Dad badan oo ku dhaawacmay weerar Israa;iil ay ka fuliyeen Qaza.

Israa’iil ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday Gaza kadib isku dhacyo dhex maray ciidamada dalkasasi iyo dad reer falastiin ah oo dhigayey bannaanbax lagu xusayay gubitaankii Masjidka Al-Aqsa ee 52-sano ka hor.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in askarta Israa;iil ay dhaawacyo u geysteen tobaneeyo qof  oo uu ku jiro wiil 13-sano jir ah oo madaxa laga toogtay,halka laba kale la tilmaamay in ay aad u liidato xaalaooda caafimaad.

Bayaan ay soo saareen milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ay duqeeyeen afar goobood oo hubka lagu kaydiyo ,isla markaana ay leeyihiin kooxda Xamaas oo maamusha dhulka Falastiin ee go’doonsan.

Weerarka ciidamada Israa’iil ayaa yimid saacado kadib markii askarta Israa’iil ay rasaas ku fureen dad badan oo dhalinyaro Falastiiniyiin ah oo ku mudaaharaadayey xayndaabka kala qeybiya Gaza iyo Israel.