OGEYSIIS IYO WARGELIN MUHIIM AH

 

 

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Waxay ku wargelinaysaa dhammaan Saxaafadda Madaxa bannaan inay iska diiwaan geliyaan leysamada sannadlaha ahna ka qaataan Wasaaradda, sida Idaacadaha, Telefishannada, Cable-lada,Wargeysyada, Website-yada iyo Studio-yaasha waxsoo-saarka (Media Production Companies

Sidoo kale, Madbacadaha gaarka ah waa inay iska soo diiwaan geliyaan Wasaaradda.        Diiwaan gelinta waxay billaabaneysaa taariikhda markay tahay 22/08/2021, waxayna ku eg tahay taariikhdu markay tahay 02/09/2021

Hoggaamiyeyaasha Turkiga iyo Jarmalka oo ka wada hadlay xaalada Afgaanistaan.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo ku wada xiriiray khadka Telefoon-ka ayaa ka wada hadlay xaaladda Afgaanistaan, madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in talaabooyin dheeri ah la qaado si wax looga qabto qulqulka qaxoontiga Afgaanistaan maadaama Turkiga hore u qaabilay shan milyan oo magalgelyo doon ah ayna ku adag tahay inuu wajaho xaaladda magangelyo doonka Cusub.

Bayaan kooban oo kasoo baxay Agaasimka isgaarsiinta Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu yiri “ Yurub waxa ay leedahay waajibaadyo muhiim ah si looga hortago socdaalka aan joogtada ahayn inuu isu beddelo dhibaato.”

Erdogan iyo Merkel ayaa   ku heshiiyeen inay si dhow u wada shaqeeyaan si ay u taageeraan shaqada hay’adaha caalamiga ah ee Afgaanistaan ​​iyo dalalka deriska la ah.

Dad badan oo ku dhaawacmay weerar Israa;iil ay ka fuliyeen Qaza.

Israa’iil ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday Gaza kadib isku dhacyo dhex maray ciidamada dalkasasi iyo dad reer falastiin ah oo dhigayey bannaanbax lagu xusayay gubitaankii Masjidka Al-Aqsa ee 52-sano ka hor.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in askarta Israa;iil ay dhaawacyo u geysteen tobaneeyo qof  oo uu ku jiro wiil 13-sano jir ah oo madaxa laga toogtay,halka laba kale la tilmaamay in ay aad u liidato xaalaooda caafimaad.

Bayaan ay soo saareen milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ay duqeeyeen afar goobood oo hubka lagu kaydiyo ,isla markaana ay leeyihiin kooxda Xamaas oo maamusha dhulka Falastiin ee go’doonsan.

Weerarka ciidamada Israa’iil ayaa yimid saacado kadib markii askarta Israa’iil ay rasaas ku fureen dad badan oo dhalinyaro Falastiiniyiin ah oo ku mudaaharaadayey xayndaabka kala qeybiya Gaza iyo Israel.

Talaalka COVID19 oo lagu amaray in ay qaatan shaqaalaha Dowladda.

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada XFS oo daahfuray talaalka ayaa ku dhawaaqay in shaqaalaha dowlada Soomaaliya ay Waajib ku tahay inay qaataan talaalka Cudurka Covid 19 maadaama looga baahan yahay inay si joogta ah u shaqeeyaan.

Kullankan oo lagu daah-furayay Talaalka Covid19 ayaa waxaa soo agaasintay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo ay si wadajir ah uga soo wada qeyb galeen Wasiiradaha Wasaaradaha Caafimaadka, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka.

Hirgalinta qaadashada Talaalka ayaa waxaa iska kaashan doona Wasaaradda Caafimaadka,  Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada iyo guddiga Shaqaalaha Rayidka.

U jeedka qaadashada talaalka ee Shaqaalaha Dowlada ayaa looga gol-leeyahay in la yareeyo qatarta cudurka Covid 19 iyo sidoo kale in shaqaaluhu si toos u bilaabaan shaqada Dowlada iyada oo laga cabsi qabin cudurka Covid 19.

Ra’iisul wasaare Rooble oo guddi soo baara u saaray dadkii Amisom ay ku laysay Golweyn.

– Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Soomaaliya ee Ugandha ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameyn doonaan xasuuqii Amisom ay u geysatay dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa deegaanka Golweyn.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay waxa ku dhacay dadka ree Golweyn, isla markaana uu u tacsiyeynayo eheladii dadkaas ay ka baxeen, caddaaladdana lala tiigsan doono Askartii falkaas geysatay.

Wasiirada Wasaaradaha Gaashaandhiga, Arimaha Gudaha, Amniga iyo Wasaaradda Caddaaladda ayaa loo xil saaray in ay baaritaan ku sameeyaan Kiiskaas si caddaalad loogu helo dhibanayaasha.

Ra’iisul wasaare Rooble oo guddoomiyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka oo maanta ka furmay caasimadda Muqdisho.

Shirka ayaa looga arrinsanayaa dhammeystirka dhaqan-gelinta heshiisyadii laga gaaray hannaanka doorashooyinka, diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka iyo xaqiijinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka.

Furitaanka Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay madaxda Dowlad Goboleeyada aan dhammeystirin Hannaanka Doorashooyinka Aqalka Sare in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare, si looga baaqsado dib u dhac kale, loona fuliyo jadawalka doorashooyinka.

