Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta oo sabti ah si rasmi uga furmaya magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.