqada iyo sidoo kale biyaha, nadiifka ah iyo fayadhowrka ayaa wax weyn ka beddeli kara awoodda aan u leenahay inaan ilaalino mustaqbalka caruurts.

“Dhibaatada cimiladu waa dhibaatada xuquuqda ilmaha,” ayuu yiri Wakiilka UNICEF Somalia Maxamed Ayoya. Wuxuuna intaa ku daray in ay lagama maarmaan tahay badbaadinta carruurta Soomaaliyeed iyo mustaqbalkooda .

Waxaan u baahanahay inaan si wadajir ah wax uga qabanno oo aan maalgelinno adeegyada muhiimka ah, sida,daryeelka caafimaadka iyo adeegyada waxbarashada carruurta. waayo “waxay caruurtu xaq u leeyihiin inay noolaadaan oo laga dareemo horumarka dadka “ayuu yiri wakiilku..

“Isbeddellada deegaanka ee cabsida leh ee aan ku aragno daafaha dunida waxaa dabada ka riixaya dad yar”Waana inaan si deg -deg ah u yareynaa qiiqa gaaska,si loo helo duni wanaagsan oo ay ku barbaaraan caruurta.

Kulan looga hadlay dastuurka Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Kulankaan oo loo qabtay qeynaha bulshada ,waxaa looga hadlay hubinta iyo taageerada ansixinta Dastuurka cusub ee joogtada ah ee Soomaaliya kaas oo muddo 3-cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho.

Kulankaasi waxaa laga soo saaray , baaq ku aadan in la hubiyo,lana tixgeliyo aragtida dhallinyarada, haweenka, odayaasha iyo dadka naafada ah, marka la dhammaystiro dukumintiga .

“Waxaan ku rajo weynahay in marka ay dhammaadaan doorashooyinka qaranku, uu jiri doono hal madal qaran oo dib u eegis lagu sameeyo dhammaan falcelintii la helay.

Waa in madaxdu isku timaado oo ay isku raacaan si geedi -socodka dib -u -eegista dastuurka loo dhammaystiro, ”ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee federaalka.

R/wasaare Ku-xigeenka Dalka oo ka qeyb galay xuska xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu xusayey toban sano guurada ka soo wareegtay dib usoo noolayntii xiriirka diblomaasiyadeed iyo saaxibtinimo ee Soomaaliya Iyo Turkiga.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay taariikhda iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Kulanka waxa kaloo ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka mid ah labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

 

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY WAFDIGA TURKIGA IYO DIBLOMAASIYIINTOODA U JOOGA SOOMAALIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay diblomaasiyiinta iyo wafdiga Dowladda Turkiga ee ka qeyb galay munaasabadda xuska 10 sano guurada ka soo wareegtay dib u cusbooneysiinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn ee ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed iyo walaalahooda Turkiga uu yahay mid ku dhisan wax wada-qabsi iyo is ixtiraam, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedna waxa ay abaal uga hayaan Dowladda Turkiga garab istaagga taariikhiga ah.

” Xiriirka Soomaaliya iyo Turkigu waa mid soo jireen ah oo ku siman ilaa xilligii Boqortooyada Cusmaaniyiinta. Maanta xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee dhidibbada adagi waxa uu u abuuray labadeenna dowladood fursado badan oo ah dhinacyada Ganacsiga, Amniga iyo is-dhexgalka labadeenna shacab.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga, dib u dhiska ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo is dhexgalka labada shacab ee Turkiga iyo Soomaaliya.

“Inkasta oo labadeenna dowladood, Somaliya iyo Turkiga, ay ka go’an tahay in ay si hagar la’aan ah u horumariyaan iskaashiga miro-dhalka ah, haddana xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labadeenna shacab ayaa ifaafalo wanaagsan u ah in uu sii jiri doono iskaashigeenna iyo walaal-tinimadeenna oo ay aas-aas u tahay cilaaqaad ku saleysan is-ixtiraam iyo wax-wada-qabsi.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xanuunka la qeyb sanayaan walaalahooda Turkiga oo dhawaan muwaadiniin ay kaga naf waayeen dabkii iyo fatahaadii ka dhacay qeybo ka mid ah Jamhuuriyadda Turkiga, sidoo kalana sababay khasaare hantiyeed.

