Madaxweyne Ashraf Gani oo Imaaraadka lagusoo dhaweeyey sababo bini’aadannimo awgeed

Afghanistan's President Ashraf Ghani addresses the nation in a message in Kabul, Afghanistan August 14, 2021. Afghan Presidential Palace/Handout via REUTERS THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES

Madaxweynihii dalka Afghanistaan ​​Ashraf Ghani iyo qoyskiisa ayaa lagu soo dhoweeyey magaalada Abu Dhabi ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda ee khaliijka Arbacadii, waxayna intaas ku dartay inay ku soo dhaweyneyso hoggaamiyaha Afghanistan arrimo bini’aadannimo.

bayaan kooban oo ay soo saartay wasaaraddu ayaa u dhignaa sidan “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta waxay xaqiijin kartaa in Imaaraadka Carabta ay ku soo dhoweysay dalka Madaxweyne Ashraf Ghani arrimo bini’aadanimo,”

Ashraf Ghani ayaa isaga baxay Afgaanistaan ka dib markii caasimadda dalka ee Kabul ay qabsatay kooxda Taaliban oo mudo dheer kula jirtay dagaal adag Dowaladdiisa.