Shirka Istiraatiijiyadda Xalka Waara oo ka furmay Jowhar

Shir wadatashi ah  oo ku saabsan diyaarinta qorshe hawleedka  Istiraatiijiyadda Xalka Waara 2021- 2022 ee dawlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Jowhar.

Shirka waxaa ka  qeyb galay Wasiirrada wasaaradaha Qorsheynta iyo  gargaarka ee dowladd gobaleedka Hirshabeele, qaar ka mid ah madaxda Wasaaradaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Agaasimaha Xafiiska Xalka waara  ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Khubaro kale.

Shirkan Wadatashiga ah ayaa socan doona muddo saddex maalmood  ah iyada oo la la tashanayo wasaaradaha, Ganacsatada, Ururrada bulshada rayidka ah, dadka fatahaadaha ku barakacay iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha barakacayaasha ee ka howl gala dowlad goboleedka  Hirshabeele.

Maamulka Degmada iyo kan Gobalka Shabeelada dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa yiri “Waxaan soo dhaweynaynaa  Qorshe Howleedka Istaraajiyadda Xalka Waara taas oo muhiimad gaar ah ka maamul ahaan  noo leh, waayo waxaa dhib xooggan nagu haysa maareynta Arrimaha fatahaadda, abaaraha iyo barakaca tirada badan ee ka jira gobalka marka waxaan idinka rajeynaa in Xal Waara oo aan wax uga wada qaban karo in uu ka soo baxo wadashigan”.

Agaasimaha xafiiska xalka Waara Marwo Sahra Cabdi Maxamed  ayaa tiri “ Muhiimadda safarka  degmada Jowhar waxa ay tahay sidii aan u diyaarin lahayn Qorshe Howleedka Istaraajiyada Xalka Waara ee dowlad gobleedka Hirshabeele, taas oo naga caawinaysaa sidii aan ugu gun gaari lahayn arrimaha barakaca  ee ay keenan abaaraha, fatahaada iyo colaadaha”.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DGH Mudane  Cabdi Mahad Cabdullaahi ayaa bogaadiyay howshan baaxadda leh ay isla wadaan Wasaaradda Qorsheynta Dowlada Federaalka iyo tan Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Mudane Saadiq Salaad Warsame Wasiirka Wasaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Hirshabeele oo furay shirka wadashiga ayaa yiri “in aan maanta ka wada hadalno diyaarinta qorshe howleedka Istaraajiyada xalka waara 2021-2022 ee Dowlad Gobaleedka Hirshabalee waa talaabo weyn waana ku faraxsan nahay in dowlada dhexe gacan naga siiso arrinka sidii aan Xal Waara ugu gaari lahayn waxyaabaha ay ka mid yahiin barakaca ay keena fatahaada iyo abaaraha”.

Sidoo kale, wasiirka  kula dar daarmay madaxda iyo saraakiisha ka socda dowlad gobaleedka Hirshabeele in ay maskax tuujin fiican  ay sameeyn sidii aan wax wanaagsan oo ah kuwa wax ku ool ah ugu qaban dadkeenna ee ku dhiban deegaanada maamulkeenna marka waa in aan xooggeenna galino diyaarinta Qorshe howleedka Istaraajiyadan Xalka Waara 2021-2022  dowladd goboleedka Hirshabeele.

Shir looga hadlayay amniga oo ka dhacay Baladweyne

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guud ee Amniga deegaanada Hirshabeelle oo ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin guud ka dhageystay Saraakiisha Hay’adaha Amaanka, iyagoo la wadaagay xaaladda Amni ee magaalada Beledweyne iyo guud ahaan deegaanada Hirshabeelle.

Mr. Dabageed ayaa faray saraakiisha Ciidamada Amniga xaqiijinta Amniga Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo dhowaan ay ka dhicin doonaan Doorashooyinka Baarlamaanka.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayay amniga

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guud ee Amniga deegaanada Hirshabeelle oo ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin guud ka dhageystay Saraakiisha Hay’adaha Amaanka, iyagoo la wadaagay xaaladda Amni ee magaalada Beledweyne iyo guud ahaan deegaanada Hirshabeelle.

Mr. Dabageed ayaa faray saraakiisha Ciidamada Amniga xaqiijinta Amniga Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo dhowaan ay ka dhicin doonaan Doorashooyinka Baarlamaanka.

Saraakiil ka tirsan Ciidan xoogga oo tababar miino baaris ah loogu soo xiray Beledweyne

Xubno ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed guutada 5-aad qaybteeda 27-aad aayaa maanta loo soo xiray tababar la xiriira miino barista, tababarkan oo u socday 20 ka mid ah ciidanka mudo lix bilood ah ayaa ugu soo xirmay maanta xerada Ceelgale ee magaalada Beledweyne.

Tababarkan ayaa waxa bixinayey khuburo ka socotay Heya’adda UNMAS oo Heya’adda miinooyinka ee qaramada midoobay.

Taliyaha ciidanka guutada 5-aad qaybta 27-aad Col Maxamuud Xasan Ibraahim ayaa shahaadooyinka Guddoonsiiyey saraakiisha iyo Ciidanka Tababarka u soo dhamaaday, taliyaha ayaa ka hadlay muhiimada uu tababarkan u leeyahay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed isagoo faray ciidanka inay wixii ay tababarka ka korodhsadeen ugu shaqeeyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.