Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya shirka golaha wadatashiga Qaran oo looga hadlayo diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.