Shirka Istiraatiijiyadda Xalka Waara oo ka furmay Jowhar

Shir wadatashi ah  oo ku saabsan diyaarinta qorshe hawleedka  Istiraatiijiyadda Xalka Waara 2021- 2022 ee dawlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Jowhar.

Shirka waxaa ka  qeyb galay Wasiirrada wasaaradaha Qorsheynta iyo  gargaarka ee dowladd gobaleedka Hirshabeele, qaar ka mid ah madaxda Wasaaradaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Agaasimaha Xafiiska Xalka waara  ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Khubaro kale.

Shirkan Wadatashiga ah ayaa socan doona muddo saddex maalmood  ah iyada oo la la tashanayo wasaaradaha, Ganacsatada, Ururrada bulshada rayidka ah, dadka fatahaadaha ku barakacay iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha barakacayaasha ee ka howl gala dowlad goboleedka  Hirshabeele.

Maamulka Degmada iyo kan Gobalka Shabeelada dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa yiri “Waxaan soo dhaweynaynaa  Qorshe Howleedka Istaraajiyadda Xalka Waara taas oo muhiimad gaar ah ka maamul ahaan  noo leh, waayo waxaa dhib xooggan nagu haysa maareynta Arrimaha fatahaadda, abaaraha iyo barakaca tirada badan ee ka jira gobalka marka waxaan idinka rajeynaa in Xal Waara oo aan wax uga wada qaban karo in uu ka soo baxo wadashigan”.

Agaasimaha xafiiska xalka Waara Marwo Sahra Cabdi Maxamed  ayaa tiri “ Muhiimadda safarka  degmada Jowhar waxa ay tahay sidii aan u diyaarin lahayn Qorshe Howleedka Istaraajiyada Xalka Waara ee dowlad gobleedka Hirshabeele, taas oo naga caawinaysaa sidii aan ugu gun gaari lahayn arrimaha barakaca  ee ay keenan abaaraha, fatahaada iyo colaadaha”.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DGH Mudane  Cabdi Mahad Cabdullaahi ayaa bogaadiyay howshan baaxadda leh ay isla wadaan Wasaaradda Qorsheynta Dowlada Federaalka iyo tan Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Mudane Saadiq Salaad Warsame Wasiirka Wasaradda Qorsheynta dowlad gobaleedka Hirshabeele oo furay shirka wadashiga ayaa yiri “in aan maanta ka wada hadalno diyaarinta qorshe howleedka Istaraajiyada xalka waara 2021-2022 ee Dowlad Gobaleedka Hirshabalee waa talaabo weyn waana ku faraxsan nahay in dowlada dhexe gacan naga siiso arrinka sidii aan Xal Waara ugu gaari lahayn waxyaabaha ay ka mid yahiin barakaca ay keena fatahaada iyo abaaraha”.

Sidoo kale, wasiirka  kula dar daarmay madaxda iyo saraakiisha ka socda dowlad gobaleedka Hirshabeele in ay maskax tuujin fiican  ay sameeyn sidii aan wax wanaagsan oo ah kuwa wax ku ool ah ugu qaban dadkeenna ee ku dhiban deegaanada maamulkeenna marka waa in aan xooggeenna galino diyaarinta Qorshe howleedka Istaraajiyadan Xalka Waara 2021-2022  dowladd goboleedka Hirshabeele.