DHAMMAAD

Munaasabad ku saabsan 10 sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka socota Muqdisho

Waxaa haatan magaalada Muqdisho ka soconaya munaasabad ballaaran oo lagu xusayo toban sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Munaasabaddan oo ay qaban qaabadeeda haatan ka socoto xarunta Ciidanka cirka Soomaaliya ee Afisyoone ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan qaar ka mid ah Madaxda dalka ugu saraysa iyo masuuliyiin ka socda safaaradda Turkiga iyo xubno kale.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lahaa xiriir Taariikhi ah oo aad u qoto dheer, iyadoo wixii ka dambeeyay Qarnigii 16aad oo ay meela badan oo Dunida ah ka talinaysay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire).

Cilaaqaadka labada dal ayaa wiiqmayay markii ay meesha ka baxday Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo ay curatay Jamhuuriyadda Turkiga Sanadkii 1923 kii, wuxuuna Turkigu xiriir qunyar socod ah la samaysay Soomaaliya Sanaddii 1979-kii, isagoo Muqdisho ka furtay Safaarad.

Xiriirka labada dal oo ahaa mid hoose ayaa meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-kii markii ay bur-burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiriirkoodii Taariikhiga ahaa dib usoo celiyay July 2011-kii, markii uu Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo markaa ahaa Ra’iisul wasaare.

Xilligaas oo ay gacmaha ka laabatay Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan dalka ka taagnaa abaaro ba’an iyo macaluul galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, wuxuuna mudane Erdogan soo gaarsiiyay dalka sahay gargaar oo kala duwan.

Abaarta xilligaas dalka ka taagnayd ayaa loo aqoonsaday tii ugu darnayd ee Soomaaliya ku dhufatay muddo 25 sano ah, iyadoo lagu qiyaasay in intii u dhaxaysay May yo August sannadkii 2011 waxay gaartay 30,0000 iyo xoolo tiro beel ah , sida ay xaqiijisay hay’adda beeraha QM ee FAO.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay wuxuu Soomaaliya u noqday walaalka dhabta ah ee garabka u ah Shacabka iyo Dowladdooda, isagoo ku dhiirraday inuu indhahiisa ku arko lana qiiroodo xaaladda ay dadka ku sugnaayeen.

Dowladda Turkiga waxay dalka ka hirgeliyay xarumo quudin, goobo caafimaad iyo xarumo waxbarasho, waxayna dib usoo nooleysay kaabayaashii dhaqaalaha iyo xarumihii dowliga ahaa, taas oo si weyn usoo kabtay nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu mudane Erdogan ku garab istaagay dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, isagoo dalka ka hirgeliyay saldhig lagu taabaro Ciidamada.

Wuxuu taageero dhaqaale iyo mid farsamaba ku bixiyay tayeynta iyo qalabaynta Ciidamadeenna, iyagoo gudaha dalkiisa ka sameeyay dugsiyo lagu tababaro ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

Wuxuu Turkigu ku caawiyay Ciidamada Soomaaliya qalab casri ah iyo gaadiid fara badan oo ah isugu jira midka gaashaaman iyo noocyada xamuulka.

Madaxwyne Recep Tayyip Erdogan iyo mas’uuliyiinta dalkiisa ayaa wacad ku maray inay si hagar la’aan ah u garab istaagayaan Soomaaliya heer walba iyo waqti kasta isla markaana ay yihiin walaalka koowaad ee ay caalamka ku leeyihiin.

Haddaba munaasabad ku aadan xiriirka baaxadda leh ee Soomaaliya iyo Turkiga ee manta ka socota Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay qudbado Taariikhi ah ka jeediyaan mas’uuliyiinta labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Ashraf Gani oo Imaaraadka lagusoo dhaweeyey sababo bini’aadannimo awgeed

Afghanistan's President Ashraf Ghani addresses the nation in a message in Kabul, Afghanistan August 14, 2021. Afghan Presidential Palace/Handout via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES

Madaxweynihii dalka Afghanistaan ​​Ashraf Ghani iyo qoyskiisa ayaa lagu soo dhoweeyey magaalada Abu Dhabi ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda ee khaliijka Arbacadii, waxayna intaas ku dartay inay ku soo dhaweyneyso hoggaamiyaha Afghanistan arrimo bini’aadannimo.

bayaan kooban oo ay soo saartay wasaaraddu ayaa u dhignaa sidan “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta waxay xaqiijin kartaa in Imaaraadka Carabta ay ku soo dhoweysay dalka Madaxweyne Ashraf Ghani arrimo bini’aadanimo,”

Ashraf Ghani ayaa isaga baxay Afgaanistaan ka dib markii caasimadda dalka ee Kabul ay qabsatay kooxda Taaliban oo mudo dheer kula jirtay dagaal adag Dowaladdiisa.